Siyaasi Swedish ah oo sheegay in uu masaajid isku qarxin doono

Mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga SD oo lagu magacaabo Lennart Karlsson ayaa internet-ka ku qoray in uu bambaano caloosha ku xiran doono oo masaajid isku qarxin doono. Hadalkaasi ayuu ninkaani sheegay isaga oo la hadlayay wargeys ay leeyihiin cunsuriyiinta taageera SD oo lagu magacaabo Exponerat.

Ninkaan oo horay uga mid ahaa ciidamada milatariga Sweden ayaa xitaa sheegay in uu hadda ka hor Muslimiin uu kaniisad ku xiray ka dibna dab qabadsiiyay. Hadalkaasi ayaan la xaqiijin in ay tahay dhacdo dhab ah iyo in kale. Balse asaga ayaa sheegay in arintaasi ay dhacday, hadana markale sheegay in aysan dhicin.

Hadalada ninkaan ayaa ah kuwo qatar ah oo ay muhiimtahay in booliska Sweden ay si fiican baaritaan ugu sameeyaan. Masaajida ku yaala Sweden ayaa weeraro badan lagu qaaday sanadihii dambe, iyadoo qaar badan dab la qabadsiiyay balse haddii ay cunsuriyiintu bilaabaan in ay is-qarxiyaan ayay xaaladu faraha ka baxaysaa.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Abdi says:

    Cunsurnimo ayaa ka badateey illahay ba ka qabaan doona iskama hadleene nacaayb ka kenaay

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  2. ibra says:

    kkkkkkkkkkk sxbow jimcaale walhi adga qosol ayad ledahay
    ma aqaano waxa kaaqaldan
    markad weydo waxad dadka usheegto umada ayaad cabsi ku abuureysaa faa’iidada kasoo galeysana ma aqaano
    waxad ad usheegeyso dadka iska soohubi
    dadka wax aykafaaidayan usheeg
    dad badan oo soomali ah ayaa kugu xiran si ay aalaaba kaalasocdaan akhbaarta Sweden
    marwalibo waxaad isku daydaa wax dadka uroon inaad soodhigtid webbka ee dad wadno kurkurka kadaa
    soomaaliyeey waxan ilaahay idiin qorin idinkuma dhacayaan
    soomaaliyeey noolaada farxadna kunoolaada melwalboo aad joogtaan

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 12 Thumb down 9

  3. siraad says:

    Asc waraan waa run oo shalaay ayan aftonbladet soqoraayan wali bara marki telkiisa laga wacaay wu inkiraay inu wakaas dhahaay. Marka Suaasha mesha taalo aa ah somali hadu isqariixis kula tartamaayo Välkommen dheh. Ninkii raayo aa reer ka u.haraayo

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 4

  4. Osman says:

    Kkkk waa halagaasheego ma isqarxin karo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  5. mo qoolaab says:

    qarixii runta ahaa miyaa oo jug oranaayey walaalow mise beenbeeney waaye rash uu nagu qarxin rabaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  6. Jama says:

    War yaa helikara inaa masaajid alle ku dhimano war kaalay dheh oo is qarxi adiga naarta aad tagtee anaguna jannada gaal iyo booto maxaa kala haysatajkkknkkn

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  7. luul says:

    asc
    kan waa oday waayeel ah oo alkolo iyo da ayaa isu kaashaday markaasuu isku dhex yaacay ama psykos ayuu la liitaa markaasuu självmord diyaar u yahay ee shartiisa alle an ka magan galno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Kan dhahayo waan is qarxinayaa, waxaa kasii daran kan la dhahayo jimcaale. Jimcaale waxaan kuu sheegayaa waxaa tahay beenloow is nacay ee jidadka kamiro la wareego. Waxaan kaloo ogahay dadka jidka marayo in aad sawiro ku xado ayagoon ku ogeen ayaad dadka sawirata ma xishoode. Sawiro xade

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  9. Ninkii Qarxiyey Norwey muxuu udaahayaa. Norge Anders Breivik oo kale muxuu udaahayaa. Asagaaba kadaran kuwa hada isQarxiya. Remote ayay dadkaani wax ka maamulaan, isma qarxiyaan.waayo: Fardowsa Iyo jaxiima MA aaminsana. Caqligooda ayay qabaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1