Soomaali xaflad soo dhaweyn ah u dhigtay dhalashadii gabadha boqortooyada Sweden

Soomaalida ku nool tuulada Lagersberg ee ka tirsan gobolka Södermanland ayaa xaflad soo dhaweyn ah u dhigay gabadha yar ee u dhalatay qoyska boqortooyada Sweden.

Xaflada oo ay soo qaban qaabisay jaaliyad lagu magacaabo Somaliska Solidaritet i Lagersberg ayaa waxaa lagu soo bandhigay ubaxyo, calamada Sweden, tooryo iyo hambalyo loo diray lamaanayaasha gabadha u dhalatay ee Victoria iyo Daniel.

-Waxaan ku noolnahay Sweden, waxaan doonaynaa in aan soo dhaweyno boqorada isla markaana aan hambalyo u dirno Victoria & Daniel – Ayay tiri Zahra Ismail oo ka mid ahayd dadkii wax ka soo qabanqaabiyay xaflada.

Zahra ayaa sidoo kale balan qaaday in ay hadiyad u dirayaa qoyska reer boqor iyadoo soo bandhigtay kaar hambalyo ah oo ay ku saxiixanyihiin dhamaan intii ka soo qayb gashay.

Hadaba sidee u aragtaan arintaan? Ma la dhihi karaa Soomaalidaan xad dhaaf ayay sameeyeen? Ku darsada fikradihiina.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

30 Responses

  1. Abdirashid says:

    xad dhaaf ayay sameeyeen maxad ka wadaa akhii?anigu waxan u arkaa inay sameeyeen wax iska caadi ah ,wadanka aynu ku noolahay inaan ka mid ahaano bulshada waa arin muhiim ah runtii.wax qalad ah oo ay sameeyeen ma jiro, gabadhan dhalatay wax weyn ayay ka tahay agtooda ,inaga lakin gabar gabdhaha ka mid ah ayaan u aragnaa,marka haday soo dhaweeyeen waa iska caadi,,

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 3

  2. Liban c/lahi geseey says:

    Aniga waxan kunolahay wadanka wana kasohorjeda arintan wayo waxan nahay muslin galna matagersani hadey waxey donan shdgan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 6

  3. c/lahi dududow says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 9

  4. C/k says:

    Soomaalidu inay caruurta qiimeeyaan ha ogaadeen dadka wadankaan sidaasi daraadeedna ha ogaadeen dhibka heysta reeraha Soomaaliyeed ee kala maqan, aniga ahaan xaflad uma dhigeen gabadha reer boqor ay dhaleen sababtoo ah caruurteenii Soomaaliyeed ayey wax ka qaban waayeen welina lama arag reer boqorka Sweden oo ka hadalay dhalaanka Soomaaliyeed ee ku dacdareysan daafaha dunida, Hadiyadse waa caadi in la isku diro waxba kama jabna.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 4

  5. hodan says:

    ASC koley aniga waxan ka sheego ma aqaan lakin hadeey gafeen alah ayaa garanayee danbigooda ha udhaafo hadey gafina labadaba alah ayaa naga garanayo marka in lagu danbabo mahan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  6. same says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 14

  7. Falis says:

    Asc, dhamaan walaalaha somaliska, Soomalida horey u tiri ( Nin Quraac heystaa Qado loogu daraa) marka la yaab maleh waa looga horeeyay, mase u qalmaan ugu ayey ila tahay boqol baa ka mudan oo baahan oo waxtar idinkaga baahan ee Soomaaliyeey xishooda waxaas camal hala soo fagaara tagin. Wabilaahi Towfiiq

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 3

  8. dhanka saxda ah says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 7

  9. Ayuub says:

    Haddaad in aad gaal la qabsato rabto qofna kaama hortaagna sxb.
    Somali markeey gaal arkaan futada maxeey u kala qaadaan horta???

