“Soomaalida darteed ayaan doonayaa in aan isku dilo”

Sidaas waxaa qoray nin Swedish ah oo cabasho ka muujiyay Soomaalida. Ninkaan oo cunsuriyada iyo naceybka uu u qabo Soomaalida soo bandhigay ayaa fariintiisa ku qoray bogga lagu sheekaysto ee Flashback, isagoo sheegay in uu qarka u saaranyahay in uu nafta iska qaado Soomaalida darteed.

Ninkaan ayaa sheegay in uu shaqo la’aanyahay isagoo isbuucii dhowr jeer taga xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen).  Waxa uu sheegay in marka uu xafiiska shaqada tago uu kula kulmo Soomaali faro badan oo iyagana shaqo raadis ah, kuwaasoo uu aad u dhibsaday.

Waxa uu intaas ku daray in uu deganyahay xaafad ay ka buuxaan dadka madoow iyo Soomaalida oo uu sheegay in uu cabsi joogta ah ka qabo Soomaalida. Ninkaan ayaa sheegay in uu xitaa cabsi darteed iska daayay adeega dukaamada, isagoo saaxiibtiis u dira in ay soo  adeegto. “marka aan dibada aadayo middi ayaan qaataa” ayuu yiri.

Doqonimada ninkaan ayaa laga dheehan karaa hadalkiisa, isagoo ugu horeyn ka cabanaya dadka isaga ay isku doonta saaranyihiin oo shaqo la’aan ah. Tan labaad erayada uu isticmaalayo ayaa laga dheehan karaa in uu yahay cunsuri uu naceybka ku qurmay.

Laakiin arinta xasaasiga ayaa ah jawaabaha uu ka helay akhristayaasha fariintiisa, iyadoo qaar badan ay ugu jawaabeen in ay la qabaan hadalkiisa. Qaar ayaa xitaa kula taliyay in uu xasuuqo Soomaalida oo wadankiisa u dhinto.

Inkastoo goobta lagu qoray fariintaan ay tahay goob caan ku ah fariimaha nuucaan ah iyo cunsuriyada, ayaa hadana hadalka ninkaan uu yahay mid ka turjumaya sida ay Swedish badan u arkaan Soomaalida Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Mu says:

    Ninkan oo kale bulshada wadankan wey u badan yihin lkn isagu wa Gaal wuxu iska dhadhiciyey in Irsaqadisi ay ka qadanayan Somalida. Neceebka Gud ee dadkan qarkon ino qaban marka laga yimado dadkasta oo isku doon saran isma jecla taasi wa wax dhaca, Somalida waxay dhahda kaba tole kaba tole kale ma arki Karo. Saa isku doon bey saranyihiine.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. rashka says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 8

  3. Muxammed Cabdullaahi says:

    Ramadaan Kariim. Salaan kadib. Ninkan waxbuu sheegtay annagana waxbaa nalaga sugayaa.halka mid ee ugu muhiimsan waxa ay tahay in aan AKHLAAQDEENA ilaalino gaar ahaan meelaha mujtamaca ku badan yihiin markii aan joogno oo diinteena iyo akhlaaqdeena soomaaliyeed ka tarjunnaa.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 0

  4. Aden Mohamed says:

    Asc walaaha Somaliyed. Qofka marka lagu leeyahay waa cunsuri anigu waxaan u fahmay in uu yahay qof nolosha ka dhacay. Cunsuriyiinta waxaan ku arkay astaamahan.1 aqoon badan malaha waxaana daliil kuugu ah labadii qof ee ugalay baarlamaanka yurub midna wuxuu ahaa darawal midna waxay ahayd undersköterska. Halkaas waxaad ka dheehan kartaa in aysan lahayn aqoon saraysa oo dal iyo dad lagu hagi karo. 2 waxaa lagu gartaa balwad sida khamri,haashka iyo maandooriye kale oo farabadan.3 intooda badan waxay qabaan xanuunko kala duwan sida ADHD iyo ¨ångest iyo depression waana waxa keenaya in ay ku adkaato in ay aqbalaan dhaqamada dadka kale iyo isbadalka bulshada dhexdeeda ka jira. 4 cunsuriyiintu mahalan hadaf wax lagu dhiso ama hadaan si kale u dhigo qodob la taaban karo, waa muran iyo fariin hanjabaad xambaarsan
    ASC.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 22 Thumb down 1

