Sidee Soomaalida u saameynayaa heshiiska qaxootiga ee Turkiga iyo EU?

Maanta waxaa si rasmi ah heshiis u gaaray wadanka Turkiga iyo Midwoga Yurub oo ku heshiiyay in dhamaan qaxootiga ka soo gala Greece dhinaca Turkiga dib loogu celin doono Turkiga isla marka ay soo gaaraan Giriiga. Markii dadkaasi la celiyo ayaa Yurub waxay Turkiga ka soo qaadi doonaan qaxootiga Syria oo sanadkii ay soo qaadi doonaan 72 000 qof. Dhamaan dadka ka soo jeeda wadamada kale ayaan soo dhaafi doonin Turkiga.

 

Soomaalida oo horey Giriiga ka soo gali jidhay ayaa durbadiiba lagu celin doonaa Turkey, iyadoo markaasi ay u taalo dowlada wadankaasi sida ay ka yeelayso. Heshiiska ayaa dhaqan-gali doona maalinta Axada ee taariikhdu tahay Maarso 20, 2016. Qaxootiga hadda ku sugan Giriiga oo ku dhawaad ah 45 000 qof ayaan dib loo celin doonin.

Heshiiska ayaan qabanayn qaxootiga ka soo galaya dhinaca Libya, taasoo ah waddo ka qatar badan dhinaca Giriiga iyo Turkiga oo ay ku geeriyoodaan dad badan isla markaana qaxootiga si xun loola dhaqmo marka ay joogaan Libya.

Heshiiska ayaa Turkey waxaa lagu siin doonaa lacag ka badan 3 bilyan oo Euro oo hada la siinayo iyo 3 kale oo labo sano ka dib la siin doono. Waxaa sidoo kale dhamaan dadka u dhashay Turkey ay viiso la’aan ku soo gali doonaan wadamada EU-da isla markaana waxaa bilaaban doona wada-hadaladii ay Turkey uga mid noqon lahayd xubin ka mid ah Midowga Yurub.

Heshiiskaan oo ay si weyn u taageersantahay raysal wasaaraha Germany oo wadankeeda ay soo galeen qaxooti ka badan 1 milyan sanadkii hore ayaa ah mid lagu doonayo in lagu xakameeyo qaxootiga faraha badan ee soo galaya Yurub. Balse heshiiskaan ayaa waxaa cambaareeyay ururada u dooda xuquuqda qaxootigsa sida UNHCR.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. luul says:

    asc
    waa arin dadka qaar u fiican sida reer turki iyo reer suuriya lkin dadka kale ayey caqabad ku tahay.
    horaa waxaa loo yiri biniaadam ushii la gooyo waa ku jin markale wexey dhahdaa soomaalida salaad sidey kuu qabato ayaa loo dukadaa macnaheeda waxa waaye biniaadamka sida ey noqoto ayey ku noolanayan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. GabalDaye says:

    Wa chance so maray turkey siday tahayna way uga fa’idaysteen, Hore reer europe tukey-ga way ka xasdeen ka mid noqoshada EU iyago diinta islaam-ka ku faquuqayay , Awal turkey-gu dhaqaale ayu ku bixin jiray ka mid noqoshada EU , lkin manta wa lala baryayaaa, wakhtigu sidaas ayu isku badalaa marna wa kula jiraa marka wa kaa jiraa, Waxan rajaynaa malin un in somalia chance nocaan ah so maro.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  3. Dj says:

    Turkigu iyagaaba yurib khalad ka aaminsan haddii fiiso la’aan loo ogoloado inay soo galaan yurub halmaalin ayay ba soo guurayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. xassan shekh maxamud ,somali president says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  5. kabtan lii says:

    soomaalida kasoo gashay creec sanadkaan ee yurub soogalay masaameynayaa heshiiskaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • xassan shekh maxamud ,somali president says:

      haa wixii somali oo yurub sogala sharci malasiinayo soomaaliya ayaa lugu tarxiila,

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Umu aahiil says:

    Ilaah ha uwada gargaro.musliminta dhan mrl.walb ay jogan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0