Soomaali ku nool magaalada Borlänge ayaa ka cabanaya in si qaldan loogu soo diray in ay bixiyaan lacagta Telefishinka ee loo yaqaan (licensavgifter). Soomaalidaan oo gaaraya ilaa 20 qof ayaa cabasho u gudbiyay xafiiska ABF ee magaaladaas iyagoo ku doodaya in aysan wax telefishin ah ugu jirin sida uu soo qorey wargeyska Dalarnas Tidningar. Mursal Ismail oo ka tirsan ABF ayaa u sheegay wargeyska in dadkaan aan la dhihi karin way soo been abuureen arinta maadaama waqti aad u yar ay dad fara badan soo gudbiyeen dacwada ka dhan ka ah cida qaabilsan ururinta lacagta TVga ee Radiotjänst. Mursal ayaa u sheegay wargeyska in aysan arintaan ku cusbeyn oo uu horey dad ugu caawiyay in ay ka dacwoodaan arintaan. Labo gabdhood oo ka mid ah dadka sida qaldan loogu soo tuuray bixinta lacagta telefishinka ayaa ku dooday in ay ku marti qaadayaan baarayaasha Radiotjänst guryahooda si ay u arkaan in aysan wax telefishin ah u oolin. Mursal Ismail ayaa la yaaban sida ay u shaqeeyaan Radiotjänst isagoo aaminsan in ama si qalad ah ay dadka warqadaha ugu diraan ama ay arintu ogaaltahay. Waxaaba macquul ah in lacag lagu siiyo qofkasta oo ay diiwaan galiyaan oo ay isleeyihiin cidna soo dacwoon meyso. Dalarnas Tidningar.

Soomaali dhibaato ka haysato lacagta TVga

Soomaali ku nool magaalada Borlänge ayaa ka cabanaya in si qaldan loogu soo diray in ay bixiyaan lacagta Telefishinka ee loo yaqaan (licensavgifter). Soomaalidaan oo gaaraya ilaa 20 qof ayaa cabasho u gudbiyay xafiiska ABF ee magaaladaas iyagoo ku doodaya in aysan wax telefishin ah ugu jirin sida uu soo qorey wargeyska Dalarnas Tidningar.

Mursal Ismail oo ka tirsan ABF ayaa u sheegay wargeyska in dadkaan aan la dhihi karin way soo been abuureen arinta maadaama waqti aad u yar ay dad fara badan soo gudbiyeen dacwada ka dhan ka ah cida qaabilsan ururinta lacagta TVga ee Radiotjänst.

Mursal ayaa u sheegay wargeyska in aysan arintaan ku cusbeyn oo uu horey dad ugu caawiyay in ay ka dacwoodaan arintaan.

Labo gabdhood oo ka mid ah dadka sida qaldan loogu soo tuuray bixinta lacagta telefishinka ayaa ku dooday in ay ku marti qaadayaan baarayaasha Radiotjänst guryahooda si ay u arkaan in aysan wax telefishin ah u oolin.

Mursal Ismail ayaa la yaaban sida ay u shaqeeyaan Radiotjänst isagoo aaminsan in ama si qalad ah ay dadka warqadaha ugu diraan ama ay arintu ogaaltahay. Waxaaba macquul ah in lacag lagu siiyo qofkasta oo ay diiwaan galiyaan oo ay isleeyihiin cidna soo dacwoon meyso.

Dalarnas Tidningar.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. Baashi says:

    Asc,, Waxan ka mid ah Somalida ku nol magalada Borlänge, dhibkaanne magalada wu ka jiray in badanna wuu soo noq-noqda waxna lagama qabto, Dabcan magalada wey jiran dad heysto Tv hadane an lacag bixin, Shirkadane waxey aragtay dad u yaal guryaha oo aana bixin lacagti xaqa logu laha,, Sidas aya Somalidi la arkaba lacag logu so dira,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. sadaq said mahamud says:

    asc sxb jimcale mbnta waa 4may waa maalinti lafilayey in baarlamaanta kadoodaan arimaha kusaabsan socdaalka halke kudambeday doodaas sxb jawab mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. batuulo says:

    ASC aal alla somaliye qayanada maad iska deysin ala ka baqdiin side macquul ku noqonesa ina tv la,aan qof ahaado marka been soconeso sheega iska bixiya lacagta wax badan ma ,ahan ee ciyalkina u daneya iyo dhalinyaradina si eey ugu waqti dhamestan tvga marka caadi iska dhiga he somaliye side idinka noqotay lol

