Soomaali gaareysa 200-250 qof ayaa khamiistii mudaharaad ka dhigay Kamuunka Sigtuna xaafada Märsta ayagoo ka soo horjeeday labo caruur ah oo ay qaateen Adeega Bulshada (Socialtjänsten) ayagoo lagu wareejiyay dad aan la aqoon inta uu socdo baaritaanka. Mudaharaadka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyada Gabdhaha Soomaaliyeed ee Sweden ayagoo ku qaylinayay "Waxaan dooneynaa caruurteena". Ayaan Ali oo xog haye ka ah ururka gabdhaha ayaa saxaafada kala hadashay cabashadooda. Soomaalida ayaa ka cabanaya in kamuunka ay caruurta ku wareejiyeen dad aan la aqoon ayadoo ay joogaan dad qaraabo la ah waalidiinta caruurta. "Sweden waxaan u imaanay in carurteena ay nabadgalyo dareemaan" ayay saxaafada u sheegtay Ayaan. Waalidkaan ayaa 4 caruur ah lahaa ayagoo laba caruur ah hore looga qaatay ayagoo labadii u harsaneydna laga qaatay, ayagoo 15bishaan Maarso xabsiga loo taxaabay waalidiinta. Waalidka ayaa la sheegay in lagu haysta ka dib markii wiil 7 sano jir ah oo ay dhaleen uu macalimiinta u sheegay in ay waalidkiis dilaan. War Cusub: Hooyada iyo aabaha xabsiga waa laga soo daayay balse wali caruurtana way haystaan. Wareysi laga qaaday waalidka.

Mudaharaad ka dhacay Sigtuna ka dib caruur waalidkood laga qaatay

Soomaali gaareysa 200-250 qof ayaa khamiistii mudaharaad ka dhigay Kamuunka Sigtuna xaafada Märsta ayagoo ka soo horjeeday labo caruur ah oo ay qaateen Adeega Bulshada (Socialtjänsten) ayagoo lagu wareejiyay dad aan la aqoon inta uu socdo baaritaanka.

Mudaharaadka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyada Gabdhaha Soomaaliyeed ee Sweden ayagoo ku qaylinayay “Waxaan dooneynaa caruurteena”. Ayaan Ali oo xog haye ka ah ururka gabdhaha ayaa saxaafada kala hadashay cabashadooda.

Soomaalida ayaa ka cabanaya in kamuunka ay caruurta ku wareejiyeen dad aan la aqoon ayadoo ay joogaan dad qaraabo la ah waalidiinta caruurta.

“Sweden waxaan u imaanay in carurteena ay nabadgalyo dareemaan” ayay saxaafada u sheegtay Ayaan.

Waalidkaan ayaa 4 caruur ah lahaa ayagoo laba caruur ah hore looga qaatay ayagoo labadii u harsaneydna laga qaatay, ayagoo 15bishaan Maarso xabsiga loo taxaabay waalidiinta.

Waalidka ayaa la sheegay in lagu haysta ka dib markii wiil 7 sano jir ah oo ay dhaleen uu macalimiinta u sheegay in ay waalidkiis dilaan.

War Cusub: Hooyada iyo aabaha xabsiga waa laga soo daayay balse wali caruurtana way haystaan.

Wareysi laga qaaday waalidka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. mmmm says:

    aaway demokratiga ay sheegayeen waa tan caruurtii meel cidlaa lagu qadanayee iyo xuriyada ay mar waliba sheegaan waa kuwa rabo in ay cunaan caruurta walidkana xabsiga dhigaaan waad ku mahadsantihin banaabaxa aad dhigteen viva gabadha codka dheer

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. dhool says:

    wadankan duqmuradi isga baa isku ah ee inaga nooma ahan maskaxiyan beey noola dagalamayaan ee allah dalkayagii nabad hanooha dhigo .
    familkaan coyaalka allah ha soo sahlo ,kaligeed kama maqno .angaba waa naga maqanyihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. waakaxumahay says:

    waan kaxumajay ilaahay na waxaan kabaryayanaa in ilaah uu kasoo qaado gaalad ilmaha yar yar idinkana samirka kudadaala baan idinleenahay hana la is taageero soomaaliyay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. abdii says:

    Bismillah Waa arin laga naxo qof kasta oo damiir leh, Wax aan ka tari karo malaha InshaALLAH ducada ayaan Ugu kabaa In ALLAH uga soo fara-marojiyo caruurta Somaliyed, Aaamiin Aaamiiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. C/raxman Macalin Dheere says:

    asc. dhamaan walaaha somaliyeed. Sln kadib waxaan alle uga beryaa in waalidintas ilmahooda ugasoo qaado.
    Waxaan walaalaha somaliyeed ee sweden kunool oran lahaa war Alle kacabsada marka koowaad oo kuwiina beenta ku raadinaa dhaqaalaha oo leh waan is furnay oo been ah. Ogow inaad xaaraan kuquudisay ilmahaaga. Allana uu kugu imtixaanayo arintaas. Mida kale waa aragtaan in Gaaladu meel kastoo aduunka ay joogan ay u heshiiyen Muslimiinta war adinka maxaa idin diidan inaad isku meel kasoo jeedsataan noqotaana dad isku aragti ah,isku isku talo ah iskuna gar gaara. Waxaa macquul ah in dad idinka mid ah oo muslimnimo iyo Somalinimo sheeganaya ay hadana kujiraan ama taageerayaan afkaarta xisbiyada neceb Muslimka ama Somalida. Waa mahsantihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. najma says:

