Kulan: Soomaalida Fagersta oo is abaabushay

10

Maanta waxaa kulan isugu yimid Soomaalida Fagersta kulankaas oo looga wada hadlay arinta familada kala muqan iyo sidii looga qayb qaadan lahaa dadaalada ka socda Sweden ee Soomaalidu ay sameynayaan. Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen waalidiin caruurtooda loo diiday iyo sidoo kale dad aan wax isku dhalin oo laysku diiday ayaa laysku waydaarsaday warbixin ku saabsan go’aamadii ugu dambeeyay ee ay gaareen Baarlamaanka iyo maxkamada Socdaalka.

Kulanka ayaa layskula soo qaaday dhibaatooyinka haysta waalidiinta iyo sidii ay si firfircoon uga muuqan lahaayeen dadaalada socda. Waxaa laysla meel dhigay in si hufan loo wargaliyo saxaafada magaalada oo isniinta wareysi la siin doono wargeyska magaalada ugu weyn iyo in laga qeyb qaato mudaharaadyada ay qaban qaabinayaan Soomaalida meelkasta oo ay ka dhacaan.

Gabangabadhii kulanka ayaa waxaa la sameeyay liis, kaasoo ay is qoreen intii ka soo qeyb gashay kulanka. Ujeedada liiska ayaa ahayd in la ogaado dadka diyaarka ah ee u taagan in ay ka qeyb galaan dadaalada socda.

Soomaalida reer Fagersta ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada sidii la isaga dul qaadi lahaa caqabada adag ee Sweden ay hor dhigtay mideynta reeraha Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here