  5. deeq says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 10

  6. deeq says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

  7. SAFUL ISLAM says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 8

  8. faarax says:

    Qof maskaxda kajiran iyo webpage o cunsuri ku sheekeysato ayaa umada usoo gudbineysaa aad akhbaar uga dhigaysaa…wax macno leh soo qor jimcaale.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

  9. Ahmed yare says:

    Dambi waxaa kugu filan sawiarada caruurta ad soo dhigtey halkaan maxkamadana lagu saari karaa!

    ka waantoow waxa fidno kiin karaa wararka raqiista ah ee ad qorto ka fogaaw sxb hadii adan aan lagu barin ama adan baran sharuucda qoraalka dalkaan u dagsan baro . ruux kasta oo jiran hadalkiisa ha soo qorin. wax la qoraa badan. jimcaale waxbaro saaxiib laba sano ka hor sidii baa tahay wax iska kaa badalay malahan. wixii galabta ka dambeeya dabagal baa lagu sameynaa waxyabaha ad bulshada usoo bandhigto ee iska horkeenka ah!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  10. MAQAAL KASOO QOR SXB. says:

    WAXA DHACDA IN DAD BADANI AY SI KHALDAN U FAHMEEN QURAANKA KARIIMKA AH IYO SUNADIISA, AMABA AY KA HAYSO AQOON DARO BAAHSAN OO SABABTA INAY LA CALOOBAAN IYAGOONBA FAHMIN WAXA UU QURAANKA KARIIMA AHI YAHAY, HADABA MUDO YAR KA HOR AYAAD SOO QORTAY GABADH SOMALIYAD AH KANA BAXDAY DIINTA ISLAAMKA LA YIDHAHDO MONA WALTER INAY ISLAAMKA DACAYAD RAQIIS AH KA FIDINAYSO, HADANA SIDOO KALE ISLA MAR KALE AYAY GABADHAASI BOGEEDA WAXAY KUSOO QORTAY FARIINTAN.
    Snälla läs Koranen innan ni anklagar mig för hat mot Muslimer. Jag hatar inte muslimer jag kritiserar Islam.
    Lägg märke till att jag vet om islams två tungor eftersom jag är X-Muslim.
    IYADOO KU LADHAY SAWIR ANAN GARANAYNIN SIDAAN DADKA HALKAN UGA TUSI LAHAA, HADABA FARIINTAYDU MAXAY TAHAY MAXAA INALA GUDBOON, DADKEENA SOMALIDU WAA SEEF LA BOOD OO QAARBA MARKIIBA CAYAYA, GABADHAN WAA GABADH SOMALIYEED YAAN LA CAAYIN, YAAN WAX KALE LA ODHAN MADAAMA AAN SOOMALI NAHAY WAA BIL RAMADAANE ILAHAY HA SOO HADEEYO HANA FAHAMSIIYO DIINTEENA MACAANKA BADAN. IDINKUNA AMIIN DHAHA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. guessi says:

    ninkaas hadi uu barito geysto dilal waxaa aan dusha uga sarayaa nabad sugida dalkaan
    runti jimcale waxa aan laa yabay sidaa aad uu fikirto waxana kaa maqaan iin aad marwalba is dhigto dhanka akhristaha ooad kaa fikirto sida ay arinkaan uu sameyn karto bulshada
    maa xumo iin laa is xasusiyo nacaybka somali lo hayo eeh waxa wanagsan iin aad no naxarisato oo aad xaq dhowrto xuquqda akhristaha oo aad so racisiid marwal oo aad war so qorto link amaba mesha aad warka kaa heshay taasina waa waxa ugu horaysa eeh lagu barto iskulka saxafiyadaa waye
    taa sadexa anigu runti waan naxay ila iyo mantana waan kaa cabsi kaba ninkaan cusurigu iin u dagan yahay magaladena wayo maad so radiin cida uu runti yahay , banaankana waan kaa cabsi qaba wayo ciid wal oo caad waxa aan uu haystaa iin ay ii dili rabto oo ninki yahay plz dhib waan so aragnay mana qadi karo dhib eeh maxaan yelnaa hadaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. hanad says:

    Guessi kkkkkkk waa cabsanaa aa? Hahahahaha dadka badankood internetka waxa cabsida iyo naceybka kusoo qoro waa dad fuliyiin ah oo nolosha kadhacay.. internetka keliya ayee geesi isaga dhigaan, banaankana dooradee ka ordaan kkkkkkkk.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0