Sidee guul looga gaaraa nolosha Sweden?

16

Markii qof Sweden ku cusubyahay waxa uu ku fikirayaa sida uu shaqo ku heli lahaa oo uu isku quudin lahaa balse marka aad la kulanto qeybaha kala duwan ee Kamuunada, Laanta Shaqaaleynta iyo Iskuulka waxa ugu muhiimsan ee ay markasta kuugu celcelinayaan ayaa ah in aad luuqada barato, SFI aad dhameyso, baraktik aad soo marto. Wadadaas ayay u arkaan in ay tahay wadada guusha looga kaaro Sweden? Hadaba ma jirtaa wado kale oo wadankaan guul looga gaari karo?

Wargeyska Dagens Nyheter ayaa soo qaatay qisada labo nin oo Ciraaqiyiin ah oo labo wada oo kala duwan u qaaday sidii ay guul uga gaari lahaayeen nolosha Sweden.

Ninka lagu magacaabo Cali 4 sano ka hor ayuu Sweden yimid. Waqti kuma uusan lumin in uu SFI dhigto ee isla waqtigaas ayuu bilaabay in uu shaqeeyo , 16 saac ayuu shaqeynayay maalintii. Hada Cali waxa uu furtay dukaan duleedka magaalada Stockholm isagoo reerkiisa halkaas la degay.

Ninka lagu magacaabo Taha sidoo kale 4 sano ka hor ayuu yimid Sweden waxa uu raacay wadada ay Swedishku ku taliyaan oo waxaa uu galay SFI, waxa uu soo maray baraaktiik isagoo soo dhameeyay iskuul xirfadeed oo ku taqasusay tima jarka. Balse Taha wali shaqo ma haayo. “Ceyr waa jirta, balse shaqo ayaan u baahanahay” ayuu yiri.

Qisadaas waa wadada ay qaadeen labo nin oo isku mar wadanka yimid, xaasaskooda oo iyaguna isla waqtigaas yimid ayaa ka sii fog, labaduba waa guri joog oo shaqo ma haayaan. Luuqadana iskaba daa warkeeda. Waxaa lagu qiyaasaa in raga soo galootiga ah ay ku qaadato in ay Sweden shaqo ka helaan isku celcelis 5 sano, halka dumarkana ay ku qaadato 10 sano.

Soomaalida ayaa la dhihi karaa way ka sii liitaan marka loo barbar dhigo dadka carabta ka yimaada oo iyagu aqoon hore iyo waayo aragnimo leh, taasoo u sahasha in ay ganacsi furtaan ama ay shaqo helaan balse Soomaalida oo lagu yaqiin firfircoonaan ganacsi ayaan Sweden aayad ku hayn. Taas waxaa sabab looga dhigi karaa caqabadaha badan ee horyaala oo ay ugu weyntahay luuqada iyo sharciyada qalafsan ee dalkaan.

Habada wadadee ayaad ku socotaa oo isleedahay guul ayaad kaga gaareysaa Sweden. Haddii aad aaminsantahay in aad guul ka gaartay nolosha Sweden bal nagu biiri wadada aad martay. Doodu waa furantay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here