SJ oo soo bandhigtay tareeno cusub

4

Shirkada tareenada ee SJ ayaa soo bandhigtay 20 tareen oo cusub kuwaasoo loogu magacdaray X3000 iyaga oo badali doona qaar badan oo ka mid ah tareenada dheereeya ee hada lagu magacaabo X2000. Tareenadaan ayaa la sheegay in ay ka casrisanyihiin kuwa x2000 isla markaana ay meelaha qaar ka xawaara sareeyn doonaan.

SJ ayaa sheegtay faaidada ugu badan ee tareenadaan in ay noqon doonto isku halaynta iyaga oo aan sahal ku ciladoobi doonin. Tareenada X2000 ayaa lagu bartay farsamo xumo badan oo ka dhacda xiliga qaboobaha. Tareenadaan cusub ayaa waxaa ku baxday lacag gaareysa 300$ milyan oo dollar.

Tareenada cusub ee X3000 ayaa hawshooda bilaabi doona sanadka cusub iyaga oo u kala gooshi doona Stockholm iyo magaalooyinka Östersund, Sundsvall iyo Falun. Tareenada cusub ayaa sidoo ku qalabaysan aalado casri ah oo ay isku maaweelin karaan musaafiriinta.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here