Magaalada Fagersta waxaa ka dhacday xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta 18ka May ee looga dabaal dago Somaliland. Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay guud ahaan Soomaalida ku nool magaalada oo inta badan ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, iyadoo laga dheehan karay farxad iyo isku duubni ay muujinayaan dadkii halkaas yimid oo isugu hambalyaynayay nabad iyo horumar dhinac kasta ah. Xafladaan ayaa la dhihi karay waxay tusaale u tahay sida markii siyaasada meesha laga saaro ay isugu faraxsanyihiin dadka Soomaaliyeed ee koonfur iyo waqooyiba dega. Iyadoo waloow Soomaali badan oo aan xaflada kula kulmay aysan la dhacsanayn in Soomaaliya ay kala go'do, hadana ay ku faraxsanaayeen horumarka iyo nabada ay gaartay Somaliland. Daawo Sawirada

Soomaalida Fagersta oo u hambalyeesay Somaliland [Video]

Magaalada Fagersta waxaa ka dhacday xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta 18ka May ee looga dabaal dago Somaliland. Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay guud ahaan Soomaalida ku nool magaalada oo inta badan ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, iyadoo laga dheehan karay farxad iyo isku duubni ay muujinayaan dadkii halkaas yimid oo isugu hambalyaynayay nabad iyo horumar dhinac kasta ah.

Xafladaan ayaa la dhihi karay waxay tusaale u tahay sida markii siyaasada meesha laga saaro ay isugu faraxsanyihiin dadka Soomaaliyeed ee koonfur iyo waqooyiba dega. Iyadoo waloow Soomaali badan oo aan xaflada kula kulmay aysan la dhacsanayn in Soomaaliya ay kala go’do, hadana ay ku faraxsanaayeen horumarka iyo nabada ay gaartay Somaliland.

Daawo Sawirada

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

30 Responses

  1. imcakae says:

    SXB waxaas oo kale kadaaya webka da aqrista ayan nahay
    qabiil soomaliya kala qeybinaaya hakusoo qorin web

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • geele somalilander says:

      asc marka hore waxaan hambalyo u diryaa
      shacabka reer somalilan 20 guurada ka soo wareegtay markii ay xoriyadoodaa dib ula soo noqdeen awgeed
      waxaana u mahad celinayaa walaalahayaga somaaliyeed ee xalaasha ah ee jecel jiritaankayaga iyada oo aanu ognahay dadka soomali nimadu kadhabta tahay inaananay dadka reer somaliland mara ku tilmaamin somaali diid laakiin ay u ggarawsanyihiin somaliland inay yihiin dad walaalahooda oo xaq u leh inay noolaadaan iyaka oo fahamsan inay dadka reer somaliland markii horeba ay walaal nimo ugu yimaadeen koonfurta laakiin aanay jirin cid soo qasabtay markaa waxaan leeyahay kuwa weli xasadaya somaliland markii horena somaali oo dhan dhibay waxaa leeyahay kawaantooba wixii aad soomali ku baabiseen ka waantooba naf ka qaadi maysaane

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. mohamed hussein says:

    Soomaliya waa hal wadan mana jirto Wax la dhahaayo Soomaliland Hadey rabaan iney go aan Luqad kale ha sameystaan Iyo magac kale Afsoomaaliga waxaa iska leh soomaliya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Maariya Mohamed says:

    Asc dhamaan marka xigtaa aniga waan kasoo horjeedaa xafladaan sababtoo ah Waxey isku dhiibaan iney yihiin Soomaliya . Soomaliland wax la dhahaayo m jirto Soomali land hadi la macneeyo waa dhulkii soomaliya luqad kale sameysta Mida kale Xafladaan yaa iska leh qof waliba wxey dhaheen soomalia ayaan nahay koonfurta cajiib waaye Kommunka ayaa laga baqaa miyaana lolz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. waris says:

