Siyaasiyiin Swedish ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho

8

Saakay ayaa labo siyaasi oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet (V) waxaa dhaawac iyo dil loogu geystay magaalada Muqdisho. muqdishoSiyaasiyiinta oo kala ah wiil Soomaali-Swedish ah oo lagu magacaabo Abdirahim Hassan oo xisbiga Bidixda u fadhiya xaafada Kista Stockholm iyo Ann-Margarethe Livh oo ah gudoomiyaha xisbiga Bidixda ee magaalada Stockholm. Wiilka Soomaaliga ah ayaa ku geeriyooday dhacdada oo ka dhacday jaamacada Somalia horteeda halka haweeneyda Swedishka ah lagu dhaawacay.

Dhaawaca haweeneyda ayaa ah mid fudud iyadoo la sheegay in laysku dayay in la afduubto haweeneyda. Ann-Margarethe Livh ayaa hada loo qaaday magaalada Nairobi iyadoo la hadashay safiirka Sweden u qaabilsan Somalia. Waxay sheegtay in laysku dayay in la afduubto balse ay ka baxsatay raggii weerarka soo qaaday.

Siyaasiyiintaan ayaa Muqdisho u tagay mashruuc ku saabsan waxbarashada oo ay wadeen xisbiga Vänsterpartiet. Waxaa kale oo la socday dhalinyaro Soomaali ah oo ka tagtay Sweden.

Dhacdada ayaa la sheegay in ay bilaabatay ka dib markii baabuurka ay wateen siyaasiyiinta uu ka soo baxay jaamacada Somalia, iyadoo baabuur kale uu ku dhacay ka dibna ay xabad bilaabatay. Abdirahim Hassan oo ku nool xaafada Husby ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu difaaco gabadha Swedishka ah ee la socotay isagoo ku geeriyooday xabadii meesha ka bilaabatay. Ragga ka dambeeyay dilka wiilka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Dhacdada ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada dowlada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here