Sirdoonka Sweden oo isha ku haya xubno lagu tuhmayo Al-shabaab

9

Booliska Amaanka ee lagu magacaabo (Säpo) ayaa sheegay in ay isha ku hayaan xubno lagu tuhansanyahay in ay ka tirsanyihiin ama taageeraan xarakada Al-shabaab.

Säpo ayaa sheegtay in ilaa 30 qof ay u safreen Soomaaliya oo ay halkaasi ku soo qaateen tababar xaga dagaalka ah. Waxay sheegeen in ay siyaadiyeen kormeerka ay ku hayaan dadkaas ka dib markii Al-shabaab ay si rasmi ah ugu biirtay urur weynaha AlQaacida.

Waxaa qaasatan walwalka ugu weyn ku haya Säpo dadka u safray Soomaaliya ee dib u soo laabtay iyagoo ka cabsi qaba in dadkaas ay weeraro ka fuliyaan Sweden. Säpo ayaa sheegtay in Al-shabaab ay sidoo kale ku leeyihiin Sweden taageerayaal badan oo ka saacida xaga dhaqaalaha iyo warfaafinta.

Si kastaba ha ahaatee, Säpo ayaa aaminsan in ay aan lagu degdeg karin isbedalka uu keeni doono midowga Al-shabaab iyo Alqaacida balse ay hada isha ku hayaan dadkaas oo aysan wax talaabo ah qaadin. Waxay sheegeen in ay la socdaan xaalada shaqsiyaadka ay ka shakiyaan iyo sida uu isku badalo ficilkooda.

Hadaba dadoow ha laga digtoonaado arintaan. Hadal aan macno lahayn yuusan dhibaato kuu keenin. Waxaan kula dardaarmayaa akhristayaasha in ay iska ilaaliyaan fadhi ku diriryada aan macnaha lahayn. Mar haddii shaki ku soo galo way adkaanaysaa sidii aad uga bixi lahayd.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here