Soomaalida Norway oo fashilantay

13

Ku dhawaad 100 qoys oo Soomaaliyeed ayaa lagu eedeyay in ay qayaano ku sameeyeen qasnada Cayrta Norway. Dadkaan ayaa lagu eedeeyay in ay been u sheegeen dowlada ka dib markii ay qorteen in ay isfureen balse la arkay dumarkii la furay oo caruur u leh ragii ay sheegeen in ay fureen.

Qayaanadaan ayaa loo sameeyay si loo qaato lacag gaareysa 15000 oo Karoonka Norway ah kaasoo ay xaq u leeyihiin waalidiinta kaligood caruurta haysta. familada Soomaalida ayaa qaarkood la aaminsanyahay in ay qaateen lacag gaareysa 800000 karoon.

Dadkaan ayaa horey u diiwaan gashaday in ay is fureen ayadoo baaritaan ay sameysay Dowlada Norway ay ogaadeen in dadkaan ay wali caruur isku dhalaan.

Ceebta meesha ka taagan ayaa ah in Soomaalidu ay qortaan in caruurtooda ay ku dhasheen wacalnimo ka dibna ay sidaas lacag ku qaataan ayadoo hada Dowlada Norway is weydiineyso in bulshada Soomaalida ay caadi ka tahay in kala bar ilmahooda ay ku dhashaan guur la’aan.

Booliska ayaa u dhacay qaar ka mid ah dadkaan laga shakiyay ayagoo ugu tagay aabihii iyo hooyadii qortay in ay isfureen oo wada jooga, dadkaan ayaa la soo xiray ayadoo ay macquul tahay in lagu xukumo 6 sano oo xarig ah.

Amal Aden oo ah turjumaan Soomaali ah ayaa warbaahinta u sheegtay in Soomaalidu ay barteen nidaamka uu u shaqeeya cayrta Norway oo qaarkood ay xitaa ogyihiin ka hor inta aysan Norway imaan.

Arintaan ayaa ceeb iyo facshar ku ah Soomaalida Norway, iyadoo la aaminsanyahay kiisas nuucaan la mid ah in ay ka jiraan wadamo badan oo Yuruba ah oo ay ku jirto Sweden.

http://www.nrk.no/nyheter/norge/1.7541771

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here