    Waxaan salaamayaa dhaman xubnaha somaliska khasatan jimcale walal waxan foolxuma u arka anigo cidna dhalecaynayn in website kan ku heelan danaha bulsha waynta ama midaynta bulshawayta somaliyeed in laso gasho gobol diidan somalinimada danohooda warka walal website kaan sharafta badan inooga ilaali sumcad darada waayo waxay arintaani dhalin kartaa dhalinyaro is caysa ama kacdoon bulsheed marka walal ka saar si akhristayaashu nabadi u taalo dhexdooda walal mahadsanid wabilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. yaska says:

    asc wr wr salan kadiib waxan hanbalyo u diraya dhamaan reer somaliland meelkasta aya jogan waxan leyaya ciid wanagsan illahay waxan uga baryay inu bashbash iyo barwaaqo citiraaf aya ku gadhaan xiligan xiligiisa waxan kalle oo illahay u baryyay dhamaan umada somaliye inuu illahay ka qado dhibka saran khasatan konfurta somaliya oo sida hada somaliland logu halnbalyaynayo nabada harumadka iyagan logu hanbalyeyo illahay dhibka haysta ha ugu bedelo nabad iyo barwaaqo.
    Waxan marlabad leyay somaliland hanbalyo hanolato ha jirto.
    waxan waya diin laha dadka halkan wax aku soo qoraya walaalayal markasta waxaynu illahay ka barinaa inu inoga dhigo nabad wadankeena. markas maxay tahay sababta aynu ku didanaya meesha kaliya ee nabada ah inaynu hanbalyo nidhaa illahayna uga barino inuu nabada u sii siyadiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Jimcale says:

    Waan idin mahadcelinayaa dhamaan inta fikradooda ku dartay mowduucaan. Runtii mowduuca kuma saabsana qabiil ama xitaa Somaliland ee waxa uu ku saabsanyahay midnimada Soomaalida Fagersta oo u badan reer Koonfur u muujiyeen asxaabta kale ee waqooyiga. Mowduuca waxa uu ku saabsan yahay in Soomaalida meelkasta oo ay degaan ay yihiin dadka isku faraxsan oo aan colaad iyo xumaan ka dhaxeyn.

    Aniga ma doonayo in Soomaliya kala go’do balse waqtiga hada la joogo waan ku faraxsanahay horumarka iyo nabada ay sameeyeen walaalah Waqooyiga, iyagu ama dowlada ha sheegteen ama waxay doonaan balse anaga waxaa nagu waajib ah in aan walaaleheen u faraxsanaano. Marka sidaas haloo fahmo. Boggaan waa bog Soomaaliyeed, waxa uu u shaqeeyaa dadka Afka Somaliga ku hadla ee Sweden degan, kuwa koofureed iyo kuwa waqooyiga. Guud ahaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. qabiil qaran ma noqdo says:

    qabiil qaran noqonwaaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. najma says:

    asc dhamaantina meelkaasta aad jogtan waxaan ku dari lahaay 20 sano wax soo jiraay miya rabtan ina hada soo celisan waxaan dhihi lahay somali magacas waa magaac weyn lakiin nabad ma jirto sidas darteda waa qasaab in meel nabad oo dadka dagnaan ka helan la sameya meeshasina waa somalilaan waxaan dhihi lahay walaalayal waa inta doda aad ku jirtan swedan xaqina oga doda iyo sida oga muqaan laheynay wadaanka jogno xaag tacliinta iyo xaag shaqada hadi dhigina 100 garaay dod is dajiya oo ogada somali iyo somalilan waxaay ku kale duwaan yihiin nabada mise waxaad doneysan somali iney isku dul dhamato maanta ayeey dani nogu jirta dadka soo qaxayo ey heystan meeley ku soo qaxaan sidas darteda somaliweyn kaliya ma soconeysa waa in ey nabad ahada ee dagaal iyo nabad daro ma ahaan wax lagu dhameysto nolosha dadka dhiibsanayo horumarka somalilaan miyana uu jedin somaliya heerkey mareyso xata eyna jiriin bini adinimo umadi micno daro lagu dhameynayo taso kale waa ina ka dodan hadi kale afkina xirta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. faisa says:

    salaamucaleeykum walaalaheey somalilaand waxaan idiiku habalyeenayaa xafladaan qimaha leh iyo sharaftaleh waxaan idiin rajeeynaayaa kula caam watu biqer walaala yaall waxaan ilaah idiikaga baryaayaa sanaat walabawa in aat qeer ku faraaxdiin walba waxaan qaas ahaanba uhaballyeenaayaa datkii qaban qaabiyaay waa faisa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Ladan says:

    Walaal Soomaali waa Soomaali waxaad kala qayqaybineysaan iska dhaafa gooniyaa la isku taagaa waa ku raacaysaan miyaa?

