Waxaa muuqada shuruuda adag ee Sweden ay ku soo rogtay Soomaalida in aysan ku koobneyn oo keliya dadka dalbanaya reerahooda ku nool Afrika iyo wadamada kale balse xitaa Sweden waxay diidey in ay sharci deganaansho siiso dadka Soomaalida ah ee Sweden gudaheeda ku sugan kuwaas oo ay halkaan u joogaan reerahooda. Dadkaan ayaa u badan kuwo ka soo galay Talyaaniga iyo Malta oo halkaan ay u joogaan xaaskooda ama seygooda kuwaas oo Sweden ay hordhigtay shuruuda adag ee ah in ay cadeeyaan aqoonsigooda Soomaalinimo. Arintaan ayaa cajiibkeeda leh waayo dadkaan waa dad dalka gudahiisa ku sugan oo ahaan u baahneyn baasaboorka Framlingspass si ay wadanka u soo galaan kaasoo ahaa midii ay joojisay Maxkamada Socdaalka balse waxaa layaableh in Sweden ay qaabisho dadka iska dhiiba dalka gudahiisa oo Soomaalida isku dhiiba ayagoon lagu xujeyn in ay cadeeyaan Soomaalinimadooda halka kuwa reerahooda halkaan u joogaan ee ayaguna ku sugan dalka gudahiisa la diidayo. Si kastaba ha ahaatee arinta Soomaalida Sweden ayaa u muuqata mid cakiran oo ay dadku dhagta u dhigayaan isbedelka ay soo wado Sweden.

Soomaali Sweden joogta oo laysku diiday

Waxaa muuqada shuruuda adag ee Sweden ay ku soo rogtay Soomaalida in aysan ku koobneyn oo keliya dadka dalbanaya reerahooda ku nool Afrika iyo wadamada kale balse xitaa Sweden waxay diidey in ay sharci deganaansho siiso dadka Soomaalida ah ee Sweden gudaheeda ku sugan kuwaas oo ay halkaan u joogaan reerahooda.

Dadkaan ayaa u badan kuwo ka soo galay Talyaaniga iyo Malta oo halkaan ay u joogaan xaaskooda ama seygooda kuwaas oo Sweden ay hordhigtay shuruuda adag ee ah in ay cadeeyaan aqoonsigooda Soomaalinimo.

Arintaan ayaa cajiibkeeda leh waayo dadkaan waa dad dalka gudahiisa ku sugan oo ahaan u baahneyn baasaboorka Framlingspass si ay wadanka u soo galaan kaasoo ahaa midii ay joojisay Maxkamada Socdaalka balse waxaa layaableh in Sweden ay qaabisho dadka iska dhiiba dalka gudahiisa oo Soomaalida isku dhiiba ayagoon lagu xujeyn in ay cadeeyaan Soomaalinimadooda halka kuwa reerahooda halkaan u joogaan ee ayaguna ku sugan dalka gudahiisa la diidayo.

Si kastaba ha ahaatee arinta Soomaalida Sweden ayaa u muuqata mid cakiran oo ay dadku dhagta u dhigayaan isbedelka ay soo wado Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. adriano says:

    uma maleynayo in dowlada swedan ay ubahan tahay cademo ama dhalashoyin tusayo qofka somali nimadisa balse waxay ila tahay iney diday ine qaabisho wax qaxoti ah marka fikradeda waxe tahay wadamo badan aya jira o qaxpti laga qabilayo in ay iska dhiban dadkas dadkoda ka maqayihin madama wadanka ay jogan wax qaxoti ah laga qaabilen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. toosane says:

    run ahaantii waxaa yaableh maahmaahdii soomaaliyeed oo ahayd lajoojiyaana banaan la jiifiyaana banaan Marka run ahaantii way iska fiicnayd sweden in ay cadeysato in ay somali waxba u ahayn go aan buuxana gaarto midda kale way kala duwan yihiin qofka kunool yurub iyo qofka kale hadey sintana waa waji kale sababtoo ah isku shrci mahan kaas sarci somali ayaa lagu haystaa kanse maxaa lagu haystaa waxaa uu is wiidhan ku imaanaayo soo sharci yurubian union ka mid ah soo mahn taas waxaan jeclahay in arinkaas si fiican loo soocadeeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0