Soo galooti badan oo isaga guuray Sweden

43

Sanadkii la soo dhaafay ayaa Sweden waxaa soo galay tiradii ugu badnayd ee soo galooti ah ilaa 1994. Sanadkii migrationsverket-logo2012 ayaa waxaa Sweden soo degay dad gaaraya 103,059 oo isugu jira qaxooti, Swedish dib u soo laabtay iyo dad lagu keenay shaqo iyo xiriir jaceyl.

Sidoo kale isla sanadkii tagay ayaa waxaa Sweden isaga guuray dad gaaraya 52,000 kuwaasoo u badan dad markii hore Sweden soo galooti ku ahaa. Dadka ka guuray Sweden ayaa isku celcelis waxay halkaan ku noolaayeen ilaa 6 sano.

Dhinaca kale dadka soo degay Sweden sanadkii tagay ayaa 20% waxay yihiin Swedish horay ugu guuray wadanka oo dib u soo laabtay. Swedishka soo laabtay ayaa inta badan waxay ka soo laabteen wadanka Norway. Dadka labaad ee ugu badan ee soo degay Sweden sanadkii tagay ayaa waxay ka yimaadeen wadanka Syria oo dagaal ka socdo. Sweden ayaa sanadkii 2012 waxay sharci siisay 4,730 oo Siiriyaan ah.

SUAAL: Ma qorsheynaysaa in aad ka guurto Sweden? Haddii jawaabtu HAA tahay halkee ayaad u guuraysaa?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here