Soo galootiga oo qaraabada ka door bida shaqada

Baaritaan uu sameeyay wargeyska SvD ayaa lagu soo bandhigay in kamuunada ay ka jirto shaqo la’aanta aadka u badan ay u doortaan soo galootiga wadanka cusub. Iyadoo ay dowladu ku celcelisay marar badan in shaqadu ay tahay furaha isdhexgalka ayaa hadana dadka cusub waxay degaan meelaha ugu shaqada yar Sweden.

Sababta ka dambaysa arintaan ayaa lagu sharaxay in ay tahay xiriirka qaraabada oo dadka soo galootiga ah ay doortaan halka ay ku noolyihiin dadka ay yaqaanaan. Taas ayaa keentay in soo galooti badan ay isku urur sadaan magaalooyinka ugu shaqada yar Sweden sida Flen, Eskilstuna , Södertälje iyo kuwa la mid ka ah.

Dowlada Sweden ayaa sanadkii hore meel marisay sharci ku qasbaya soo galootiga in ay u guuraan halkii shaqo laga siiyo balse dowlada yaaa diiday in ay dadka xoriyada ka qaado oo laga mamnuuca in ay degaan halkii ay doonaan. Qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Sweden ayaa ku doodaya in aan dadka la siin xoriyadaas, qaasatan gudoomiyaha degmada Södertälje Boel Godner oo ka tirsan xisbiga Social Demokraterna ayaa codsatay in laga joojiyo qulqulka soo galootiga ee ku socda magaaladeeda. Magaalada Södertälje ayaa waxaa degan kumaan carab ah iyadoo hada dagaalka Syria uu keenay in kumanaan kale ay halkaasi tagaan.

Kamuunada ugu shaqada badan Sweden ayaa waxaa ka mid ah Danderyd, Vaxholm, Vallentuna, Täby iyo Ekerö oo dhamaantood ka tirsan Stockholm kuwaasoo ay ku nool yihiin soo galootiga ugu yar.

Hadaba su’aashu waxay tahay: Ma waxaad dooran lahayd halka ay qaraabadaada ku noolyihiin mise halka aad shaqo ka halayso? Ku darso fikradaada….

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Iid says:

    aniguu waxaan deegii laha meshaa shaqaada leh ee faaidaadu iguu jirto anoo hada ardaya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. armaan says:

    asc bro aad baad umahsan tahay soogudbintaada marka xigta svarige ma caasimada bes baa wadanka kale shaqo malaha miyaaa waa adiga stoclhlom sooqoray mideeda kale soomalai hore utiri orgeyga oor noqon rabaa saan saantiisa laga kartaa bro bada meehsa aad ka gashid waa dhanaan sxb aniga swiidhan aan kala fiican maqabo ayaga ugu tala galay nin soogalooti inusan meeshan heer ka gaarin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. mohamed says:

    waxaan ku faraxsanahay in aan daggo meesha aan shaqo ka helaayo waayo shaqadaa ka mu hiimsan shaqsiyaadka aan is naqaano wada daganaantooda .wailaahi tawfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. sakariye abdi says:

    asc waxaan odhan lahaa qofki shaqo heleyaa waa inuu dego halkii wuu shaqo ka helaayo.
    wadankana looma iman inay caydh la qaato,,qaraabaduna ma lacag bay ku siineysaa mise shaqo
    waa maya jaawabtu,markaa waxaa fiican in qofku shaqo tago,
    dawladana waxaan odhan lahaa ayaan soo galootiga xoreyd badan la siin ,waayo markasta waa geedi
    oo waxay u guureyaan halkii qof ay is yaqaanan loogu sheego.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdullah says:

    Asc dhamaaan inta kunool sweden waxaan dhihilahaa shaqo ayaa sharaf leh qaraabadaada xiliga fasaxa ayaad soobooqon kar taa idin koo isjacel isku xiisayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. hoobiye says:

    aniga waxan dagay dadkana aan kula tali lahaay qof kasta inaydagto meesha uu qabiilkeeda u badan yahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  7. ugaaska says:

    aniga ahaan waxaan umadda soomaaliyeed qaasantan kuwa reer swedeen kula talin laha in ey ka dhabeeyaan danta ey uga soo tageen dalkoodi eyna dadaal dheeri u galaan sida ey uga bixi lahaayeen ciirta eyna kaligood wax is taraaan war hooy wlh waa iga talo meeshi shaqo lagaaga sheego waa in aad aadaa waa barnaamij wanaagsan inkee waa in aad ka ag dhawaato goobahaas

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  8. istaahil says:

    shaqadeeyda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0