    No Somaliland!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Waris says:

    JImcaale Aboowe Waydiiya rer somaliland ma somali baad tihiin dheh walaahi waa ku caayayaaan anaga somaliland baa nala dhahaa ayey ku dhahayaa marka Farxada naga dhaxaysa maxaay tahay Somaiba waaa diidan yihiiin shirarka Aduunka Waxaay isku dayaan in aay kaga waybgalaan SOMALILAND waay ka xanaaqaan magaca somalia marka goooni sku taaag ayey doonayaan iyo in somali kala qaybsanaato hadii aad dowlad gooni ah Aad u aqoonsan tahay Ama Loo aqoonsan yahay Waan la farxaynaa ,, RER SOMALILAND NOOOW SOMALI MA TIHIIN MISE WAA MAYA \

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. cabdi says:

    kaa caloosha buuran wan aqaana sacad *** 🙂

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. ifraax says:

    wa gabadha labaxday waris waxan ku oran laha ka xisho umadda oo dadka somalida ha isku diirin somali wa somali laakiin waxa lokala baxa koonfur iyo waqooyi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. abod says:

    asc kuligiinb haballiyo farxat wacaan oo barwaaqeeysan noolaada cadaw giina hadhinto waxaa kale jirto aan arkaay dad oo dhayo somalilaand mahaan doowlad waxaas wax ah ceeb looma bahno xaasit nimadaa weeyn cadaaw gooda na ha dhinto mar laawaat waa dad fiicaan saaqiir iyo kawiir baa ma waxaa ka xa naaq san tihiin horamarka eey gaareen waxaas iska daaya waa abod

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Abshir says:

    Marka hore waxaan wada salaamayaa dhamaan Akhristayaasha, Run ahaantii waan wada og nahay Soomaaliyaa waa hal wadan oo uu Aduunka wada og yahay, Laakiin Soomaalida waxaa isga qaldan waxa la yiraahdo WADAN iyo Gobol. Somaliland waa Gobol ka tirsan wadanka Soomaaliya sida Gobolka Banaadir, Waxaana dega Hal Qabiil marka Aduunka ma jiraa Wadan Hal qabiil keliya degen ? oo ku hadla hal lahjad ama DIALEKT, Waxba yaynan isku dagaalin waa wadan ama waa gobol waxa waa ay cad yihiin, Laakiin hadii isdaalis ay jirto waa sheekada ka jirta wadanka SOOMAALIYA OO DHAN, YAAN KU LIFAAQIN WADANKA AAN JOOGNO.
    Waxaa xusid mudan in Gobolka Waqooyi in laga hirgeliyay amaan ka fiican, amaanka ka jira wadanka intiisa kale, waana wax lagu amaano Laakiin wadan ma aha, Gooni isi taag marnaba ma noqon karto hadii aad Akhrisataan Sharciga Aduunka u yaal. Ogaad Hadii uu Aduunka u ogolaado Somaliland in ay tahay wadan gooni ah . Wadamo badan oo Afrika, Asia iyo yurub ayaanku dayanaya ayagana Aduunkana ma ogola. Marka aan iska deyno MAAWEELADA CARUURTA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. cabdi says:

    asc dhamaan umada reer somaliland iyo somliyaba halkan waxan halbalyo uga diraaya shacabka reer s/land meelkasta oo ayjoogan waxan leeyahay kulu caam wa ato bikhayr inta waxan racinaya dadka ka xun somaliland farxadeeda ama sanad guuradeeda maha mid ay somaliland wax ku noqonayso adiga ayaa cidla ka daali
    qofku ku doodaya luqada hanooga tagaan maha luqada mid aad kaliga leedahay ee haku wareegalaysan somaliland majire fakir o dadkaaga u raadi nabad iyo horumar?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. sharaf says:

    as dhamaan waxaan layabanahay somaliland dadka isku sheegaayo oo hadana dhulkeena dagan war hargeesa somaliya ayaa iska leh marka hadaad somali ahayn ka guura oo jabuuti dhulka ka tuuga haday dhul idiin siinaynin iska daga bada kolee waxaa tihiin dad caasi ku noqday dadka ay ka soo jeedaan waxaadna ogaataan inaadan waligiin somaliya hoosteeda joogi dootaan ilaah haduu idmo mida kale dadka koofur ka yimid ee xafladiina imaaday waa kuwa doqono ah kolee somalilan wax layirahda maba jirto lkn waxaan idiin aqoonsan nahay maamul goboleed sida galmudug ximin iyo xeeb koofurgalbeed maa muladaas waxba ma dhaantaan ee casinimda iska daaya somali maxamed waa hal oo qura dhulkana waa hal hargeesa burco barbare waa dhulkeena nooga guura ee dhulkale iyo magac kale labaxa waayo magaca somaliya anaga ayaa leh
    caasinimda iska daya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Daauud says:

    Aad baan ugu faraxsanahay in Bulshada reer koonfurka ah ee degan fagersta ay ka qaybgalaan xuska 18ka may ee Somaliland. Waxaan kale oo aan garawsaday in dadka reer Somalia (koonfur) ay ku jiraan qaar fikira oo caqligoodu si saliim ah u shaqeeyo, waana kuwa u hambalyeeynaya Somaliland. Waxaanan leeyahay fadlan wax bara dadka garaaadkoodu la socdo fikradihii 60kii.

    Marlabaad aan wax yar idhaahdo, kuwo ku doodaya in aan afsoomaaliga u dayno. Waad caqli la’dihiin waayo afsoomaaliga aad jejebinaysaan oo aad moodo in aydaan uba dhalan waxa ku hadla dadka reer Jabuutiga ah, ama dawladda deegaanka Soomaalida ee Ethiopia amaba Soomaalida Kenya ee kuwaasina ma in ay afsoomaaliga iskaga baxaan oo af kale samaystaan baa? Waa typical caqli afrikan garaadkoodu hooseeyo dadka waxaan qoraya. Somaliland waa dadka afsoomaaliga hide u leh ee jaamacadaha ka dhigi jiray, islamrkaana ay ka soo jeedo suugaanta soomaalidu, markaa yaa odhan kara afsoomaaliga ka baxa. Miyaydinaan ka war haynin in ay jiraan 20 dawladood oo la aqoonsan yahay oo af carabi ku hadlaa. Alla caqligiina ha koriyo wax kale garan maayee!
    Somalilandna ama gobol u aqoonow ama dawlad ama qabiil kaad adigu jeceshahay ee wax lagaa weydiinayaa ma jirto. Fikradihii faqashta iyo kuwii shuuciyaduna ma shaqayn karaan oo waa maalin la soo dhaafay ee xisaabta ku darsada.

    Somaliland waa go’day hadaad necbayd iyo hadii kaleba, waxa keliya ee loo baahan yahay in raali loo kala dhamaado.
    Hadii shaqsiyaad Somaliland ka yimid ay magaca Somali isku dhiibaana, Horta eretarian, itoobiyaan iyo jabuutiyaanba waa isku dhiibaan, markaa Somaliland oo aad isku xuduud iyo af ahaydeen sabab aad uga xumaataan ma jirto. mida kalena warmoog baad u badan tihiine uu xiqdiga iyo nacaybku googooyay ee miyaanad ogayn in 1980 ilaa 1995 cida laysku dhiibi jiray ee wadamada lagu joogo ee citisen lagu yahay ay isaaqnimo tahay. Hadii aad jeceshihiina inoo kala gura anagu wadankayaga waa ku kalsoonahay inaan ku laabanee.
    Ilaahay cuqdada ha idinka saaro, waayo Jabuuti, kililka iyo Soomaalida kenyaba waad u ogoshihiin inay soomaali yihiin oo gooni isu taagaan ama ay dawlado kale haystaane.

    Alxamdu Lillaah anagu maanta cidna uma baahnin, cid na qasbi karaysaana ma jirto, hadii aad afsomaali sheegaysaana xataa inaan isku diin noqono ma jeclin, dantaase sidaan naga wada dhigtay.
    Waanad arkaysaa xiqdiga iyo xaasidka reer koonfureedka marka aad akhrido website kooda ay xataa noo ogolaan la’ yihiin gobolladda shanta ah ee Somalilandtii 60kii ka koobnayd. Su’aal kale ayaan idin weydiinayaaye hadii aanay isaaq dawlad noqon karin maxaa calanka loo siiyay lixdankii hadii ay qabiil uun yihiin. Soo maydha oo wax barta.