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. mohamed says:

    sxb saadaq saciid mahamuud ma ahan sxb manta 4may waa afarta april sidee ka noqote wa bishi afaraad may lama garin aniba sidada kale ban u xisabsanaya ee waqtiga si meer le ula soco sxb mahadasanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. sadaq said mahamud says:

    sxb maxamed wa mahadsantahay waxa kawaday 4april oo aheed maanta jwb wacan jimcle

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Baashi says:

    Saadaq wad iga qoslisay wlhi,, Isku cudur ayan nahay habenki ilaa taariikhda iska badasho ayan so jeeda si an u hubsado in ay malin iga baxday, hahaha,, Bil aya ku dhiman bro kheyr ayeyna ku dhamaneysaa camal,, Niyadaada deji ,,,Mohamed haye adiga horey adba ka aragtay caadi ma tihid,, Aniga wan aqriyey mana igu soo dhicin,, hahahaha Wad ka baxsatay cml l00l

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Yarisow says:

    Batulo se waye he adiga,, dadka dhan sidada o kale mad u maleysa oo MUHANAD iyo Musalsal ku tixan,, qaar ayan TV heysan una yaalin taas xisabta ku darso,,Aniga o kale ma heysto TV oo iskabulo an ahay gurigana in badan wan ka maqanahay inta an jogone Internet an dhiig ka keena,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. sadaq said says:

    baashi sxb maxaa idhahday bilaa kuu dhiman aa doodii dib maa loo dhigay ileen balantu waxee aheed 4april

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Baashi says:

    Saadaq sxbo balanta waxaa loo wareejiyey lagana dhigay 4May hadduu rabi idmo saas waaye,, Duca soo rid camal,,, In ilaah warsan ka yeeriyo,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. najma says:

    asc dhamaantina waxaan jeclahay ina fiigrad ku darsado .hadaan ka hadlo xalada TV somali an qabiin waa yar tahay .hadale waxaay dhigtaan kan ugu qalisan.lakiin waxaa ku adag lacaagta laga qadayo.waxaan tihi lahay lacaagta koleyba swedan ayaa ku sise iska dhiib. ile wadaankan gacantey wax kugu siyaan teda kalay kaga naqayaan.TV la,aan waa aqbaar la.aan .ilam ahan inla jogi karo TV ile waxaa noqoneysa dhagol camal.dunida wixii ka dhacaayo lama socodiid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. jaangow says:

    asc dadka kuligood waxan umaleyna mawada xuma marka kuwa wax khayaamayo haiska dayaan
    aan dhihi laha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Mbasha says:

    Asc, walaalayaal waxaan u maleynayaa arintaan markaan in caan ku noqon doonto Soomaalida wayo hadda saxafada ayaa wax ka qorta, lacagtana ma badno oo waa 170 kroon bishii. Runtii waxaa nasiib daro ah qof uu saaran yahay diish iyo TV shaashadiisa tahay 42 Inch inuu diido bixinta lacag la siiyay ama uu shaqeystay. Aniga magaaladaas ayaan ku noolahay waana arkay dad badan oo diidaya iney bixiyaan laakiin heysta TV.

    Waa khiyaano iyo waliba sumcad daro qaran dhan oo wadankii iney wax ka qaadaan maaahane xataa wixi la sii waxbo ka bixin karin.
    Somaliya isdilid, qax iyo dhibaatooyin badan ayaa naga keenay, laakiin sweden waxaan dhib u aragnaa bixinta lacag aad u yar oo weliba khidma/adeeg Tv ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. kuuriyo says:

    Asc dhamaan wa salaaman tihiin hadii an ka waramo arintan aniga waxan amin sanahay kaso qad gabadhan ka dacawoneyso lacagta lagu so dalacay aniga ma aaminsani in ey bilaa Tv tahay maxaa yelay hada hadi la dhaho wa la so firinaa gurigaada ma ogola marka lacagta iska dhiba haye kale dacwada adaad shirkada dacweneysan idinkey ganaaxeda idiin qabanaa ee dhiba lacagta ok wax jece shihiin musalsalka markaad firsaneysaan iyo progaraamyada kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. general yaya says:

    asc wcs wb dhamaan wa salaamantihiin >>>kuuriyo 3 neceb aan maqli jiray walaaleey kuuriya dhibka mesha yaal maka hadashid hadal masuul qof ah ku hadlo walayaqaan ama qof damiir leh sida mursal ookale intaas qof been kuma dacwonayso aniga ahan waxaan dhihi kara waa arin qalad ah sababtana ana og qof aan aqaan sidan loogu soo diray tv na mashida jirin lkn dhalo guriga waytaala waliba uusan lahayn ma aqan sababta lkn way qaldamaan marwalbo ku waan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Muno says:

    Kuriyo walalo maxad igu dambaweysa gabadha mesha ku sawiran wa aniga,, Tvna ima yaal,Somali hadalka dhihidia ku fududaa,, Walalo ilahaga ku aburtay ka baq,, Hadi kale waxad rabto oo been ah Umada ka faafi,, Wsc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Umunasra says:

    ASC
    Walaalayaaloow waxa iga su’aal ah Swedenta la sheego ma sidaasaaba ka dhab ah in aynanba u diiwaan gashneyn dadka ey serviceka u sameeyaan ooba la inkiri karo.
    Halkan America ma dalban kartid TV “CABLE” adigoon informationkaada lagaa qorin oo aan lagaa sixiixin oon creditkaaga lasoo baarin inaad biil hore u bixin jirtay iyo in kale markaas ayaa account laguu sameyn. Ee waa maxay TV ma haysto iyo waa haysataa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Mouse says:

    Caadi maaha jag har inga teve min syster har teve kkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Abdi yare says:

    WAR JOOJIYA MUSUQ_MAASUQA IYO QISHKA AAD MEEL WALBA KA WADAAN.DADKU TV-WAA WADA HAYSTAANE LACAGTA LEESANKA ISKA BIXIYA. WARQAD BAA QALAD NALOOGU SOO DIRAY IWM ISKA DAAYA. EE LACAGTA HALA ISKA BIXIYO.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. fardowsa says:

    ASC. Walaalayaal Ilaaheey ha laga baqo marka hore markaan runta isku sheegno TV waa la wada heystaa in yar ayaa laga yaabaa ineysan heysan laakiin aniga waxaan indhaheyga saarey dad badan oo degen swedan lacagta tvgana ma bixiyaan mana ahan soomali kaliya ajnabi iyo xataa swidishka qaarkiis ayaa ku jira. Arintaan culimada markii la weydiiyeyna waxey dheheen waa idinku xaaraan iska bixiya lacagta inaad gaalka qayaantid yaa kuu baneeyey kaararka busaska xataa la qayaamaa stockhlom oo kale lugtaa la taagtaa waxaas waa ceeb walaalayaal ee iska bixiya lacagta F.G Dadka cabanayo waa laga yaabaa iney runtood tahay oo aysan TVheysan laakiin kuwaan lacagta bixineyn ayaa dhibkaas idin gaarsiiyey sory

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. mbasha says:

    Asc, marlabaad waxaan dhihi lahaa walaalaha isku dhaafsanaya fikradahooda boggan iney dooda mid wax ku ool ah laga dhigo, dhaliishana noqon mid wax lagu haleeyo ee ay ahaato mid wax lagu saxo.
    tankale waxan nasiib daro ah in si shakhsi ah laiisu weeraro. ee dooda halaga dhiga mid ilbaxnimo ku saleysan ee dunida aan la jaan qaadno casiriga ah ee sumcada laga taxadaro.
    Tankale waxaa lacagta laga rabaa qofka kasta oo heysta wax soo jiidan karo signaal raadiya(radio signal) sida TV, Computer, Radio, iyo mobil-ada casriga ah. waxaad ka akhrisan kartaan bogga Radiotjänst.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Massago says:

    Tv, guurga nooma yaal hadeey dhahan
    waxaalaga soo helaa skoolka Sfi,ga xaanshadaha ay kuqoraan ee ah mugi ladhaho kaso sheekeey gurugaaga.
    Jag har en tve,en sova,säng mm warqadas ay ku qoreen skoolka aalaga soo heli karaa muga waxba muran mataraayo
    haleska dhiibo beesada tan kale somali tv,manooyaal maba laga yeelaayo maxaa yeelay waxaala og yahay nolosha iney kabilabaan tv,dato mobil mm

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0