Soomaali u hanjbtay soomaali kale oo diinta masiixiga qaatay

Nin soomaali ah oo magaciisa ku sheegay Maxamed Diinoos kuna nool dalka Kenya, ayaa sheegay in ay hanjabaado u soo direen soomaali meela kala duwan joogta sababo la xirriira diinta masiixiga uu qaatay.

Ninkan oo u warameyey wargeys toddobaadle oo leeyihiin kooxaha cunsuriyiinta ee mayalka adag ayaa u sheegay ninkan la baxay Diinoos in soomaalida Yurub ay yihiin kuwa sida gaar ah ugu soo dirro hanjabaado iyo aflagaado. Ninkan ayaa sheegay in ay tusaale wanaagsan oo u daydo gabar lugu magacaabo Muna Walter oo lafteeda ah haweeney soomaali ah oo diinta masiixiga qaadatay kuna dhiira gelisa soomaali badan ineey qaatan.

Diinoos oo haatan ku dhuumaaleeysanaya meelo ka mid ah Kenya ayaa sheegay inuu u shaqeyn jiray shirkada cabitaanka soo saarta ee Coca Cola, balse markii la ogaaday diintiisa ka soo baxsaday Soomaaliya isaga iyo walaalkiis oo labadoodiba heystaan diinta masiixiga. Wuxuu sidoo kale sheegay in marar badan la garaacay sababo la xirriirta diinta uu ka baxay, balse uu ku adkeeysanayo heeysashada diintaas oo ku sheegay ineey tahay mid dulqaad leh marka loo fiiriyo diinta Islaamka. Waalidka dhalay ayuu sheegay ineeysan raali ka aheyn qaadashada diinta masiixiga kuna xireen xabsi ay maamulaan kooxo uu ugu yeeray waahibiyiinta.

Ma ahan Diinoos iyo walaalkiis soomaalida sanadihii ugu dambeeyey ee ka baxay diinta Islaamka, waxaa jira soomaali badan oo caalamka daafihiisa ku nool haba ugu badnaadaan dalka jaarka la ah Soomaaliya ee Kenya, halkaas oo ah meel looga faa’iideeysto daruufaha adag ee heeysta gunayo ama lacag yarna ay qaarkood ku dhaafsadeen diintooda. Dalkan Iswiidhan ayaa waqti aanf ogeyn waxaa ku kulmay soomaali heeysata diinta masiixiga kuwaas oo baraha bulshada ee facebook-ga soo dhigay fariimo ay soomaalida kale u dirayeen kuna muujinayeen sida ay ugu qanacsan yihiinta diinta ay qaateen.

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. War waxaan Diin Uu haysto malaha Diin islaam iyo mid Cristan midna mahaysto waa Faasiq isnacay oo Uray oo Fursada kadhacay Oo kanisadaha Kenya Guo kaqaato Ninkaaan aad Buun buuninaysaan joojiya oo iska dhaaaf idin odhan’lahaa wuxuu masiixi iyo muslim midna ka’ogyahay malahee’

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  2. Nin’kaan anaga ayaa’naqaan Diin masiixi iyo mid muslim midna mayaqaan’Subaxwalba wuxuu wareegaa Safaaradaha Reer GALBEEDKA’Si’uu Qurbe kuyimaado waa geed dhintay oo uray’cid raadsanayso’iyo cid’rabtaa malaha Subax walbo wuxuu tuugsi’u aada Kaniisad Oo rooti Qalalan lagasiiyaa’cid’rabta ama dilayso malaha’Inuu soo tahriibo ayuu kudhiciwaayay’Qurbe jaceyl baa Halkaas dhigay ninkii aan aqoonow’Anagaa naqaan ee nawaydiiya

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. moha says:

    ninkani ma aha nin diin leh ee waa nin europe dooon ah kaligiisana maaha waa badan yhn somalia diin loogama soo saarin se lkn waxaa idiin sheegayaa inaan cadeyn buuxdo u hayo gabdhaha uu caayay qabiiladuu caayay oo cadeyn buuxda aan u hayno waliba waxaan idinla wadaagayaa yaa dili karo waa duduble qabiil wayn bu ka dhashey waa beenlow caruurtisa jogta xamar yaa rabo geed muqayiloo caaytama buu ahaa intaanu soo bixin waxuu baraha bulshada ku baahiyey free diinooz hada ila soo xiriirtaa teamkani waa koox isku xiran dhowr magalo somalia iyo europe joga iyaga iyo cida wadaba waa balan inaanay magaca somalidu wasakheyn mona walter bal eega wall keeda waxay soo dhigto dicaayada ay somalida ku hayso iyadoo ku shabadeneyso argagixiso waxay leedahay caruurtan argagaixisada carurtina bey school la aaadaan wa dariskinanwaxay rabta iney cadawad no abuurto lkn shekadan waaba dhamanee waa in loo kacaa beenta iyo propogandaha ay wadaan in la tuso wlh cadeymo cadcad baan hayaa somaliska iyo radio sverige iyo tv 4 dhamaan waan la xiriiraynaa lkn somaliyeey aan ka dhiidhino anagu argagixiso ma nihin qoftanina waxay noo abuuresaa waa cadawad odaygani asey u taal lkn waa soo bandhigaya muna walterna waxa laga rabaa mesha hanjabada ka timidey anee intey iyaga farimo isu dira n misne wa la i hanjabay ku leyihin war hada diinta ka baxdo iyo hadi kale sxb europe lugta soo maal lkn mashruuca diinta 2010 ayuu ahaa lkn wa ka so daahdey sxb

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  4. halima sacdiya says:

    asc dhaman asxbta sharafta mudan marka hore wan isin salaamayaa. sln a dib walal waxan odhan lahaa kuwan ka baxay diinta islaamka oo hadana sheeganaya hada inay xoriyad heystaan inaysan ku nooleen farxad iyo nbd gelyo ileen diinta islaamka ayaa nnbd gelyo leh waad dareemi kartaan dankan markey ka tageen diin quluubtooda aya alle argagax ku beerey qofkasto hadlana inuu aya heysto ayay moodaan taasina waa sababta keentey inay mar waliba dhahan waa naloo hanjabey oo waan baqeynaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. halima sacdiya says:

    hadaba waxan idin leenahay allaha idin soo hanuuniyo anagana allaha quluubteena diinta islaamka haku sugo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0