    Aragti gaabanaa! qaar baa na waydiinaya SOOMAALI MA TIHIIN MIYAA? Soomaalinimadu diin maaha, Dadka afrikada bari ku nool oo dhan baana soomaali ah, laakiin dawlad ma wadaagi karaan marnaba. Hadii aad leedihiin Soomaali baa diideen haa waa diidanahay Soomaalida koonfurta ee rabta inay magaca soomaali ku qaraabtaan. laakiin wax dhib ah oo kale oo naga dhexeeyaa ma jiraan hadaan S/land nahay dadyawga kale ee soomaaliyeed. Dawladii iyo calankii hadyadda ahaa ee aan idiinla nimidna waa garan weydeen jaaniskuna mar uun buu irridda garaacaa, hadii aad furi waydana waa siduu kugu dhaafay! ciao

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. muwaadin says:

    asc jimcaale waxaas oo dhan adigaa u sabab ah cayda iyo aflagaadada meesha ka dhcaysa waayo dad soomaliya lidi ku ah ayaad meesha soo gelisay dhibtana adaa ka masuul ah hadaad muwaadin dhaba tahay ka saar waxan lanta ee soomalidiidka ah meesha hadii kale cadayso adigu dembi ka gashay umada soomaliyeed ee muwaadinka ah dadkan iska qarwayana waxaan leeyahay ha ku riyoonina aqoonsi somaliya waa mid hargeysana waa gobol somaliya ka mida hawareerina somalidiidka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • muwaadin nimo ayaa iska ba day says:

      jimcaale wax xun ma samayn waana muwaadin soomaliyeed oo nadiifa waxaa wax lala yaabo ah kuwa sheeganaya inay soomali muwaadina yihiin ee faqash ka soo hadhay iyada oo la ogyahay wixii soomali baabiyay koonfur iyo waqooyi inay faqash ahaayeen mantana waxa xamr nabada u diidan waa hadhaagii faqash somaliland hadii la soo hadal qaado waxa xanaaqayaa waa iyaka

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. wadani 17 says:

    jimcale hadu wadani yahay dad somalida neceb oona yasaan noomuusan geliyeen ee waxu ino cadeye inu yahay sida webside yada kale ee ninba cidiisa kuxayeesiisto,idinkii larabe inaad kudaashaann midnimada ayaad uaqoonsanesan qabil go,intan,war qaranka somaliyed wa dhaxal awoowe oo dhiig badana loosoo daadshe ee dad yahow fikira walle warmahesan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Daauud says:

    Kuwa Somaliland nacaybku madax maray ee weriyayaasha maqaalkan soo tabiyay caayayaa ama leh meesha ka saara maqaalka waa jaahiliin aan mudnayn in lala tirsado, xataa ma oga in saxaafadu dadka u dhaxayso ee waxay u haystaan websitekii qabiilka ee koonfur reer walba uu mid taageera lahaa. Xataa hadii ay dalalka hore u maray yimaadeena jaahil waa jaahil. Websitekani waxaan qabaa inuu u furan yahay dadka afsoomaaliga ku hadla kala degan shan wadan: Somalia, Kenya, Itoobiya, Somaliland iyo jabuuti. Ama dilaaca ama noolaada.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • wadani 17 says:

      walahi cid wax neceb hade jirto wa idinka,munaafiqnimo aabahed wa idinka,koonfur aya kaimane inta iskudhiibtan aya marka sharciga hesho igu baqleena somaliland iyo qashin,hadad dowlad ledahay maxa kaso waday mad jogtid meel baasta aadisdaan noogu xayeesiineesan shit,somalida afka haku tagin,lana soco majiro wadan la yiraahdo somaliland

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Jimcale says:

    Dhamaan ikhyaarta halkaan ku doodeysa waxaan idin sheegayaa in si xushmad leh looga doodo mowduuca…Waan ka saari doonaa qoraalada aan u aragno in ay yihiin aflagaado. Boggaan Somaliland, Puntland, Galmudug midna malaha ee waa bog Soomaaliyeed oo u adeega dadka Afsoomaaliga ku hadla. Fikirkeyga ku aadan mowduucaan waa cadyahay, WAXAADN AAMINSAHAY MIDNIMADA SOOMAALIYA.

    Cidii ku socota aflagaadada waxaan awoodnaa in aan ka mamnuucno guud ahaan in ay akhristaan bogga.

