Somaali lagu dilay weeraradii ka dhacay dalka Norway

Weerarradii ka dhacay dalka Nowray ee uu geystay nin ka tirsan dadka taageera
xisbiga midigta fog ee dalka Norway ayaa la sheegay in dadkii ku dhintay uu ka
mid ahaa wiil soomaali ah halka gabar soomaali ahna la la’yahay.

Wiilkan Soomaaliyeed oo ka tirsanaa dhallinyarad taageersan xisbiga talada
dalkaas haya, ayaa lagu magacaabi jirey Ismaaciil Xaaji Axmed waxaana sidoo
kale la la’yahay Muna Cabdi-Nuur oo ah gabar Soomaaliyeed waxayna ka mid
ahayd dad badan oo isku tuuray badda, waxaana la maqan saddex ruux oo kale sida
booliisku sheegay.

Weerarkii jimcadii la soo dhaafay Norway gilgilay ayaa loo qabtay Anders
Behring Breivik oo ah Kiristan xag jir ah oo muslimiinta iyo ajaanibta wadankaasi
ku noolba aad u neceb.

Waa markii ugu horeysay oo dad soomaali ah wax ka soo gaareen weeraro
argagixiso oo xagjir kiristan ah geysto, ayadoo inta badan waayihii dambe
warbaahintu hadal hayeen weeraro argagxiso oo dad soomaali ah lagu eedeeyo.

Saciid Cabdi Cusman

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. AbuXudayfah says:

    Waan U Tacsiyaynaa , Dhalin yartaa Soomaaliyeed ,

    Gabadhaa La la’yahay Allaha Soo Samata Bixiyo .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. hamdi says:

    inaali lahi wa ina ilayhi rajicun wan utacsiyayn dhalinyarad la xasuqay wilkas ilahay ha unaxaristo gabartasna alaha soo samata baxsho geri iyo nollaba axmaqasna ciqab adag alaha marsiyo xasuuqas naxdinta leh ugaystay shacbkisa qof dilaya shacabkisa wa axmaq dawladana waan uga tacsiyaayn dhibatadas logaystay intii islam ah oo meshas ku geriyotay alaha u naxaristo intii dhacawana alaha bogsiyo axmaqas ookalana cidna uniximaye bulshadu ha iska qabato waxan rajayn ninkan wax badan sumcadoodi dhulka inulagalo oo melkasta loga kaco cunsuriga iyo waxa tageraba mah mah ba ahayd qaylo yerta ninbaysan ugadarin cunsurigas xawligi iyo garegadi ay ka ahysten wadamo badan oo aykunolyihin in ay bararug bulashadu kaqadan oo ay ka hortagan dhibatada ay usoowadan wadankoda iyo calamkaba oo magacoda lawayo waxba usogalay wale cunsuri

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. faysal says:

    yarka dhintay Allah u naxaristo,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. ahmed says:

    asc calaykum salaan ka dib waxaan halakan tacsi uga dirayaa dhalinyaradii ku dhimatay xasuuqii uu gaystay galka waxan leeyahay ilaahay samir iyo iiman kaha siiyo dhalinyaradii ku dhimantayna allah unaxariisto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. ahmed says:

    sorry wxan ula jedaa ihelahii ay ka dhinteen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. cunaaye says:

    aad baan uga xumahey dhib ka kadhacey wadanka norwey wixii muslima ah oo kudhinteyna alla how naxariisto aaaamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. ahmed says:

    asc
    su aall
    waa maxay sababta ay warbaahintu ugu tilmaali la dahay argagaxiso ?
    hadii ay cidkale ka danbayn lahaydba waa argagixiso ee
    ereyga ragagax waa wax kaste oo keena argagax
    mahdsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. jeego gabanow says:

    unasar Ali Awale
    ramadaan kariim
    geesi baan ahaa shalay mantana dawacaa iga ilaal roon aar baan ahaa shalay mantana waa la igu maad sadaa dalbaan lahaa shalay mantana qaxootan ahay dadbaan lahaa shalay mantana gajaan u li’anayaa awooda geska afrikan ahaa shalay mantana cidlaan ka joogaaa caasimada africaan ahaa shalay mantana hoobiyaa igu dhaca hogaan baan lahaa shalay manta sibiq baan ku dhacay aaway ciidaydii aaway dadkeygii aaway dalkeygii miyaan xaqlaheen miyaan xurmo laheen miyaan calan laheen miyaadan dhaxal iilaheen hadii aad shalay intaa laheed mantoo uu dalkii nabar qabo miyaadan aqoon halka ay xumadu kaheyso xornimadii shalay miyaadan dhiig u hurin mase ciilka ihaayiyo gacal baan laheeen alaa deeqa baxshee somalaay isdaba qabo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. canab says:

    asc subxaana laah aad iyo aad baan uga xumahay dhibka ka dhacay wadankaas norwey ilaaheyna ha u naxariisto muslimiinta ku dhimatey dadka qaarkood oo la layahayna ilaah ha sahlo walaaleheena soomaaliyeedna waan u tacsiyey naaya ilaah samar iyo iiman ba ha ka siiyo aamin aamin. NIN KA LA LEEYAHAYNA JEEGO GAABANOW NA AAD BAAN UGA HELEY FIKRADAADA MAASHA ALAAH SIDAAS KU SOCO WELIGAADA WAAN JECLAHAY DADKA DHIIGA LEH SIDAADA OO KALE MAHADSANID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0