Soomaali ka mudaharaaday caruur waalidkood laga qaatay

10

Dad gaaraya illaa iyo 100 qof oo soomaali ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen magaalada Eskilstuna, dadka isu soo baxay ayaa waxa katrineholm-protest-somalisay  ka cabanayeen in si sharci daro ah  laba caruur ah oo da´doodu yar tahay looga  qaaday waallidiin soomaali ah bilihii u horeeyey ee sanadkaan.

Sababaha loo qaatay caruurta ayaa waxaa lagu sheegay dacwad ka timid dhanka  Iskuulka ay caruurta dhigtaan.

Dibadbaxa oo mudo saacado ah soconayey kaas oo meelo badan o omagaallada kamid ah iyo xafiisyada daryeelka bulshada iyo kan shaqadaba lagu hor tagay islamarkaana ciidan Polis ah la socdeen ayaa waxa uu ku dhamaaday si nabedgelyo ah, arrinka caruurtii la qaatayna lama garanayo waxa ay noqon doonto.

Qore: C/caziiz Baliile

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here