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  10. dhanka saxda ah says:

    GAALKA ILAHAYBAA ABUURTAY SAMADA KAMUU IMAN LA SOCO TAAS, LAKUM DIINAKUM WALIYADIIN, DHANKA KALE ISLAAMNIMADAADA KA ADKOW MARKA HORE, WAXA SUURO GAL AH INAAD TAHAY SECULARISM. FAN.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

  11. zahro says:

    Asc wr wbr waxaan salaamayaa inta ku hadasha afka soomaaliga waligeey web fakar kama dhiiban balse maanta waxa aigu dhaliyey in aan fakir ka dhiibto arintaan aniga waxaan u arkaa howl la,aaan ka badatay soomaalida ee wixii ay xaflada ugu tala galeyn ee qarash ahaa waxaa uga fiicnaan laheed aduun iyo aakhiro in walaalahooda soomaaliyeed ee baahan ee haraadka iyo gaajada u maranayaan in ay uga farxiyaan aduunka wey ugu soo ducen lahaayey allene waa ka ajarsiin lahaa ee somaaliyee inta alle ka cabsataan wlhi waa idinla weydiinayaa maalin aan maanta eheyn xoolahiina meesha aad ka keenteen iyo meesha aad ku baxiseen shilin shilin ee alahiina ka yaabee umadiina wax u tara wabilaahi towfiiq fiira gaaraa hala iska key soo cafiyo hadaan ku xad gudbay qoraalka aan soo bandhigay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 3

  12. Ibraahim says:

    Ascww waaan idin salaamey aqyaarta somaliyeed

    waxaan taageersanahay fikirka Same. Ayaguna sida dugaaga ayey isku cunayaa, reera aan war u hayna xaflada ayey u suubinayaan. Lacagta xaflada lagu dhigey waxa u baahan caruurta hospitaal banaadir ku jirta. hadaan wax bixinaysaan meel khay ku jiro ku bixiya

    waa fikirkayga gaaban ayaan dhiibtey, cidii dhibsanaysa raali ha ka noqoto.
    madaxweyne sariifna wiil ayaa u dhashey ee ha la xuso kkkkkkkkkkkkkk

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  13. anab says:

    asc walaal waxa eey sameeyeen wax fiican mahan ee dadka masaakiinta ah oo isbitaalada jogaan ayaa idn kaga baahan ee gaal aan kaa warqabin xolahiina kahu baabina aniga dalo ayeey iga tahay walaalyaal

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 2

  14. HASAN says:

    SOMALIYEEY HORTA WAX FAHMA MARKA HORE BAL ADIGA IS XISAABI WADAN AAD LAHEEN AYAAD TIMIID DADKAAN AAD LEDIHIIN WAA GAAAL WAA SAAS GAALKA ADIGAA MAGANGALYO U DOONTAY WALIBA MAR WALBO GACANTA AYAA KUGU TAGAN OO CANSHUURTIISAAD CUNTAA MARKA MA WAXA LEDAHAY ISAGA WAX AYAN UGA BAHANAHAY LAKIN ANIGA WAX MA SINAAYO WAXAN SIIN LAHAA SOMALI AYAA U BAHAN BAL FIIRI INTA SOMALI AH BEEY TAGERAAAN ADIGA WAX AYAAD KA RABTAA LAKIN ANIGA WAX MA SINAYO TAAS ANIGA MA QABO ALL THNKS

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

  15. rashka says:

    Somalida wadankan Sweden joogto waxa la dhaha waa dadka ugu hooseyo dhankasta dadka soo galeetiga ah,marka haddii ay u badaal dageen dhalashada gbdha reer boqor waa wax caadi ah.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

  16. galdile says:

    ninkii gaaal jeclaaada aaakhiro baaa lasoo hordhigayaaa waxaana le lee yahay kani waa kaad jeclayd . Mida kale ninkasta wuxuu baxsaday ama sadaqaystay ayuu aakhiro lee yahay wanaageeda iyo xumaheeda marka dadooow alle ka baqa oo xoolihiina meel fiican ku sadaqaysta gaal alle ku kufriyey dabaal dagiiisu waa kuu doqonimo somaliya abaaraa ka dhaca awoowayashiiin gaajaaa dishay iyo macaluul dadkaagiii baa kaaga baahan wax tar adiga ayaa xataa naftaadu u baahan tahay samo fal ee naftiiina iyo caruurihiina danbi haka galina …. sawiradiina intiinaaasi walaahi waxaa idinka muuuqata dihaaal iyo alanbal iyo qoxoootinimo cayr baad qaadataaan markaasaaad leedihiiin xaflad ayaan u qabanay labo gaaal ooo ilmo isku dhalay subxaanallah

