Soomaalida Iswiidhan oo dooneeysa ineey gacan ka geeystaan dib u dhiska Soomaaliya

1

Soomaalida ku dhaqan dalkaan Iswiidhan gaar ahaan magaaladda Borlänge, ayaa bilaabay talaabo ay ku doonayaan ama ay uga qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya oo hadda u muuqda mid ka soo kabanaya dagaal sokeeyo oo muddo dheer aafeeyey.

Magaaladda Borlänge, oo ay soomaali badan ku nool yihiin ayaa qaarkood bilaabay ineey abuuraan mashaariic dib u dhisid iyo howl u fududeeyn dadka doonaya ineey dalkooda dib ugu laabtaan. Cabdulaahi Calasow oo ka tirsan mid ka mid ah urruradda ugu waa weyn ee soomaalida gobolka Borlänge, ayaa sheegay isagoo u waramayey idaacada Iswiidhan ee gobolkaas in soomaali badan ay daneynayaan dib u  dib u dhiska dalkooda  urrurkooduna gacan ka siinayo taabo gelinta howshaas.

“Waxaan ka fekerayaa ineey noqoneyso mid cid kasta u furan dibna ugu laaban karaan dalka iyagoo ka qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo ganacsi u dhaxeeya Soomaaliya iyo Iswiidhan, si shirkadaha Iswiidhana ay ugu faa’iideeystan mashruucaasi” ayuu yiri Calasow uu muujinaya sida u doonayo in la helo ganacsi u dhaxeeya labada dal  iyo siddii shirdkadaha dalkaanina ay maalgashi ugu sameynsan lahaayeen Soomaaliya.

Soomaaliya inkastoo dagaal sokeeyo ku raagtay iyo ammaan xummo, hadana weli waxaan si buuxda sal u dhigin ammaanka guud iyo siyaasadda dalka. Taasina xilligan dhow suuragal kama dhigeeyso in shirkadaha dalkaani ay ku dhiiradaan maal gelin ay Soomaaliya ku sameeyaan, waloow ay jiraan shirkado kale oo fadhigoodu yahay Kenya oo ay mudooyinkii ugu dambeeyey indho indheeyn ku sameeynayeen siddii maalgelin ugu sameyn lahaayeen Soomaaliya.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here