“Soo galootigu waa in ay u guuraan halka shaqadu ka jirto”

36

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa ugu baaqay dadka cusub in ay u guuraan magaalooyinka shaqadu ka jirto, isaga oo ugu goodiyay cidii diida shaqo in lacagta laga goosan doono.

Mowduuc uu ku qoray wargeyska DN ayuu wasiirku sheegay in dadka soo galootiga ah ay saarantahay masuuliyad in ay shaqo raadsadaan oo haddii magaalo kale shaqo looga helo ay waajib ku tahay in ay halkaasi u guuraan. Cidii inta shaqo ama guri loo helo diida ayuu sheegay in lacagta taageerada ah ee ay bixiso Arbetsförmedligen laga yarayn doono.

Wasiirka ayaa sheegay in xiliga deyrta ay soo bandhigi doonaan isbedalo lagu sameynayo nidaamka isdhexgalka oo ay ku jiraan in dadka lacagta laga gooyo haddii ay diidaan in ay shaqada qaataan. Wasiirka ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal wax looga qabanayo cabashooyinka ka yimid nidaamka isdhexgalka cusub ee dowladu ay dhaqan galisay sanadkii 2010.

Hadaba su’aashu waxay tahay..waa kuma qofka diidaya shaqo? Ma diidi lahayd in aad guurto haddii shaqo lagaaga helo magaalo kale? xitaa haddii ay tuulo yartahay? Waa dood furan…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here