Siyaasi reer Yurub ah oo dadkiisa kula taliyey in ay wajiga modoobaystaan

Nin xubin ka ah baarlamaanka Talyaaniga ah, kana mid ah xisbi soogalootiga ka soo horjeeda oo lagu magacaabo Northern League ayaa wajiga ku dhex madoobaystay baarlamaanka wadankaas, wuxuuna intaas ku daray in uu dadka Talyaaniga ah kula talinayo in ay sidiisa oo kale wajiga madoobaystaan si ay u helaan kaalmada la siiyo dadka madoowga ah ee wadanka soo galay.

Siyaasigaan oo lagu magacaabo Gianluca Buonanno ayaa arbacadii ku dooday in magangalyo-doonka iyo soogalootiga la siiyo hooy bilaash ah iyo tasiilaad kaleba halka dadka cadaanka ah ee ree talyaani ay nolosha la harjadayaan.
Lacag aad u badan ayaa lasiiyaa soo galootiga Talyaaniguna muwaadiniintisa buusan waxba u hayn buu yiri Xildhibaankaasi asaga oo soogalootiga dareenka dadka ku soo jeedanmay.

Xisbigaan Northern League ayaa Wasiirada is dhexgalka Talyaaniga oo ah gabar asal ahaan ka soo jeeda wadanka Koongo islamarkaana ah qofkii koowaad oo madoow wadanka Talyaanigana wasiir ka noqda ku eedeeyeen in ay jagada ay hayso oga faa’iidayso dadka modow oo kali ah .
Qaramada midoobay, midowga Yurub iyo ururada xaquuqda aadamiga u doodaba waxay Talyaaniga ku eedeeyaan in uusan dadka wadankiisa soo galah si wanaagsan ula dhaqmin oo uusan siin waxii sharciga wadankaasi xaq u siinayey soogalootiga.

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. abuukar says:

    Talyaaniga soo galootina si wanaagsan wax uguma qabto ninkaas keligiis maahee iyagoo dhan ayaana cunsuriyiin ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Dilaxow says:

    Ascw dhamaan waad salaamatihiin. aniga waxaa qawaa in la iideynin cusrinimadda cadaanka ama wadamada YURUB ama wadama kale sawabtoo ah anaga ayaaba iscusriyeeno ee marka hore anaga aan isa saxno……….. wabilaahi toofooq..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. ibrahim says:

    racconta bugie qualcosa di immigrati non sarà dato a meno che il passaporto quando si entra nel resto della città e lungo le pareti per quanto riguarda il sonno, ho vissuto in Italia per un lungo tempo e sto dicendo la verità, qualsiasi specialista politica più a Italia è in grado di vivere la vita difficile

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0