Warbixin: Soo galootiga oo caruurtooda si xun u garaaca

7

Warbixin ay soo saartay jaamacada Karlstad iyo Hayada BRIS (Barnens Rätt I Samhället) ayaa lagu soo bandhigay in waalidiinta soo galootiga ah ay caruurtooda u garaacaan si ka xun sida ay kuwa Swedishka ahi u garaacaan caruurta. Warbixinta ayaa lagu sheegay waalidiinta ku cusub Sweden in ay caruurtooda garaacaan taasoo xadgudub ku ah sharciga mamnuuca in caruurta la garaaco ee Sweden ay dhaqan galisay sanadkii 1978.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in tani aysan ahayn mid lala yaabo maadaama wadamada ay ka yimaadeen dadkaan cusub aysan ka jirin sharciyo mamnuucaya garaacida caruurtada, iyadoo xitaa sanadkii 1960 ay waalidiinta Sweden sidaa si la mid ah caruurtooda u garaaci jireen balse markii sharciga soo baxay dadku ay la qabsadeen.

Qorayaasha warbixinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah waalidiinta soo galootiga ah ay u arkaan in dadka Swedishka ahi ay si fudud ula dhaqmaan caruurtooda halka iyagu ay doonayaan in caruurtooda ay u hogaansamaan.

Waalidiin dhowr ah oo Soomaaliyeed ayaa arintaan horey dhibaato uga qabsatay iyadoo sanadkaan waalidiin ku nool kamuunka Sigtuna laga qaatay caruurtooda ka dib markii lagu eedeeyay in ay garaaceen caruurta. Sidoo kale waalidiin Soomaaliyeed ayaa Malmö lagu xiray caruurtiina laga qaatay isla bilihii la soo dhaafay.

SVT.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here