“Somalia waxaan ka ahaa nin magac leh, Sweden waxaan ka noqday waxba”

3

Wargeyska SvD ayaa isbuucaan mowduuc dheer ka diyaariyay nolosha, shaqada iyo dhaqanka Soomaalida Sweden. Iyagoo wareysi dheer la yeeshay Abdinoor Mohamed oo ka mid ah Soomaalida ku nool tuulada Braås ee ku dhow Växjö. Abdinoor ayaa wargeyska uga waramay noloshii uu ku noolaa Somalia, isagoo sheegay in uu ahaa macalin, qoraa iyo wariye magac ku leh wadanka balse markii uu Sweden yimid noqday mid aan waxba ahayn.

Wargeyska ayaa sidoo kale booqday reerkiisa iyo Soomaali kale, iyagoo si qoto dheer uga waramay in Soomaalidu ay yihiin dad ay shaqo la’aan badan ku haysato Sweden isla markaana ay adagtahay in ay bulshada dhex-galaan. Swedishka ayaa la sheegay in ay Soomaalida u arkaan bulshada ugu adag ee xiriirka lala sameyn karo. Haweenka Soomaalida ayaa qaasatan ah kuwo aad uga fog suuqa shaqada iyo xiriirka bulshada. Taasoo loo aanaynayo heerka waxbarashada oo hooseeya, diinta, dhaqanka Soomaalida iyo doorka dumarka.

Abdinoor ayaa wargeyska uga waramay sidii uu ku dhex-galay bulshada Sweden, isagoo markii uu soo galay Sweden durbadiiba tagay iskuul ku dhow gurigiisa kuwaasi oo uu waydiistay in uu ardada u akhriyo sheekooyin Soomaali ah. Abdinoor ayaa maanta ka tirsan jaamacada Linnéuniversitetet isla markaana aasaasay dhowr mashruuc.

Wargeyska ayaa sidoo kale wareystay quburo cilmi baaris ku samaysa suuqa shaqada, iyagoo dhamaantood tilmaamay in dhibaatada hortaagan Soomaalida Sweden ay tahay in aysan wadanka ka jirin shaqooyin xirfad hoose iyo in shuruucda wadanka ku hortaagan yihiin Soomaalidu in ay iskood isku debaraan sida wadamada kale.

Halkaan ka akhriso mowduuca oo Af-Swedish ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here