Soomaali khaat Norway u waday oo la qabtay

Afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu qabtay agagaarka magaalada Uddevala iyaga oo khaat u waday dalkaasi Norway. Afarta qofka ayaa midi haweeney tahay.

Afarta qof ayaa la sheegay in lagu qabtay khaat gaaraya 195 kg iyagoo labo baabuur ku kala socday. Booliska ayaa daba gal ku sameeyay dadkaan oo la sheegay in labo ay ahaayeen nin iyo xaaskiis kuwaasoo iyagu khaatka waday.

Markii maxkamada la hor keenay maalintii isniintii ayaa la sheegay in haweeneydu ay ilmaysay iyada oo sheegtay in iyada iyo ninkeeda lagu soo qiyaanay khaatka oo aysan ogeyn waxa ay wadaan in uu yahay khaat. Booliska ayaa aaminsan in arintu aysan sidaa ahayn ee labada baabuur loo soo qaatay si loo marin habaabiyo booliska.

Dadkaan ayaa guud ahaantood diiday in ay qirtaan dambiga lagu soo oogay iyadoo loo balansanyahay in maxkamada markale la horkeeno 20 bisha Februari.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Cabdi says:

    Ceebey tacaal waxaasi wax ka mid ah magacxumadda dadka naga midka ah ee Soomaaliyeed noo soo jiidayaan, run ahaantii waxaa fiican in la iska dhaafo khaatka inta cunta amaba ka ganacsata ee naga midka ah si aanu wadankana ula qabsano sharciyadiisana u illaalino.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. cadefidow says:

    asc waxaan kajeclaanlahaa in lagu xakumo xabsi daa in sababtoo ha waxeey ku hayeen dhulkooda ayeey dhul silaameed layimaadeen ooweliba loosheegay in uu mamnuuc kayahay wadamadaan qofkii sharcigiisii soodumumiyay ee raba sharci dadkale sameesteen un uu sidii kiisii uu ubur buriyay kanaraba inuu uburburiyo waa inuu iqaabtiisa kutalagalaa maadaama uu kuxadgudbay dad iyo dhul islaameed intaas waxaa iigasii daran hanti dadbaaahan ubaahan yahiin ayaa qoryo inta lagasoo baxiyay ayaa hadana laguqabtay dhamaantood waxaaan kucelinaa inlagu xakumo xabsidaa in
    asc dhamaan bahda somaliska

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  3. yackow says:

    asc runtii waa wax aad looga xumado in dadkena aysan wali fahmin waxa xun iyo tan fican soo kama warqabno waxa wadankena bur buriay inuu yahay qaad iyo walxaha kotorobanka ah maahan inaa ku xad gudubno wadama na soo dhaweyay mida kale waxaba iiga sii daran gabdha la socotay nimanka qaadka ka ganacsada walaley illah ayaa quraankisa kugu amanay maahan inaa sharafta alle ku siyay iska qaado runtii waa ka xumahay in dadkena wali bislaan xitaa hadii ay yimadeen wadama shisheeye asc dhaman ceeb allaha asturo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. Axmed dhuux says:

    waa dad waalan dadka mala garanaya magacyadoda tolow

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. dhanka saxda ah says:

    maxaad ku falaysaa magacyadooda waaba dad kaa aad arkayso in lagu qabtay qaade, amaba aan idhaahdo maandooriyee, kuwan oo kale ayaa sumcada somalida dhulka ku jiidaya, dowladu abaalkooda ha mariso, wadankan sharci ayaa u yaala qofkii sharcigaa jabiyaana waxuu galayaa wax layidhaa BLACK LIST oo ah liiska madow afartaada nambar haday mar galaan poliska kuu dhamatay markaa iska ilaaliya waxii sharaftiina iyo sumcadiina hoos u dhigaya kana mid noqda dadka wax barta ku dadaala waxbarashada waa taas, ta dadkani maanta meeshay joogan kusoo gadheene, hadii kale reer hebel u ololee oo wadankaaguna ha gubto.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. ayaan says:

    axmed dhuux aboow emeel aan dad joogin nin jogaad u eg tahay oo inuu hadlo u bahan war jeceli lee ka keetay inaad heebtoda weydiso laakiin wax aan wax ka quseyn amrnaba ha isku mashqulin tad aka raco aniga halkaas hadii leysku haysto cawa iyo beri maxa aiga galay teydabaa culeys igu filanee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  7. cadefidow says:

    asc ayaan adigu miyaadan kanaxeen dhibaatada soomaalida mase miyaadan kaxumaaneen dhibaaatada eeykuhayaan bulashada eey uyimaadeen waxaan daremaa inqofka aad ujawaabtay aadlamidnoqotay ayaa iimuuqata marka intaadan dadsaxin adigu isisax
    asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Abdiqani says:

    Asc marka hore wasalamantihin dhamaan intii Afka somaliga kuhadasho
    Ayaan waa iga qoslisisay shekoyinkas dhax dhaxaad ayaa laga noqdaa saqaas lama galo lkn waxan beyn eheyn somali runta ma ogola poliska ama asharafta qofkii donta waa helaa arimahooda waa danbiile iney qabtan ayey jidka iyo melkasta utaganyihin marka somaliyey qad haduu faa iido leyahay waa ogtihiin wadankena waxan dhihi lahaa qeyb ayuu kaqatay burburka somalia dadkan somaliyed oo hada lagu qabtay qaadka koley ilaa ey kaqirtaan khatka iney ayaga wateen lama deynayo alaha ufududeeyo bal somaliyey aan isku dayno inaan dhorno sharci umad sameysteen hanolato somalia ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. cabdala says:

    a s c bismilah dadkas la gu qabte qaadka e somalida ah allaha ka si dayo gacanta galada ayagana allaha so hanunsho o wax yalaha muqadaradka ah allaha ka hanunsho iyo waxiba xun o idil walala yal ma ahan in an ku jes jesna walalahen o marna an walal ku nahay dinta islamka marna an somali isku nahay hadana isku diin iyo dhaqan kole somaligi sameya xuman wan wada sameyne somaligi wax fican sameya wa nogu aman hadi an nahay somali micnaha inti an so shege aya naga wada dhaxeyso kuwi cuna qaadka iyo kuwi ka ganacsada allaha ka so hanunsho waxa ay nagu leyihin walalahas duco dhaman walalaha musliminta o dhibateysan an mid is xasusino walalka xun yan la fogen an u duceyno an u nastexeyno an so dhaweyno allahayow no wada naxariso allahayow wadanka naga nabad warto o dhig ku dadan noga dhig allahayow kuwi gacmaha is qabsada o is jeclada naga dhig o ay dowladaha adunka ay wada coryan allahayow ducada naga aqbal amiin i love my muslim bro & sis alx a s c

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. susaan says:

    asc dhaman aad bee ugu ficanyihiin in la xiro waxi qad wado iyo waxi u egba waayo dalkoda be saas u galen me wax bartan oo shaqestan wee ku ficantahay kuwa kalena ha ku wana qatan wali waxan jeclaan lahay in xabsi dher la dhigo si ay ku wana qatan kuwa kale si das ba ku wanagsan dadka garan waaye dalkoda iyo dantoda iyo sharafta somaliyeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. susaan says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. bravom says:

    ceeb badanaa , dadkaan oo kale aya sharafta soomaalida dhulka la galayo !!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. by-timo says:

    ceeb waynaa jaaad ku ceebow waxka xun ma jirto lkn qofku marka laqabto ayuu dareeba inuu yahay wax xun oo bulshada sii fasahaadinaya balse marka hore waa macaan lacagta ka soo galay alle haydiin sahlo kollay wax fiican ma la idinku qabane

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Samsam says:

    Mac sonkor.Bal maxa muqadaraad dabo dhigay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0