    asc dhamaantina.waalahi waan ka xumahay.waxaa kale la yabanahaay swedanka caruurta maxey uu aminsan yihiin hadalkoda ile mar mar ayeey been shegaan caruurte .waalahi waxaa ka cabsada markaan la hadlayo caruurta amey ku maqlaan dariiska ey ku yiraahdan caruurtey dile.waalahi waa nolaal adag.ee ilahey hanogu amaansado anaga iyo caruurta.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • noura says:

      asc . dhamaan walaaha somaliyeed. way sallamn yihiin sallan kadib waxaan alle uga beryaa in waalidintas ilmahooda ugasoo qaado.
      Waxaan walaalaha somaliyeed ee sweden kunool oran lahaa war Alle kacabsada marka koowaad oo kuwiina beenta ku raadinaa dhaqaalaha oo leh waan is furnay oo been ah. Ogow inaad xaaraan kuquudisay ilmahaaga. Allana uu kugu imtixaanayo arintaas. Mida kale waa aragtaan in Gaaladu meel kastoo aduunka ay joogan ay u heshiiyen Muslimiinta war adinka maxaa idin diidan inaad isku meel kasoo jeedsataan noqotaana dad isku aragti ah,isku isku talo ah iskuna gar gaara. Waxaa macquul ah in dad idinka mid ah oo muslimnimo iyo Somalinimo sheeganaya ay hadana kujiraan ama taageerayaan afkaarta xisbiyada neceb Muslimka ama Somalida. Waa mahsantihiin.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. maryan says:

    waalaahi waan kaxumahay ilmah lakaatay
    soomaaliyee waad arkataan qoosakaa wax kudhacay illaahay hakadul kaadee waxaa layiri nikii geerkiis looxiiroow sooqooso adiguna aritaan waa arin nawad quseeso ee seen ooga dabaaln kanaa waad ujeediin dakii sha qeesanaayey ooluuqad ya qaanay wax kudhacay ilaahay ha usaqiro anaga alah noofudeeyo qaf walbo oowaali soomaali yeed waadeen san yahay dhib kaan maata taagan waan nawad guseeyaa ee hal dadaalo an lasku doob naado alah saqiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. nasra says:

    a s c waan ka xumahay walaahi dhibaatada iyo xadgudubka loo gaystay qooska somaaliyeed oo ubadkoodii lagu qaatay sida xaq darada ah subxaanalaah ilaahay ha uga soo qaado ubadkooda inteena kalana hanaga badbaadiyo dalkeeniina ilaahay nabad ha nooga dhigo haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo yaa arxamu raaximiin ilaahow ubadkooda uga soo sahal kufaarta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Adna iyo Anwar says:

    Asc aad ayaan uga xumahay qoysaska Somalidda ah oo ubadkoodii laga qaatay waxaan ALLAH ka baryayaa carruurtas in gacanta waalidkood uu kusoo celiyo.Annaguna waa in aan u duceynaa walaalaheena muslimka ah ee murugeysan salaaddaha kaddib.Insha ALLAH qeyr ayeey ku dhamaandoonta.ALLAH ha u fududeeyo aamiin amiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. sacdia mohammed says:

    asc walayaal waaanka xuumhaay waxa dhacaay illah hanoga soo qaaado caruurta galada koleey meshaan xaquuqkama jiirto ee waa miid dadka lagu soo dabo insha allah wan rajeynaah in caruurtiina la idiin soo celin doono hane dalinina sabiirkane badiya ciid waxa idinka qadi karto malhane

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. abdirahman says:

    Asc wr ab aaad iyo aad ayaan uga xumahey ilaahey ha idinkag soo qado inta ilmo laga heestana ilahey ha uga soo qaaado dal aan dalkaada aheen dareen ku joog waye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. waa yaab says:

    Waxaan Allah uga baryayaa reerkan inuu caruurtooda usoo celiyo. waxaana leeyahay familada kale runtii waa muhiim in caruurta lalasheekeesto loogana sheekoyo diintooda iyo wadankooda maxaa yeelay caruurta in cuno lasiiyo kaliya maahan waa in maskaxiyana ladhiso si aanan kuwa waxa xun doonaya aynan uduufsan. markale Allah ha usoo celiye waalidkaan caruurtooda waa naxdin runtiyee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. saynab says:

    aad ayaaan ugu xumahay uurta yar yar oo la qaaday waxaana ilaah ugu baryaa insha,allah in u allah usoo celiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. sacdia mohammed says:

    bisinka oo maxa loo xiiraay reerka ayagoon waxa caad lagu heyn oo caruurtii xaqdaro logaqatay ma la xiiraay yaa rabi caawo maskiinta aweyse caruurtii kalle walayaal illah baan idiin baryeynaah sacidinaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. ifraah says:

    salaamu calaykum waraxmatulaah walaalyaal aad iyo aad ayaan uga xumahay qoska somalida ah ee muslimka ah dhibaatadaa soo gaadhay waxaanan ilaahay uga rajaynayaa inuu kufaartaa uga hiiliyo oo uu ugu soo celiyo nabad qab ubadkooda inshaa alaah iyagana qalbiga u adkeeyo (Aamiin yaa rabi)

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. shankaroon sh. muqtat says:

    sc walaalayaal waa arin naxdin leh oo qofkii muslin ah dareenkiisa kicin karto ilmo ku dhashay diinta islaamka oo maanta aay qadatay kufaar xasbunalaah .basle waxaan illaah ka baryeeynaa in uu inooga soo celiyo dadka soomaliyeedna aay ka banaanbaxaan oo intaas aay kusimine xooga lasaaro. hooyo ayaan ahay waan iska ilmeeyay markii aan arkay gabadhaan abaayo samirka badi waadna guuleeysan doontaane inshaa allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. shukri ibrahim says:

    telefonkina ayaan rabaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0