Soomaali ma tihid: Sharcigii waa lagala noqday oo waa la celinayaa

Wiilka lagu magacaabo Fahran waxa uu Sweden ku noolaa 3 sano. Waxa uu sharciga deganaanshaha qaatay sanadkii 2009. Waxa uu dhameeyay dugsiga hoose isaga oo isku diyaarinayay in uu dugsiga sare ka bilaabo Stockholm oo doonaya in uu noqdo injineer guryaha dhisa. Iskuulkana waxa uu ka sameystay asxaab.

Balse sheekada ayaa fashilantay, laanta socdaalka ayaa go’aamisay in sharciga laga ceshado Fahran markii ay cadaatay in turjumaanka uu qaatay laaluush. 10 maalin gudahood ayaa wadanka looga musaafurinayaa. Fahran ayaa sheegtay in uu ka yimid Soomaaliya balse laanta Socdaalka ayaa go’aamisay in uu ka yimid Tanzania oo halkaas ayaa loo celinayaa.

Waxa uu sheegay in uusan Tanzania waligiis cag dhigin oo uu Somaliya ka soo jeedo. Farhan ayaa sheegtay in uu yahay qoomiyada Baanjuuga ee ku nool Somalia. Waxa uu sheegay in hooyadiis ay u soo dirtay Kenya magaalada Mumbaza isagoo ka dibna soo galay Nairobi oo ay u xigtay Sweden.

Laanta Socdaalka ayaa ku wareertay wadanka dhabta ah ee uu ka yimid wiilkaan iyagoo sheegay in 6 wadan laga yaabo midkood in uu ka yimid sida Kenya ama Tanzania. Mudo 6 bilood ah ayaa waxaa wareysi joogto ah ka qaadayay Laanta Socdaalka iyagoo baaritaan ku sameeyay lahjadiisa.

Marka la celiyo Fahran ayaa waxaa la geyn doonaa Tanzania halkaasoo ay wehlin doonaan labo ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka, waxaa baaritaan lagu sameyn doonaa asalkiisa oo haddi Tanzania ay dhahdo waa dadkeena halkaas ayaa looga soo tagi doonaa haddii ay dhahaan naga mid ma ahan waxaa la geyn doonaa Kenya oo iyaguna baaritaan ku sameyn doona. Haddii Kenya diido waxaa qasab ah in Sweden lagu soo celiyo oo degenaansho cusub la siiyo.

Xigasho: Sverige Radio – P3

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

28 Responses

  1. fowsiya says:

    waan idin salamey aqyarta bhda webka leh waan ku wareernay wiilka masoomali baa mise qoraalkiini kuma cado noo qeexo fadlan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Ma xaqiijin karo walaal. Waa sida uu sheegtay isagu. Wareysiga ay la yeelatay idaacada Sverige waxa uu ku hadlaayay Swedish marka ma cadeyn karno in uu Soomaali yahay iyo in kale. Balse laanta Socdaalku waxay aaminsanyihiin in uusan Soomaali ahayn.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. deeqo says:

    asc walaal waan weeye tefonkaga xafiiskga ee sidaa ku helaah adiga oo mahadasan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Massago says:

    Kan inowsan Somali eheeyn dhafoorkiisa ay ku qorantahay
    L-Socdaalka maa ilmo ah yeleeysasa dhagar-

    Farxanow hal booli ah nirig xalaal ah madhasho mugi hore ad wax barasho qaldan qaadatay ee iska raalo naqo adna

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. jaamac yare says:

    waar hayeey maxaa lagu haystaa ninkaasi waa soomaali sujuu waa inaadeerkeey waan soomaali anaa cadaynaya maaha in la celiyo waar. soomaaleey u istaaga in aan la celin ninkani hadii kale idina suga barri.
    jamaaca yare findland

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. wehliye says:

    massago sxb somali ma weji gaar ah bee leeyihiin oo lagu aqoonsado walaal ????? mida labaad haduu somali yahay iyo haduusan aheynba aniga waxaan qabaa in la iska daayo somalidana ee garab istaagaan waayo waxuu maciin biday in uu magac somali isku dhiibo wadankuu doonoo isku dhiibi karaa qofka oo dhalashadiisa ah yurub xitaa sweden qaxooti bee ku yihiin mafahantay massago waxaan amin sanahay inuu somali yahay wiilka ee soomaalaay qofkii magaceena ku soo ganbado yaan la ceerin ee hala taageero waayo weligeen waa nalaku ogaa soo dhaweenta lolz dan baana u geesay haduusan soomaali aheen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. xamdi sweden says:

    Waa loo dhashaa Wadani layskama dhigo wadani
    Ma jiraa qof inkiraayo calankiisa iyo ciidiisa…..
    Wiilkaan noociisa Somaliya wa laga helaa, Afrika qeybo ka mid ahne waa laga helaa, marka xaqiiqda wee danbeesaa….

