Soomaali dhibaataysan oo ku mudaharaadaya Laanta Socdaalka Malmö

14

Soomaali magangalyo doon ah oo sharciga loo diiday ayaa qorsheynaya in ay ku  mudaharaadaan xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Malmö. Mid ka mid ah dadka qabanqaabaniya mudaharaadka oo magaciisa ku koobay Guuleed ayaa ii sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan wadanka sida dhaqaale la’aan, caafimaad daro iyo rajo la’aan.

Qorshaha mudaharaadka ayaa ah in irada hore ee Laanta Socdaalka ilaa Madaxtooyada magaalada lagu maro socod, iyadoo loogu baaqay dhamaan Soomaalida ku nool Sweden ee dhibaatadu haysata iyo kuwa kaleba in ay soo camiraan mudaharaadka. Telefishinada iyo wargeysyada ayaa lagu marti qaaday goobta si ay arinta wadanka dhan u gaarto. Booliska ayaa sidoo kale waxaa laga soo qaaday ogolaansho.

Guuleed ayaa ii sheegay in ay jiraan Soomaali badan oo mudo sanado ah aan wax lacag ah la siin, oo waliba marka ay daryeel caafimaad u baahdaan lagu xujeeyo sharci. Waxa uu intaas ku daray in Soomaalidan sharciga loogu diiday waxyaabo ay ka midyihiin luuqada iyo magaalada Muqdisho oo ay si fiican u kala garanwaayeen.

Hadaba cidii doonaysa in ay ka qeyb gasho mudaharaadka ayaa waxa uu dhici doonaa Khamiista 30ka augusti 2012. Saacadu waa kl. 13:00.  Waxaa lagu kulmi doonaa wadada Celsiusgatan, Malmö ee uu ku yaalo xafiiska Laanta Socdaalka. Waxaa socod lagu tagi doonaa ilaa guriga madaxtooyada magaalada (Stadshuset). Wixii faahfaahin dheeri ah ayaa waxaa lagala xiriiri karaa Guuleed: 0764307692.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here