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  17. nasiib says:

    walee somali yaab badanaaa walallayaa laba mid inay iskaga kii qaldamin marka diin laga hadlayo dad islaam ah ayay nu nahay waana ilaahay mahadii mar ay tahay arintu bini aadantinimo waa ka gooni oo maanta ninkan gaalka wadankiisii ayaa dagan tahay adi oo lugahaga ku socdana waad ugu timid isku diiin iyo isku dhaqan iyo isku af midna ma tihiin lkn hadana wuxuu kuu soo dhaweyey bini aadantinimo waxna kaama qaato adi ayaa xoolihisa ku nool waar ilaahay hadaanka baqno wadan muslin in loo haajiro ayay diintu ina fartay lkn kumay dhihin wadan gaalo u haajir , sikastaba ha ahatee waad joogtaa wadankii gaalkana wax wuu ku siiyay adina wax u ogolow somalaay cunsurinimada dhaafa wixii kor loo taagaba wadankaygii ayaa u bahan ayaad leedihiin , dalkiina inigaa burburiyay gaal idinkama burburin , khaladna ha iifahmina malihi diinteena mcn badala lkn dhici kartaa gabadhaaas dhalatay inuu ilaahay tawbada waa fajiyo oy noqoto tu diinta islaamka u gargaarta dadkan u hanbalyeeyayna wax khlad ah may samayn waaa howl aduunyo lacagta gaal kaba waad qaadataane maxaad u diidi waydeen waa suaaal eh ?

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  18. same says:

    asc)qofka nasiib la dhahoow nin iyo nagba waxad tahay waa fiican tahay fikirkaad ka hadashay lkn ogoow xoolaha galku uu ku siiyay illaah ayaa kugu dhiibay oona kaga qaaday,tankale diin dhan halkaan dhig waxa meesha yaala waxay tahay soomalidan gaalada jeclaatay soo ma oga in shacabka sweden iska leh ay neceb yihiin 100% mase og tahay in aanan madow ahaan iyo muslim ahaan laguu necbeen ee loo neceb yahay magac soomaliyeed,daliilna waxa u ah markii laga faloonayo qoomiyadaha kunool sverige waxaa loogu hoos mariyaa amaba logu liida 1 romaniyiinta kuwa la dhaho 2 waxa galay soomalida,sababtana ma garaneesaan,war dunida kale markii la joogo waxaa ugu ganacsi badan soomalida waxaa ugu waxbarasho badan soomalida waxaa ugu dhaqdhaqaaq badan soomalida,sverige amaba skandenvia maxaa liiday soo malida soo mahan in maskaxda laga gumeesto mel walbana laga xirxiray xataa waxaa loo diidaa shaqooyinka caadiga ah) afkana waxay ka dhahaan somalidu waa mashaqestayaal waa wax ay iyaga sameeyeen xataa ilmaha somalida ee skolada dhigtaa wax barashada sida kuwa kale loo siiyo ama loogu imtixamo loguma imtixamo illaa mid walidkiis wax fahan sanyahay oo ku cabiidiya ilmahiisa mooye, fiiri african miinta kale iyo ajanabiga kale iyagoon waxba ogeen ayaaa hadana wax walba loo fasaxaa,war dadyahoow wax jira moog ayaad tihiin waad hurudaan idinkaa inta maskaxda laydin ka dilay ayaa laysku kiin mashquuliyay ee waxa dhabtaa ninkii raba wuu ogaan karaa maahan nin ku neceb inaad tiraahdo wadankiisaan joogaa ceer xunaa dadkayaga siiyaa waa inaan xaflad u dhignaa gabar u dhalatay waxasi maahan dhaqan somaliyeed ee waa dad magacayaga yeesha somalidii hore waxa neceb ama liidaya ama siraya way ka dagaalami jiree oo ka hadli jireen in lay din la safo roomaani oo 100 sano kahor yurub ay tiri waa in la gumeeya aad ula midka noqoteen waa ra yigiina oo yaraadan wabilaahi towfiiq ilaahna runta haydin tuso,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  19. yeeene says:

    waar tuugtan yayna dadka wakhtiga kadhuminin xafladooda manaqaneee.. imisa ilmood ayakudhimanaya Somalia wali ma maqasheen boqortooyada Sweden ayaa caawisay ,,,, war ilaahay halagaabo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  20. nasiib says:

    qofkan sita same walal waadku mahadsan tahay fikradada fcn waanan ogahay waxkasta ilaahay ayaa inoogu soo dhiibay gaal waxba inooma hayo , mida kale kolay qofku marka qurbo uu ku nool yahay eee uuna joogin ciidiisii hooyo, wax yar hadii uu dareemo in lagu gafay wuxuu iska dhaadhicinayaa in la cunsuriyaynayo mar haduuna joogin dalkiisa kolay dalkastaba waa laga helaa cunsuri lkn inta kale ayaa ka badan , xaga shaqada inkasta oo wadanku uuuu ku jiro wadamada ugu shaqo yar europa , hadana waxaan arkaa kumanaan family ah oooo shaqaysan kara lkn aan rabin shaqo oo ka doorbiyada inay iskugu mid yihiin shaqo iyo shaqo la aan fadhigana ka jeclaystay , xaga cunsuriyada hadii aan u laabto sxb, somaliya dadka jooga siday ula dhaqmaan ajanabiga wadankooda jooga somaliland waad aragtaa inay ka masaafuriyeen oromadii ku noolayd putland sidaa si leeeg marka laga tago somalida qaybka mid ah ayaa la cunsuriyeeyaa oo la takooraaaa oo magacyo iyo wax aan jirin laga dhigaaa taaas maxaad ka odhan lahayd walalkay somaliyeed iyadaba miyaan la dhihi karin waa cusnsuriyad ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  21. rumeey says:

    soomalida wexeey is lee yihiin dad kii aa niila dii dee ameey dadka idiin kee naan hadii aat ka dawa nacab leeysaan marka dabcan saqiir taas eey ku qa raa ba naayaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  22. same says:

    sxb nasiib waa xaqiiq waxad ii sheegtoo dhan lkn dalkena dadka yimi ee la masafuriyay waa dad dantoodu ku jirto oo u yimid tahriib iyo wax la mid ah kuwaasna waa wax ku haboon in la masaafuriyo sababtoo ah somalia manta dowlad malahan ayagiibaa toda u yaaban maxay tahay magan galyada ay u yimaaden ama danta kale ay leetihiin cadeen taasaa kuwaa ugu fila tankale ee somali ayagaa is cunsuriyeeya waa sax waana waxa inaga manta ina keenay qurbahaan iyo wadamo aanan sharaf kalaheen agtooda ninka ama qofka qof soomaaliyeed yasayaa waa qof man gaab ah oo ale iyo rasuul garanen waana waxa sababay in malaayiin somali ah dunida ku yacsan tahay,illaahna hanaga qabto kuwa dadkooda liidaya ama waxan habooneen kula dhaqmaya waxaana oran lahaa taasi cunsuriyad lama yiraahdo ee waa jaahiliya waa qof cawan ah,waxanse sxb dadka kala dardaarmayaa siiba kuwa skandenafiya jooga inay noqdaan kuwo qabiil iyo fadhi ku dirir ka fogaada dantooda iyo isku duubnidooda ha u soo noqdaan manta waxan mareenaa meel illaah uusan na dhigin oo aan inagu is dhignay sharafteni magaceni kartideni ilyo mustaqbalkii ilmaheena waa u dhamatay wana waxa ay doonayeen reer yurubtaan maskaxda ayay naga madoobeyeen kan shaqada diidana waa nin aanan wax fahmeen caruurna wax madhaamo waayo dadku haday tala wadaagaan wax badan oo lagu sameen lahaa ayaa janis loo wen lahaa wax walbana dadkayaga kala go doonsan ayaa sabab u ah hala kaco oo hala tashtaan oran lahaa yaanan ceer lagu mashquulin ceertu magacii somaliyeed ayay dhishay mahad sanidiin dhamantiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  23. POSITIVE MAN. says:

    WAXA FIKRADO WANAAGSAN MAGACYADAN SOO SOCDA:- NASIIB, DHANKA SAXDA AH, XASAN IYO WALIBA RASHKA, WALEE ILBAXNIMAA IDINKU DHAMATAY. AMABA WAX AYAAD BARATEEN OO DAD AQOON LEH AYAD TIHIIN, EE KUWEENAN AAN WAXBA BARAN EE ISKA ORAL SOCIETYGA AH ILAHAY HA U GAR GAARO, KASII DARANE WAABA CUNSURIIN GAALTUUNBAY HAYAAN, OO WAXA ISKAGA KHALDAN DIINTII IYO XORIYATAL QOWLKII.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  24. Aqbaar suge says:

    Waxan salamayaa dhaman aqyarta pagekan waxan rayigayga ku cabiri laha arintan .walahi waan layabanahay dadkan jecel dad neceb ayaga xaflada dhiganaya iyo caruurta somaliyed waxan dhihi karaa wadamiir xumo in ciyalkii somaliyed manta aykujiran macluul qurbaha iyo wadankiiba iyo kuwa adinka sugayseen ee aan dan ay sweden kalaheen war isku labta soomaliyay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. abba says:

    asc dhamaantin horta arintaan aay subiyeen dadkaan waa mid amakaag ku ridey dhamaan dadka damiirka leh waxadna mooda in tariikhdu aay dib isu qorta waayo waagi uu gumeysiga somaliya haystey waxa layiri intuu nin cadaan u tagey kaabo qabiilkii ku yiri waa inaad iiso qortaa rag xoog leh oo igu qaada hantooshka iguna geeya gurigeyga odeygii meeshi u ka xanaaqi lahaa ayu isugu yeerey dhamaan jilibyadii uu ka koobnaa beesha uu kaabaha ka yahay waxana lagu qaybsadey in jilib kasto uu keno sadex nin oo xoog leh qoristi lagu qaadanayey ragaas waxa layiri waxa lagu sigtey in dhiig ku daato waayo jilibyada qaar ayaa salugey oo yiri anaga maxaa saami naloga siin waayey qaadida gaalka marka akhyarta arintu waa sas taas ayaa dib u soo noqotey somalidana wexeey ku mahmahdaa bahal cerinka madaayo nin na caadadiis madaayo marka waa somalida caadadood mar hadii awoowoyashii aay isku dagaali jireen qaadida kor cadaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. same says:

    wlhi waxbaa ka dhacay ninkan la baxay abaa waa waya arag sxb waan kula taagersanaya fikirkaaga salimkaa iyo xigmada gaban aad wax ku tustay umadan walatay aad ayaad u mahad santahay,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Yaab says:

    Cajiib!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. George Afrax says:

    @POSITIVE MAN, MAhad sanid saxiib postive man, kolleey survival-ka ama sama baxa waxoow ku xiran yahay Cilaaqaad ka aad la yeelataan, dhulkad tagteen, WAxba heeys dhihina waad laaban dooontaan 21 sano aa kor loo dhaafey, marka waxee illa muu qattaa ‘time to wake from illusion’ ka haab haab sadoo, Reer boqor mujaamalo ka raas sada’ taas waxeey Tusse in aa tihiin Dad dhaqan leh, oo LAAN DHEER AH, SIDA LA YIRIBA, midada kale anagga krishtaan ah, mar walba waxaan u soo duceeynaa soomalida iyo wada mada kaloo muslim-kaa oo dhan, taas wa xaqiiqo, Cunsuriyiinta Reer swedan ah waa kuwa aan raac saneeyn diinta masiixiga, ee Qoomiyada wali ku dhaggan “sida soomaalida Qabiil Qabiilka raad tiray” marka soomaaliyeed iska jira oo yeesan idiin danbeeyn meshii u dan beesay dad- rom-ka loo yaqaano, ama GYpsy-ga.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Lajecel says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk waa wax iska ok ah hadii kronprinsessan victorias hennes lilla sessan, Prinsessan Estelle Xaflad loo dhigay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. kiin says:

    caadi maaha soomaalida wax walbo ka filo mar hadey xaflad u suubiyeen prinsesada laakin waxaa ila haboon inay iyagana xaflad isbarasho walaaltinimo ah suubsadaan soomaalida xaafad xaafad sida gobolada ku yaal swedan. horaa loo yiri dhar aadan leheen dhaxan kaama celiyo ……. kkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0