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  7. khalid ahmed says:

    walasheey Xamdi ayaan fekerkeeda ku raacsanahey.. lkn sommaalida waa cunsuri Jaahilnimana u dheertahey oo isla saxan hadana,,

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 3

  8. suhayb says:

    sc akhyaareey waa mahadsantahay xamdi waa runtaa dadka ma oga in soomaliya ay gobolada ugu muhiimsan ay dagaan dadka farxaan u eg asal ahaana ay yihiin somalida dhabta dadkan kale ee somalida sheegtaa reer guuraa ay ahaayeen safar ay somali ku tagen meeshey ku shidaal goosteen marka waa soomali wiilkan axmadeey walaalkiis waaye mowliid macaan aa adeer u ah anaa aqaano. reer jilib waaye.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  9. wadani says:

    walaalayaalow waa idin salaamay marka hore marka xigto wiilkaan cidduu yahayba haloo daayo. umana ekko soomaali hadey jiraan nooca soomaaliya daga ee aa ku qaldeysiina luuqadiisa laguma wareereen oo hey,adda socdaalka saas uma daba gasheen. boqolaal soomaali sheegato ah baa jooga wadankaan sweden oo luuqadda soomaaligana soo rogi karin waana waxa maantey keentey in somaalinimadeenu ciriiri gasho ooisa soo cddee nalo dhahaayo illeen hadii kenyaanku soomali sheegtey ethiopiankii soomaali shegtey eretariyaankii iyo kuwa aanba isku qaab eheen oo badan soomaali wada sheegteen anaguna soomaali sheeganey kuwee sax ah kuweese been ah soomaalinimadooda. dadkaan dhahaaya aan garab siino oon daba istaagno waxaan dhihi lahaa sow ma ogid waxa reerkaaaga laguugu diidan yahay iney tahay adoon cadey jinsigaagu waxa uu yahay intaasoo qowmiyadan lagaa garaneen.marka soomaalidu haiska dhaafto fudeedka waxaan eheen soomaali oo ku qaraabanayaana adiga ugu horeeya waa inaad usheegtaa laanta socdaalaka waayo maahan soomalinimadu mid lagu qaraabto waa sumcadxumo waxaasoo dhana waxaa kadambeeya odayaasha safaaradaha fadhiyo oo basaboorka aan u aabo yeelin cidey siinaayaan kaliya waxa udaran iney lacag helaan idinkuna garab istaagteen ama ka aamustaanaa waa waxaa 2 sano ciyaalkeena iyo xaasaskeena naloogu diidey ee lasoco soomaaliya hanoolaato iyo umada soomaliyeed…………

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. WADANI says:

    ASC asxaabt sharafta leh waxan idin sheegay somali hadii u noqda kani essien na somali waaye lee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. qunbe says:

    asc dhamaan dadka halkan ka dhiibtay ra yigooda iyo webka somaliskana aad baan u salaamaya gaar ahaan shaqaalaha uu ugu horeeyo jimcaale intaa ka bacdi waxaan ka odhan lahaa ninkan sheegtay soomaliga horta soomalidu waa dad aad u fara badan ma odhan karno soomali maaha waayo waxaa jira qaar ajinabi dhalay oo meela kale ku soo koray maraa waxaan odhan lahaa ninkani waxa uu yahayba wuu iska soo bixi doona hadii somalinimada uu sheeganayaa ka runtahay ilaahay ha u fududeeyo hadii kalena wuu iska soo bixi doona waxa uu yahayba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. Aadan deeq says:

