Soomaali-Swedish maxkamad lagu soo taagay wadanka maraykanka

10

Labo  dhalinyaro Soomaali-Swedish ah oo dhawaan laga qabtay goob aan si toos ah loo magacaabin laakiin qaaradda Afrika ah ayaa jimcadii la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada New York waxaana lagu eedeeyay in ay u tabarteen una dagaalameen ururka al-Shabaab. Labada wiil oo da’doodu kala tahay 27 iyo 29, ayaa ku eedaysan danbiyo ah in ay ka qeybgaleen tababaro lagu baranayo qaraxyada ismiidaminta ah mudo 4 sano ah oo ka bilaabata 2008.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arimaha dibadda , waxaa wiilashaan booqasho ugu tagay shaqaale ka socda qunsuliyada Sweden waxayna sheegeen in dhalinyarada xaaladoodu wanaagsantahay.Sweden wax dood ah kama qabto in wiilashaan lagu xiro Maraykanka.

“Arintaani waa xeer u dhaxeeya Jabuuti iyo Maraykanka,”  sidaas waxaa  wakaalada wararka Sweden ,TT u sheegtay, Sara Brandt-Hansen, oo u hadashay wasaaradda arimaha dibadda Sweden.Sida uu sheegay qareenka wiilashaan  lagana  fahmi karo hadalka Sara Brandt-Hansen waxaa labada wiil lagu qabtay Jabuuti.

Qareenka u doodaya dhalinyaradan ayaa ku dooday in wiilashaan aysan dambi ka galin Maraykanka lana qabtay ayaga oo Al-shabaab ka fakaday oo naftooda la cararaya. Dhalinyaradan ayaa la qabtay bishii August iyagoo u socda dhinaca dalka Yemen, haddii danbiyada lagu soo oogay lagu helo waxay mutaysan karaan 30 oo xarig ah ama xabsi daa`in.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here