Sidee u aragtaa 8-da Maarso?

12

Maanta waa maalinta loogu yeero Maalinta dumarka aduunka ama 8 Maarso oo ah maalin magac u yaal ah oo dumarku soo bandhigaan cabashooyinkooda ku aadan ragga.

Sweden oo lagu tilmaamo wadamada ugu horeeya marka laga hadlaayo sinaanshaha ragga iyo dumarka ayaa baaritaan cusub oo la sameeyay lagu ogaaday in dadka badankoodu ay aaminsanyihiin in ragga iyo dumarku aysan helin xuquuq sinaansho. Qaasatan mushaarka ragga iyo dumarka isku shaqada ah ayaa kala duwan.

Halka meelaha qaar ay dumarku ku fara dhuudhuubanyihiin. Cabashooyinka dumarka ee ku aadan in aysan helin xuquuq la mid ah ragga ayaa ah mid maalinta 8 Maarso si weyn loo soo bandhigo balse dhowr maalmood ka dib layska ilaawo.

Hadaba su’aashaydu waxay tahay, waa maxay faa’iidada 8 maarso? Waa maxay baahida ay dumarku u qabaan in ay maalin keliya yeeshaan? Sidee u aragtaa sinaanshaha xuquuqda dumarka iyo ragga? Fikirkaaga ku darso…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here