Soomaalida iyo guurka dhaqamada kale

0

Bulshada Soomaalida ee ku dhaqan qurbaha ayay caadi ka noqotay in ay guursadaan dadka dhaqamada kale, ragg iyo dumarba.Somali Mowduucaan ayaa waxaa igu dhaliyay ka dib markii aan daawaday sawiro laga soo qaaday arooska wiil u dhashay dalka Japan iyo gabar Soomaali ah oo ka dhacay magaalada Malmö.

Qaar ka mid ah gabdhaha Soomaalida oo aan si hoose uga wareystay arimahaan, ayay ii muujiyeen rabitaankooda ragga ka soo jeeda jinsiyadaha kale, qaasatan cadaanka. Gabdhaha ayaa ku doodaya in raggaas ay yihiin kuwo jaceyl u muujiya dumarkooda isla markaana ah kuwo dhowra xaqa ay xaaskooda ku leedahay. Waxay ragga Soomaalida ku eedeeyaan masuuliyad daro, qaad cun iwm. Xitaa waxaa la soo wariyay in ragga soomaalida looga firfircoonyahay hal abuurka galmada.

Inkastoo aan ognahay waxa ay diinteenu ka qabto isguursiga dumarka Muslimiinta ah iyo ragga aan Muslimka ahayn, ayay hadana Sweden ku badanyihiin dumar Soomaali ah oo guursaday ragg aan Muslim ahayn. Waxaa sidoo kale jira ragg badan oo Soomaali ah oo iyaga laftooda guursaday dumar aan Muslim ahayn balse ku dooda in ay diintu u ogashahay maadaama ay yihiin ahlu kitaab, taasoo shaki ku jiro maadaama Swedishka intooda badan aysan wax kitaab ah haysan. Dhinaca kale waxaa jira ragg iyo dumar Soomaali ah oo guursaday dadka dhaqamada kale kuuwaasoo ku guuleystay in ay Muslimiyaan lamaanahooda, taasoo ah guul u soo hoyatay Soomaalida iyo Islaamka.

Hadaba sidee u aragtaa isguursiga dadka dhaqamada kale duwan? Ma saxbaa eedaha loo soo jeedinayo ragga Soomaalida? Ma la dhihi karaa in dumarka Soomaalidu ka bexeen xadkii? Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here