Soomaali qaad ku raran oo lugu qabtay magaaladda Oslo ee dalka Noorweey

0

Garoonka diyaaradaha magaaladda Oslo ee dalkaasi Noorweey, waxaa lugu qabtay labbo nin oo soomaali ah kuwaas oo qaad ku soo daabulayey dalkaasi.

Raggan oo maalintii axada gacanta lugu soo dhigay ayaa boolisku sheegeen in qaad tiradiisa kor u dhaaftay lixdan kiilo lugu qabtay, islamarkasina ay dhaxeeysay farqi ah saacad markii ay xilliyo kala duwan soo dageen.

Raggan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay ineey heestaan dhalashadda dalka Noorweey iyo Ingiriiska. Booliskuna waxaa ay sheegeen ineey dacwad ku soo oogi doonaan halka soomaaliga kale ee isagana heeysta dhalashada Ingiriiska laga yaabo loo dhoofiyo. Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay soomaalida dalkaasi lugu qabto qaad iyagoo ku raran. Waxaa la oran karaa waa caado xun oo ay barteen ragga soomaalida ee ka ganacsada qaadka ama cuna.
Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here