    Dibiga qal weesha haku quus qaadato waxaan ugala jeedaa soomali badan waxey aaminsanyihin in hadii sharci laga qaato yurub ama waqoyiga america in aan dib loogu celin doonin wadanki qofka taas ku jiifow soojeedkaad ku riyoneysa ka tusaala qaado maxaa la yiri wiilkan farxaan lagu magacabo hadii uu noqdo tanzanian ama kenyan meeshisaa looga sootagaya sharcigi la siiyayna dibaa lagala laabanyaa somalidana beri marka dalkoda nabad u noqdo dib baa loogu celinaya kadibna sharciyada lagala laabanayaa waa cadahay soow mahan marka qofkasta maanta fursada ka faaideso oo dalkagi wax gasho hanti ka sameyo ileen lama huraan waa cawska jiilaal ku jiifo oo kusoo toos

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. abdooo says:

    farxaan waa saaxibkay walahi,shit aad ayaan uga xumahay cida uu yahay ayuu yahay gaaladan maha dadka inay sidas ugu mashquulan waana khalad,dont give up bro!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  14. punt boy says:

    NINKAA SOMALI NIOMO MEEL KAMA SOO GALEE WLHI SOMALIDA DHIIGOODA LA GARTAY HADUU YAHAY XATA SOMALI JAREER ANIGA IGAMA LUMAYO WAA QOF DHIIG IGU YAALO NINKAA WAA SIDA LA SHEEGayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. yaan ku liqin says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 9

  16. Maslax says:

    Taa Allah takgaysan saxiib yale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. axmed bare says:

    been sideedaba waa xaaraan inleeska dhaafaa fiican

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. jamac says:

    Aqyarta okiyalo miya nalogalina kan wa bantu.co.ke ciyalka aya xita yaqane

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. cayni sh,.. says:

    asc walaalayaal yarkaan waa soomaali asal ah . Waa rer shabelle qofki yaqaanaa fahmaaye murankama taagno in mowliid macaane u ader u yahay .mida kale iswidhen mar marsiyo ey wadaa marna hadhahdo yarkan soomaali ma aha marna gabadhi isbuuci hore waxey ku hesteen waa somaaliland. dadka magan galyo donka ah ha siiybn sharciyada hadey daacad qabaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. Mazbal says:

    Wiilkaan waa somali ee somaliyey u gurmada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. Yaasiin Warfa says:

    Waryaareheen, war maxaad ku hadlaysaan? waad iska nacnaacleynysan. War ninkan waa nin Madow oo kula midab ah. Dan ayaa wadankan keentay, haduu Soomaali yahay iyo haduusan ahaynba, waa nin u baahday maganeliyo ee faraha kala baxa hawshiisa, immigrationka ayee u taala, idinku waxna kama qaban kartaane.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. SAID says:

    ninkaan markaan fiiririyay wajigiisa baari taan dheer ayuu u baahanyahay somalinimadiisa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. that's not fair sxb...... says:

    runtii sxb hadii loo hadlo turjmanadaa aad ee no dheebaan lakiin somali waxaan aqanaa hadii qoof kalay oo daal kalay kaa imaaday oo donayoo iin soomalinimo isku dhiibo waxaa laa dhahaa waa somali adiigii somaligaa aahaa waa lagulaa murmayaa markaa waaxaan u arkaa in ee somalidu dadkaa kalay ee oo ficanyahiin igaa dhaxdooda iskaa
    waar shekodaan

    waa salamantihiin dhamaan..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Magaca...jocker says:

    kkk.. Xiliga kala guurka an marena maxa africantan na daba dhigay anaga yaban oo aduunka na diiday ha la celiyo hadi u muslim ahen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. abshir says:

    Walaal wa laga yaabaa inuu Baajuun yahay,balse waxaa qasab ah inuu af soomaaliga ku hadli karo,sababtoo ah baajuunta waxa ay degaan Kismaayo waana ay ´ku hadlaan somaaliga,waloow la dareemi karo lahjada ay ku hadlayaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Mow says:

    Soomaaliyeey Xarshaash kasta waa soomaali dhaha oo bari markuu faldanbiyeed sameeyana farta dhaxda ka qaniina, Waryaada, ninkaan dowlad ayuu isku dhiibey, dowlad ayaana go’aanka ka gaartey, ee shaqadiina kale qabsada, Hadaladaan raqiiska ah kor oga baxa, Maa lagarab istaago, waa soomali ee ha la iska daayo, Fadlan qofka soomaali isku dhiiba waa in uu luqadda soomaaliga ku hadlaa hadii kale waa in lahelaa qof cadeynaya, sida Aabo /Hooyo,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. asad says:

    ani hadan fikrikeyga kadhibto ninkan somaliga sheganayo haduu ku hadli karo afka somaliga waa jarerta somali

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0