Waalidiin aad u badan isuguna jirey Rag iyo Haween ayaa galabtey shir isugu yimid magaalada Gävle,Shirkaas oo ay uga hadlayeen xaalada cakiran ee familadooda. Gävle ayaa waxey ka mid tahay magaalooyinka ay soomaalidu sadexdii sano oo ugu dambeysey si weyn u soo degeen waxay kaloo ka mid tahay magaalooyinka ugu abaabulka iyo dhaqdhaqaaqa badan howlaha soomaalida maadaama ay degen yihiin soomaali badan oo isku xiran sidoo kale waxaa degen waalidiin badan oo saameyn ku yeeshey xayiraada soomaalidii dalbaneysey iney dib ula midoobaan familadooda kadibna lagu xujeeyey in ay Soomaalinimadooda soo cadeeyaan. Hadaba shirkii galabtey ka dhacey xaafada Andersberg oo ay soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa lagu lafo gurey banaanbixii 4ta bishan ka dhacey irida baarlamaanka ee dalkan Sweden iyo doodii baarlamaanka oo rajadii laga qabey aan laga helin iyo waxa la gudboon Soomaalida in ay sameeyaan waqti xaadirkaan. Waxaa la isku raacey in aan waxba la niyad jebin oo loo baahan yahay in dadaalka meeshiisii laga sii wado , in la yeesho xiriiro iyo isku xirnaasho guud dhamaanba soomaalida degen Sweden, In la qabanqaabiyo banaanbaxyo si wada jir ah looga sameeyo dhamaanba Gobollada dalka iyo caasimadaba bananbaxyadaasoo isku mar ka dhaca dhamaanba dalka Sweden, Waalidiinta ayaa waxey ku cataabayeen in ay adag tahay waalid iyo ilmihiisa kala maqan kala noolaanshahooda waxeyna sheegeen in aysan jawaab u helin marka ay ilmahoodu su aalaan hooyo ama aabe goormaan idiin imaaneeynaa ama noo imaaneysiin waan idiin xiisney kaligeen ma joogi karno halkaan iyo waxyaabo la mid ah waxeyna farta ku fiiqeen iney qatar weyn ku tahay ciyaalka qaangaari raba inta dacwada socoto waalidiintii halkaas ka hadashey waxaan ka xusi karnaa hooyo Shiino Cabdi Cilmi oo sugeysa 5 caruura iyo seygeeda, Hooyo Ubax Cali Jimcaale oo sugeyga 6 caruur ah iyo seygeeda Aabo Cabdi Maxa,mud Macow (cabdi guhaad)oo sugaya 12 caruura iyo xaaskiisa Aabo C/wahab C/laahi Calasow oo sugaya 2 caruura iyo xaaskiisa Hooyo Sano Ciise oo sugeysa labo caruur ah iyo seygeeda. Dhanka kale waxaa ka hadley halkaas madaxda isbaheysiga Ururada Gävle waxeyna u cadeeyeen waalidiintii isugu timid shirkaas in ay la garabtaagan yihiin dadaalkooda ayna marnaba ka seexan doonin ilaa la fasaxo sidii ay dib ugu midoobi lahaayeen familada Soomaaliyeed ee kala maqan, si kastoo xal lagu heli karana ay wax ku raadin doonaan. W/D Fardowsa Sh Xasan Kuriya, Gävle

Soomaalida Gävle oo shir ka yeeshey arimaha qoysaska kala maqan

Waalidiin aad u badan isuguna jirey Rag iyo Haween ayaa galabtey shir isugu yimid magaalada Gävle,Shirkaas oo ay uga hadlayeen xaalada cakiran ee familadooda.

Gävle ayaa waxey ka mid tahay magaalooyinka ay soomaalidu sadexdii sano oo ugu dambeysey si weyn u soo degeen waxay kaloo ka mid tahay magaalooyinka ugu abaabulka iyo dhaqdhaqaaqa badan howlaha soomaalida maadaama ay degen yihiin soomaali badan oo isku xiran sidoo kale waxaa degen waalidiin badan oo saameyn ku yeeshey xayiraada soomaalidii dalbaneysey iney dib ula midoobaan familadooda kadibna lagu xujeeyey in ay Soomaalinimadooda soo cadeeyaan.

Hadaba shirkii galabtey ka dhacey xaafada Andersberg oo ay soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa lagu lafo gurey banaanbixii 4ta bishan ka dhacey irida baarlamaanka ee dalkan Sweden iyo doodii baarlamaanka oo rajadii laga qabey aan laga helin iyo waxa la gudboon Soomaalida in ay sameeyaan waqti xaadirkaan.

