Siminaar ku saabsan doorka midowga yurub ay ku yeelan karaan arimaha soomaaliya oo lagu qabtey Stockhlom

5

Siminaar hal maalin ah oo ay soo abaabuleen Ururka isbaheysiga ummada Soomaaliyeed ee Swedan ayaa shaley lagu qabtey hoolka weyn folkahuska xaafada Rinkebby ee magaaladda Stockhlom dalka Sweden. Siminaarkaan oo ay ujeedadiisu ahayd doorka midowga yurub ay ku yeelan karaan arimaha Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galey dad ay tiradoodu gaareyso ilaa konton qofood oo usugu jirey ururada ku mideysan daladda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan dhanka kale waxaa iyana ka soo qeyb galey madax ka kala socotey qeybaha hey,addaha kala duwan.

Ugu horeyntii waxaa daah furey gudoomiyaha Ururka isbaheysiga umadda soomaaliyeed Abdullahi Maxamed, soo dhoweyn kadib wuxuu sharaxaad kooban ka bixiyey ujeedada siminaarkan ku saabsan yahay isagoona cudurdaar ka bixiyey madaxa midowga yurub u qaabilsan arimaha Sweden Pierre Schelleken oo si kadis ah u imaan waayey iyadoo la filaayey in uu halkaas ka hadlo, ka dib waxaa hadalkii lagu wareejiyey madaxa laanqeyrta cas u qaabilsan xiriirka arimaha dibadda ee afrikada bari Andrei Engstrand-Neacsu, wuxuuna ku dheeraadey qaabdhismeedka laanqeyrta cas iyo howlaha samafalka ah oo ay ka qabato dalka Soomaaliya iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya iyadoona su,aalo laga waydiiyey habka ugu wanaagsan oo ay ku sii labanlaabi karto howlaha bini,aadnimo ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa isna ku nuuxnuuxsadey muhiimada ay leedahay Nabbadgelyadda iyo isku xirnaanta ka hadlay madaxa xaafada Rinkeby-Kista Bo-Sundin. Dhanka kale waxaa ka soo qeybgaley siminaarka xildhibaan ka tirsan Dowlada federalka Soomaliya laguna magacaabo xildhibaan C/qadir Cukaashe wuxuuna ku dheeraadey xildhibaanku fursada ay heysato Dowlada federaalka Soomaaliya, iyo in aysan wada helin kaalmadii loo baahnaa wuxuuna xildhibaanku warbixin iyo faahfaahin dheer ka bixiyey sida ay tahay maantey marxalada Soomaaliya ugu danbeyntiina waxaa si weyn la iskula lafo gurey sidii ay midowga yurub uga shaqeyn laheyd kaalmada iyo gargaarka ay u baahan yihiin Umadda soomaaliyeed waxaana lagu balamey bisha febraayo 2012ka in dib loogu kulmo siminaar kale.

WD: Fardowsa Sh. Hassan Kuriya

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here