Soomaali khaniisiin isaga dhiibtay Sweden oo sharciga loo diiday

Iyadoo Sweden ay adkaysay bixinta sharciyada deganaanshaha, isla markaana ay qaasatan ku adkeeyeen Soomaalida oo loo arko dad wadankoodu xasilay, ayaa waxaa soo baxaya kiisas dad Soomaali ah oo qaniisnimo isku dhiibay si ay Sweden sharci ugu helaan.
Inta badan qaxootiga ayaa sheegta in ay wadamadooda dagaal uga soo carareen, balse waxaa jira qaxooti sheegta in wadamadooda ay uga soo tageen habka ay u galmoodaan.

Nin Soomaali ah oo magaciisa qariyay ayaa Iswiidhan yimid 2012:kii. Wuxuu yahay khaaniis Soomaaliya ka soo qaxay si u nabad ugu noolaado Sweden, balse ayuu diidmo ka helay Laanta socdaalka. Wuxuu hadda sugaya in waddanka laga saaro oo Somalia lagu celiyo.

Ninkaan ayaa markii uu isdhiibay aan sheegin in uu khaniis yahay balse markii sharciga loo diiday ayuu sheegay in uu khaniis yahay taasoo u muuqata mid uu ku doonayo in uu sharci ku helo

“Weey igu adkayd in aan soo hor fadhiisto turjubaan soomaali ah oo aan afka ka idhaahdo waxaan ahay nin soomaaliyeed oo khaanis a” ayuu sheegay.

Dhanka kale ayuu dhaleecaynaya sida ay laanta socdaalku u xallisay kiiskiisa. Tusaalahan ayaa marku maxkamada sare ee socdaalka soo fadhistay la weeydiyaay suaalo sharci darro ah, sidee ayey khaniisiintu u galmoodaan, walidkaagu mey ogyihiin in aad tahay khaniis, khaniisintu soomaaliya iyaga oo gacanta is hayya wadadda may mari karaan?

In sharci doonka la weeydiiyo suaalo qooto dheer oo sharafta shakhsiga dilaya ayaa manmuuc ah. Sidaas ayey ku qoraantay sharciga u yaala heeyada socdaalka.

Sofia Sjöö ayaa ku shuqul leh arrimaha la xidhiidha sharci doonka wadamadooda uga soo qaxay habka ay u galmoodaan, waxaa af iswiidhishka lugu yidhaahdo HBTQ personer.

Idaacada Sweden oo  Sofia ka wareeysatay istraatajiyada ay heeyada socdaalku u hayaan dadkan ayey sheegtay in ay jirto qorshe ku saabsan habka loo qaabilayo dadkan, hasayeeshe in ay waxbarashadii ay ugu talo galeen dadka heeyadan ka hawlgala si ay u kordhiyaan aqoonta la xidhiidha dadka isku jinsiga ah ee nolosha wadaaga iyo dadka jinsiga ay ku dhasheen u bedela ka kale, la habsaameen.

Waxbarashadan oo ay Iswiidhan la soo saartay wadamadda midoowga Yurub ee EU ayaan weli laga bilaabin heeyada socdaalka. Sababta ayaa ah, ayey sheegtay Sofia Sjöö, in ay sannadkii ugu dambeeyay qaxooti faro badan soo gaadhay Iswiidhan.

-Shaqadii kale ayaa nugu faro badatay, waana ka xunahay, ayey sheegtay Sofia Sjöö.

Stig Åke Pettersson, oo ah gacanyare ka tirsan urur lagu magacaabo RFSL oo u dooda xuquuqda sinnaanta galmada, ayaa dhaleecayn xoog leh u gudbinaya heeyada socdaalka.

“Waxay ku xirantahay dadka baadhitaanka sameeynaya, in qofka sharci la siiyo ama loo dido, sideed sanno ayey heeyadu isku dayaysay in ay aqoonta la xidhiidha dadkan kordhiyaan, weli na isbedel kama arko, ” ayuu sheegay Stig Åke Pettersson.

 

 

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. luul says:

    asc
    waxan u maleynayaa in uu sharci uun ku doonayo ee uusan qaniis aheyn lkin hadii xitaa ey sharci la aan ku qabato ma aha wax la sheegto qaniis nimo yaa huu dheh
    waa baahanahay bakhti looma cuno

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  2. waryaa says:

    Shekadaan dadka iran kasoo jeeda qaarkood ayaa lagu yaqaaney qaniis iyo gaal ineey sharci kuhelaan, somalidiina miyee kudaydeen.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Armaan says:

    Hal nin Leeba idaacada sheegtay wali lawareestay xaad sumcada umada Somali loo aflagaadee haa ogaal hajiro wax kasto in leeska qoro maahin raqiib iyo catiit qof kasto xisaabinaayo Ee alle halaga baqo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. mubaarik yus says:

    ninkan webbsite kan wax ku qora ma yaqano ethics saxafada runt i horan ushegay na yaqan habqoraalka iyo gundhiga maqalka imka hal wiil buu inagu sheegay cinwaanka na waxa ku qoran somali khanisnimo isaga dhibtay swedan malin horen qoxotiga iyo kacsi maxa kala haysata ayuu noga dhiga cinwaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Yaabe says:

    Kkkkk rageedii…!!!! Sharcigey ku adkeeyeen libaaxa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Yahya says:

    Yaahuu dheh hadeyba run tahay xaaraha,
    Qowmu Luudka.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. caaqil says:

    yaahuu amba mababa heesto sharci waxaas laga ficanahay in lasheegto subxanallaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Abdalla says:

    Qanisti ku dhasha waas adaa qaniis ah ee jooji xumanta aad faa ineysid aad qanis ah ee soo bandhigtada duliyahow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0