Soomaalida ay sharciga siisay Sweden 2011

13

Sanadkaan hada socda ee 2011 ayaa Laanta Socdaalka Sweden waxay go’aan ka gaartay 638 qof oo Soomaali iska dhiibtay dalka gudahiisa. Guud ahaan dadkaas waxaa sharci la siiyay 373 qof iyadoo diidmo loo tuuray 44 qof. Halka 152 qof lagu celiyay wadamo Yurub ah oo ay faro ku lahaayeen. 68 qof codsigooda lama eegin waayo waxaa loo arkay in uusan sal lahayn.

Guud ahaand dadkaan go’aanka laga gaaray ayaa waxaa caruur isku dhiibay 44 qof, 34 ka mid ah dadkaas sharciga waa la siiyay, 4 waa la diiday, 4 waxay lahaayeen faro, halka 2 aan kiiskooda la eegin maadaama loo arkay in uusan sal lahayn.

Dhinaca kale warbixinta ay soo bandhigay Laanta Socdaalka waxaa lagu muujiyay in 23 qof oo qaxooti (Geneva) Soomaali ah degenaansho lagu siiyay la mideynta qoyskooda. Halka 22 (aan Genava ahayn) lagu siiyay deganaanshaha mideynta qoyskooda. makala cada in dadkaan degenaansha la siiyay ay wadanka soo galeen iyo in kale.

Warbixintaan kuma jirto dadka loo diray maxkamadaha ee ama la diiday ama la siisay degenaanshaha. Sidoo kale tiradaan kuma saabsana dadka iska dhiibay Sweden 2011 ama kuwii sanadkii hore ee aan wali go’aan laga gaarin.

Migrationsverket.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here