Waxaa la isku raacey in aan waxba la niyad jebin oo loo baahan yahay in dadaalka meeshiisii laga sii wado , in la yeesho xiriiro iyo isku xirnaasho guud dhamaanba soomaalida degen Sweden, In la qabanqaabiyo banaanbaxyo si wada jir ah looga sameeyo dhamaanba Gobollada dalka iyo caasimadaba bananbaxyadaasoo isku mar ka dhaca dhamaanba dalka Sweden, Waalidiinta ayaa waxey ku cataabayeen in ay adag tahay waalid iyo ilmihiisa kala maqan kala noolaanshahooda waxeyna sheegeen in aysan jawaab u helin marka ay ilmahoodu su aalaan hooyo ama aabe goormaan idiin imaaneeynaa ama noo imaaneysiin waan idiin xiisney kaligeen ma joogi karno halkaan iyo waxyaabo la mid ah waxeyna farta ku fiiqeen iney qatar weyn ku tahay ciyaalka qaangaari raba inta dacwada socoto waalidiintii halkaas ka hadashey waxaan ka xusi karnaa hooyo Shiino Cabdi Cilmi oo sugeysa 5 caruura iyo seygeeda, Hooyo Ubax Cali Jimcaale oo sugeyga 6 caruur ah iyo seygeeda Aabo Cabdi Maxa,mud Macow (cabdi guhaad)oo sugaya 12 caruura iyo xaaskiisa Aabo C/wahab C/laahi Calasow oo sugaya 2 caruura iyo xaaskiisa Hooyo Sano Ciise oo sugeysa labo caruur ah iyo seygeeda.

Dhanka kale waxaa ka hadley halkaas madaxda isbaheysiga Ururada Gävle waxeyna u cadeeyeen waalidiintii isugu timid shirkaas in ay la garabtaagan yihiin dadaalkooda ayna marnaba ka seexan doonin ilaa la fasaxo sidii ay dib ugu midoobi lahaayeen familada Soomaaliyeed ee kala maqan, si kastoo xal lagu heli karana ay wax ku raadin doonaan.

W/D Fardowsa Sh Xasan Kuriya, Gävle



Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. Cabdi says:

    Maasha allah, ree Gävle waxay sameeyeen wax loo baahnaa oo ah in la is weydiiyo halka la wajahayo 4 may ka dib, ma la iska fariisnaayaa mase halkii baa dadaalka laga sii wadayaa.Soomaalida oo dhanina waa in ay qaataan go’aanka ree Gävle qaateen oo kale oo aysan niyad jabin ee dib isku abaabulaan aysana nasan ilaa ay ka helayaan xaquuqda ka maqan. Ree Gävle gå fram till ni vinner.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Magacaaga... C/raxman alfaraj says:

    Salan sare all and bahda qasatan jimcale iyo fardoso sxb dadka halagu dhiira galiyo iney shirar qabtaan iskunxernaadan sual kusocato jimcale aabe ama hoyo ilmaheeda dna mareyn lagunagulestay rajadooda kawaran

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Jimcale says:

    Aad ayaan u taageersanahay qorshaha reer Gävle, waa in la sameeyaa wada tashi oo la sii wadaa dadaalka. Qorshaha ah in dibad bax laga dhigo wadanka oo dhan waa mid muhiim ah, waa in aan sameynaa balse taas ka hor waa in wadatashi la sameeyaa.

    C/raxman: rajada waxay kala midyihiin Soomaalida kale waayo xitaa haddii la ogolaado oo sharciga loo ogolaado ma jiro qaab ay Sweden ku soo gali karaan ilaa la furo baasaboorka främlingspass.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Sabrin says:

    Asc. walaal Jimcale waxaan ahay hooyo caruurteedii aay ilaaween oo markii aay dadka weydiiyaan hooyadiin meeday waxeey ku jawaabaan waxeey ku jirtaa telka AABE. marka waxaan goaan saday in aan isaga laabto wadanka intii xal laga helayo, marka meeqaa sano ayaan wadanka ka maqnaan karaa anoo heysto baasaboorka yar? Walaal fadlan iga soo jawaab. thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Waan ka xumahay xaaladaada walaal, waalidiin badan ayaa kula qaba sidaas. Sida ku cad warbixinada Laanta Socdaalka waxaad dalka ka maqnaan kartaa ugu badnaan 1 sano haddii aadan isaga guurin guud ahaan. Marka ugu badnaan 1 sano ayaad ku maqnaan kartaa wadanka.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. umu hani says:

    A/S dhamaan walaalah aad ayaa ugu faraxsanahay abaabulka eey ku jiran reer GÄVLe.waxana ka rajeyna somalida swden ku nol iney naqdan sida reer gävle is kugu duban yihin koleey aniga waxan daganahay SUNDSVLLA inshaa allh malinta laqabanayo bananbax waan qaban dona anagana bale waa in aad ila so socodsis JIMCALE inshaa allh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. umu hani says:

    sabrin xabiibti marka hore aad ayaan ku salamay inta kadib waxan jeclestay in aan inyar kula hadlo dhibatada aad shektay oo ah in ilmahadi ku iloben ogoow in kaliga lagu hilmamin waayo aniga hada kula hadla waxa kuma dhamo lkn hadane waxa lobahan yahay samir samirkana waa sheey kamid ah imanka sweden waxa lamasinkarto mana no didikarto marka aniga waxan ku dhihi laha baxnaani hada wiil aan walaalo nahay ayaa lasiyaay ogolasho oo jogo addis abab marka isku day ina sanadkan balnala sugta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Sabrin says:

      ASC. Jimcale iyo umu hani aad ayaad u mahadsantihiin,
      aad ayaan ugu baahnaa wax arintaan wax iga shego waayo waan wareeray waxaan daganahay tuulo aay soomalidu aad ugu yartahay waxaan ku joognaa 3 qof aniga iyo 2 nin, waxaan ahay qof luuqadii dhaqso bartay oo shaqeeyo aad ayeey iga heleen dadka mesha dagan, wax kale ayeey ka aamin sanaayeen soomalida, marka wax kasta wax aay soo kordhinayaan ma jirto ilma heeyga la aantood, nolosha weey igu cakirantay oo waxaan u dhintay cidlo iyo rajo xumo, inkastoon isku dayo in aan ka muuqdo mesha aan jogo, körkort kii aan baranayay xitaa waan joojiyay waayo nolasha uu qof dhisaya ilmahiisa la aantood waxba kuma fadhido.
      dad badan oo soomali ah oo wadankaan ka faaiideysan lahaa ayeey tanoo kale heysataa, marka UMU hani ma ahan in aan samirkii ka tagay ee waa sida aan u arko nolosha xabiibti.
      mahadsanid walaal macaan sida aad ila talisay.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

      • umu hani says:

        sabrin qaali badan adiga ayaa mudan inshaa allh qeer ayeey ku dhamaneysa arintan iskana dulqado ayaan ku dhihi laha iskana baro körkot ka waayo waxi qoran waan heleyna hadan waynana koleey wadankada ayu kugu anfaca hada nabad helno

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Borlänge says:

    umu hani walaal waxaad sheegtay in wiil walaalka la siiyay sharciga marka su’aasha aya ah walaal ilmo ayuu wataa oo DNA ayaa la qaaday mise naag kaliya ayaa u qoran jawaab aan kaa helmo walaal tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • umu hani says:

      borlänge walaalkis wiilka ilmo ayu wata DNA.WAA LAGA QADAY SIDU ISHEGAY WAXU GESTAY TESARAYAL UU UGU SHAQEEYN JIRAY HAYAADO WADANKA SOMALIYA KA HOL GALI JIRAY MARKA WAXA LESKU HASTA WAA BIXITANKI KALIYA MAHELI DONA MASE ANAGA AYU NALA MID YAHAY WLHI TAAS JAG VET INTE

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. najma says:

    Asc dhamaantina waxaa dhihi lahay dadka helay ogalanshaha maxaa cadeyn ah aad geysen
    badana somalida heleyn ogolanshaha dadka uma soo jawaaban ma sirba waa wax walaalka muslima niyada ugu dhiseysan ma og tihiin ina ajiir ka heleysan maxaa ka qarineysin alle idiinsiyaay ayaa dadkan kaleba sin karo ee iska taya xasiidnimada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Abdulkadir ilyas says:

    Asc,
    waxaan is leeyahay hadii waalidiintu muujiyaan isku xiraan iyo dadaal dheeriya oo ay sameeyaan wakhtiyada fasax isu soo baxyo nabadgalyo ku salaysan in dareen kooda loo tix galin doono madaama ay dowlada sweden ay ka mid tahay dowlaha lagu amaano xuquuqul insaanka taas oo waalidiintu ay xaq u lee yihiin in ay helaan xaquuqdooda.
    sidaa darteed dhamaan waalidiinta waxaan iyo dhaman somalida in muujiyaan dareen kooda iyaga oo isku xiran, ilayn gacmo wadajir ayay wax ku gooyaane, mudaaharaadkii 4April waxa uu ahaa dadaal bilow lakin waxaa ka muuqatay isku xirnaan la’aan iyo u farsamada oo aan si qoto dheer looga soo fikirin.
    hadaba walaalayaa isku xirnaantu waa qiimeynta koobaad ee ka turjimaysa sida waxa aad dalbaneysaan ay dham idiinka tahay.

    waad mahadsan tihiin bahda somaliska.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. jaamac says:

    acs walaal su aalo lagu daro mabgu duceesto inwadankeena nabad noonoqotoa aragno balsa waxi qeerka kujiro ale ayaan ka sugeenaa ee hala

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Cabdalla says:

    Waan idin salaamay akhyaarta oo dhan gaar ahaan mudane jimcaale oo aan rabo in suaal weydiiyo khabiirka waxaan ku weydiinaa hadii dadka is dhalay dna lagu kala xaqiijinayo iyaga dadka is qaba malaha talo kuma jiraan oo naga qaleeya ayaa layiri miyaa? Tan kale dadka ogolaashaha helay ee hadda adis ama islii jooga sharci nuucee ah ayay sweden ku imanayaan mahadsanid jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. xaali says:

    Waxaan la hadlayaa dadka leh dadbaa viso la siiyey weli qof soo galey sweden ma jiro qofkii la ogolaado safaarada markuu tago asagoo ogolaanshihii wata waxaa la leeyahay qodobkii aqoonsiga soomaalida ayaa ku heysta oo baspor aad ku dhooftaan idiinma heyno dadka leh dad baa viso la siiyey waa been waa ogolaansho waxa la siiyey safaaradana pasbor ay dadkaas wax ku siiso weli ma heyso marka walaalayaal dadka beenta ka daaya ogolaanshaha dad badan ayaa la siiyey laakiin maxeey ku imaanaayaan waaye su aashu maxey ku nuugtaa maxeyse ka nuugtaa saas wax u fahma halsano qof sverige yimid malaha annaga dhan waan wada xayiranahay soomali hadaan nahay hal mar ayaana sugeynaa in wax furmaan iinsha alaah rajadu ma xuma xaga alle aan duceysano iskuna xirnaano bye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. ibrahim says:

    asc waxaan leeyahay dadka somalyeed ee sweden jooga may sameyn mudaharaad dagaal qabow ah oo soo jiidasho leh saameyna ku sameyn karaya kuwa dhufeyska ugu jira in waxba hagaagin ,maxaa yeelay sawiro boodhadh mudaharaadyo joogto ah casuumaad tv yada caalamiga ah soo ururin filmaan dadk dhibta haysta wax jiraa ma jiraan wax weyna uma arko arimhii aad sameyseen.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • jamac says:

      Ibraahim walaal is daji oo fudeydka jooji dadka ha niyad jabin wax wanagssn ayay sameeyeen ee dadka ha niyad jabin intii meeshaas ka mudaaharaaday ileeheey ha ka abaal mariyo intii kalena kuwa soo socda ha raacaan insha allaah sida rer gavle ay ku baaqeen mahadsanidiin

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. israa says:

    Asc wr wbr Dhaman somalida melkasta oo ay jogan salan kadib walal jimcale plz su,ashaydan iga jawab hadii Ad awoodi walalkis dadka is qaba hadana an waxana isku dhalin ayaga booska kuma jiran miya ? Mise, tan kale hadii qofka lo dacwonayo hadu haysto basabor wadan kale miyey i sahli karta dacwada tas mise? Fadlan isku Day inad iga jawabti?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      walaal dadka aan wax isku dhalin way ku jiraan dadaalada balse dhibaatada jirta ayaa ah in dowlada ay dooneyso in DNA wax lagu cadeeyo. Dhiiga ma cadeyn karo laba qof oo isqabta marka sidaas ayay u adagtahay baasaboorka Soomaaliyana lama aqoonsana balse waxa lagu dadaalayo waa in la helo ogolaansho soomaalida oo dhan ah.

      Mida baasaboorka wadanka kale leh waan maqlay dad baasaboor ethiopian leh oo ogolaansho la siiyay marka waa macquul in ay ka fududahay balse 100% ma xaqiijin karo.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. israa says:

    Walalkis aad ayaad u mahadsqntahay 100%

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0