    Xushmad, Isfagarad iyo fikrad isweydaarsi. Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. nasiib says:

    asc dhamaan bulsha weynta soomaliyeed ma fiicna cayda iyo aflagaadadu jimcaale waad ku mahadsan tahay sidaad ugu dadaashid bulshada afka soomaaliga ku hadla waan kaaga mahadcelinaynaa mida kale walaalahayaga somaliland waxaan leenahay horumar ku gaadha sanadkan sanadkiisa insha alaah waana idiin hambalyaynaynaa dhamaan bulshada soomaliyeed waxaa laga rabaa nabad iyo harumar somalilana wax lagu farxo weeye waayo waa dad soomaliyeed ilaahay nabadooda haw adkeeyo umada soomaliyeedna dhibta iyo dagaalada ale haka saaro wax weyn maaha xaalka meesha yaal hambalyo ayaan leenahay qofkasta oo soomali ah oo nabad hormuud u ah somali land sanad wanaagsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Magacaaga... says:

    waxaan halbaalyo iyo Goobaabin u dirayaa dhamman meelkastay joogaanba dadka reer soomalilanderka ah.
    waxaana leehayay ku waara basha bjash iyo barwaaqo meelkastad dunidad kajoogtaanba.yar iyo weeynba caruur iyo cirooleba. Laalahna waxaan idiinka baryayaa
    in naad sanadka sanadkiisa heshaan Aqoonsi rasmi ah.
    mr. family. Madal swden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. nasra says:

    asc waan idin salaamay dhamaan akhyaarta meesha ku kaftamaysa waxaa la dhahay doqontu meesha lagu kaftamayay moodaa in lagu kala tegey waxaan idin leeyahay somaliland waan u hambalyeynaynaa hadaan soomali nahay mida kale dadka reer soomaliland sheeganaya ee ku soo koobaya in somaliland isaaq leeyahay daauud waad ku khaldan tahay somaliland waa dhul ee maaha reer keliya somalilana meel hakaga dhicin isaaq keliya maahee cid kasta way leedahee sanadguuro wanaagsan ayaan leenahay mida kale dadka walaalaha soomaliyeedna u hambalyeeya dhib maaha waa umad walaalaheen ah ku gaara sanadkan kiisa kale horumar iyo nabadgelyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. farhan says:

    ad ayad u salmantihiin dhamantiin ani kolay qof iyo wadan tona in an cayo uma qadan qalinka ee wiil yar oo halka kahad lay ayan u jawaba afka somaliga nodaya marka aad ledahay adi kan hoyada aya leh ya ku dhahay exp midakale imasa wadan oo wax xidhiidha ka dhaxayn aya sawaxiliga ku hadla us iyo uk isku qarad mahan hadana eng ayay kuwada hadlan exp kale imada dowladood aya arabic ku wada hadla caqligag ayad ka hadashay koly oo man gaab ayad tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. drammaboy says:

    viva somaliland maxaad la buuqaysaan soomaliyeey ma wadan ayaad meesha kuhaysataan waxan maxay ahaayeen ee aan xishoonaynin wadankeeni inagaa qabuuro ka dhignay mana maleenaayo in uu soolaabanaayo midakale somaliland waa meesha kaleiya ka dhisan somali meel ay kunooshahay oodhan ma ahan in aad ku ma caaradaan waa in aad u ham balyeysan oo bass ka codsataan illen wadan ma lihdiin meel aad kunoolaatan ayaad u baahan tihin in aad maantana caydaan hadana aad wadankooda ku cararto waa arin laga xunyahay fyvan midakale somalilan qabiil ma ahan ee waa wadan hormar iyo aqoon iyo isku xidhnaan gaaray waraa maanta ilmaha yharka ee somalilanderkja ah car wakaas ee hortisa somaliland wax ka sheeg bal in uuku cafiyo meesha uu wadanimo ka gaaray adina waxaad iibsataa wadankaada , hadii aad waxaas oo cuqdad ah u qabtaan way aad u timaadeen xafladooda oo aad u cunteen keegi iyo cabitaanki isku xishooda soomaaliyey , waan is ognahay hadii aan nahay somali cid aan wax la jecel nahay ma jiraan , waxaana halkan ooga mahad naqayaa inta daacada ah inta mucaaradkooda ahna filimkooda ey baacunay bul

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0