Soomaalida cusub ee ku biiray nidaamka isdhexgalka ee lagu wareejiyay xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa dhibaato iyo jahwareer ka haysataa xaga lacagta. Xafiiska shaqada ayaa lacagta siiya dadka kala barka bisha halka qofka laga rabo in uu bixiyo kirada guriga kama dambeys 1-da bisha. Soomaali dhowr ah oo aan la kulmay ayaa dhibaato weyn ka sheeganaya arintaan iyadoo qaarkood loo soo tuuray ganaax maadaama ay la soo daaheen lacagtii kirada. Markii ay xiriir la sameeyeen Xafiiska Shaqaaleynta ayaa isku tuur tuur lagu bilaabay oo lagu yiri kamuunka ayaa idinka caawinaya arintaas, halka kamuunaduna ay dadka ku leeyihiin xafiiska shaqada ayay arintaas u taalaa. Si kastaba ha ahaatee Soomaalida cusub ee galay nidaamka cusub ee isdhexgalka ayaan ku faraxsanayn sida ay wax u socdaan iyagoo kuu sheegaya in nidaamkii hore uu fiicnaa. Waxaa laga rabaa bil kasta in ay foomam buuxiyaan si ay lacagta u helaan iyagoo ay masuul ka yihiin shirkado madax banaan. Dowlada ayaa ku doodeysa in nidaamka cusub uu siinayo soo galootiga fursado shaqo oo ka fiican kuwii hore.

Soomaali dhibaato ka haysato bixinta lacagta kirada

Soomaalida cusub ee ku biiray nidaamka isdhexgalka ee lagu wareejiyay xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa dhibaato iyo jahwareer ka haysataa xaga lacagta. Xafiiska shaqada ayaa lacagta siiya dadka kala barka bisha halka qofka laga rabo in uu bixiyo kirada guriga kama dambeys 1-da bisha.

Soomaali dhowr ah oo aan la kulmay ayaa dhibaato weyn ka sheeganaya arintaan iyadoo qaarkood loo soo tuuray ganaax maadaama ay la soo daaheen lacagtii kirada. Markii ay xiriir la sameeyeen Xafiiska Shaqaaleynta ayaa isku tuur tuur lagu bilaabay oo lagu yiri kamuunka ayaa idinka caawinaya arintaas, halka kamuunaduna ay dadka ku leeyihiin xafiiska shaqada ayay arintaas u taalaa.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida cusub ee galay nidaamka cusub ee isdhexgalka ayaan ku faraxsanayn sida ay wax u socdaan iyagoo kuu sheegaya in nidaamkii hore uu fiicnaa. Waxaa laga rabaa bil kasta in ay foomam buuxiyaan si ay lacagta u helaan iyagoo ay masuul ka yihiin shirkado madax banaan. Dowlada ayaa ku doodeysa in nidaamka cusub uu siinayo soo galootiga fursado shaqo oo ka fiican kuwii hore.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. najax says:

    SCWW,walaal arinta aad ka hadashay waa run aniga ayay ihaysataa… ilahay waxan ka baryay na faraj inuu noo furo wadankeenana dib ugu noqona isagoo oo nabad ah..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. khadar says:

    qofka isagaa laga rabaa inuu isdabaro waayo ama koow halagu siiyo amaa 30 isku tashi ayaa larabaa soomaalidana wax walba ma ahaan inay ku liitaan waa inay fahmaan nidaamka waxaa daran in aadan waxbaba haysan laakiin hadii lacag lagu siinaayo waa inaad nidaamsato waa aniga ragtidayda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Saacid says:

    Asc, runtii waxaan ka mid ahay dadka ay dhibatadaan heesato waxaana ka mid dad cusub uu xafiiska shaqada qaatey,waxeena igu dhaheen adiga isdaber ugu danbeyntii waxaa dhacdey in ganaax leesoo tuurey waxaan utegay shirkadii aan guriga ugu jirey waxaana usheegay iney dowlada isiiso xiligaan lacagta aanan awoodin, ugu danbeyntii sidii leeskugu dhiib dhiibaaye waxaa dhacdey iney isla hadlaan hanlegarkeega iyo shirkadii aan guriga ugu jirey weena iga ogaalaadeen, waxaana kula dardarmi lahaa walaalheega dhibaatadaan heesato ineysan ka jiifan ay xogaha dhaqdhaqaaq sameeyaan xitaa hanoqoto ay media ha xitaa usheegaan ineysan danbigaan aysan shaqo ku laheen ay masuul uyihiin xafiiska shaqada…run ahantiina kama filaneeno inee shaqo nasiiyaan maxaa yeeley waxeeba nagu silcinayaan lacagihii nolosha.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Massago says:

    SAACID SXB WAA SAX LKN MID OGOOW
    OOD JEEDID IYO QAADID WAA ISLA GURI GEYN HADII LAGU SIIYO 15-TA BISHA QAYBTA KALENA LAGU SIIYO 15- KALE ADA LAGAA RABAA INAAD ISKU FILNEYSIISO MAXAAYEELAY LACAGTA WAXEY KUSOO DHECEE KONTO HADAAD RABTO WA UGA ALA KARTAA. ANIGA WAXEY ILA TAHAY NIDAMKAAN CUSUB AYAA KA FIICAN KII HORE MAXAYELAY WA MIDE ASBUUC GASHOW LACAG AYAAD HELEE HABADNAATO HASA YARAATEE MIDA KALE WAXAAAD HELEE FURSADO SHAQO OO AWSAN HELEYN KAN DHIGTA SFI-GA SIKASTABA HA AHATEE ARINTAAN AY DALWADU KU BADASHAY NOLOSHA DADKA SO GALO WAXEY ILA TAHAY INEY FAAIDO KAHELI DOONAAAN SC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. deeqa says:

    ACS WALAALAYAAL QOFKA ASAGAA LAGA RABAA INUU ISKA CUNIN LACAGTA OO BISHA DHEDEEDA HADAAD QAADATID DHAMAADKEEDA ISKA DHIIB LACAGTA HA SII CUNINE WAXAAS WAA WAX FUDUD OO LA XALIN KARO KAMMUUNADII AYAAD KA REYSATEEN DADKIINA CUSUB NIDAAMKAAN CUSUB AYAANA WAX BADAN FIICAN EE AAMUSA HA ISKAGA HADLININEE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. fuaad ilkacase says:

    asc horta marka hore aadbaan idiin salaamayaa salaan ka bacdi ama lacagta hanoo kala jaraan ama ha nawada siiyaan waaa isla halkii laakiin waxaan odhan karaa anagaa ka nasiib wanaagsan dadkii naga horeeyay ee guryaha iska fadhiyay waayo baraaktig qaabka shaqooyinka loo codsado luuqadii oo dag dag aanu u baranay iyo isdhex galka bulshada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Saacid says:

    Asc runtii qof waliba fikrad ayuu qabaa nidamkan cusub, lacagta masruufka waxee ku fiican tahay in lagu siiyo bisha bilawgeeda …mida kale qof walba nasibkiisa ayuu cunaa iyo dadaalkiisa waaye hadaad dadaasho shaqo wa heleysa oo luuqada dhaqsi dhameeso oo dhaq dhaqaq badan sameeso laakin dadkii hore waxeeba ubadanyihiin waxaa arkeysaa nin 4sano SFI lee dhiganaayo ama nin joogo 8 sano o loo turjumaayo yaab waligaa haku fikirin qofkan wax badan ayu dalka joogey isku day inaad dhaqsi hormar sameeso adigoo waxyar joogo dalka… 2da nidaam wax ay isdhaamaan majiraan adiga kugu xerantahay wax kasta nidaamkaan cusub ayaa xogaha dhanka lacagaha wareer ka taagan yahay moye.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0