Soomaalida oo isaga carartay tuulada Forserum

Soomaalida ku nool tuulo ka tirsan kamuunka Nässjö oo lagu magacaabo Forserum  ayaa waxaa la  soo daristay cabsi weyn ka dib markii mudo lagu haayay weeraro joogto ah. Soomaalida ayaa sadex isbuuc oo isku xigta waxaa dhagaxaan lala dhacay xafiiska jaaliyada, qaar ka mid ah Soomaalida ayaa gacan loo qaaday iyaga oo wadada maraya iyo caruurtii oo waxyeelo la gaarsiiyay.

Telefishinka Sweden oo wareysi la yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida ku hartay magaalada ayaa sheegay in ay ku noolyihiin cabsi saa’id ah. Jaaliyada Soomaalida ayaa hada ku talisay in dhamaan Soomaalida ku nool tuuladaas ay isaga guuraan maadaama uu amaankooda qatar ku jiro. Tuulada Forserum ayaa sanadkii hore waxaa ku noolaa Soomaali gaaraysa 160 qof balse hada ayaa waxaa ku haray 60 qof oo keliya oo hada la filayo in ay isaga cararaan goobtaas.

Caruurtii ayaa la sheegay in ay aadi waayeen iskuulada. Cida masuulka ka ah dhibaatada lagu haayo Soomaalida ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay tiro dhalinyaro ah. Booliska ayaa arinta la gaarsiiyay balse aan si fiican wax uga qaban.

Boolisku way yimaadaan oo waxay qortaan magacyo iyo marqaatiyaal balse waxba ma sameeyaan. Dadka magaalada inta badan waa fiicanyihiin balse kooxyar ayaa dhibaato nagu haya – Ayuu yiri Abdula Abdi Dhinbil oo ka tirsan Soomaalida yar ee magaalada ku hartay.

Booliska magaalada Eksjö ayaa sheegay in ay soo gaareen dacwooyin la xiriira arintaan, waxay sheegeen in ay hada hawsha ku jiraan oo arbacada ay war ka soo saari doonaan. Mar aan isku dayay in aan la xiriiro Soomaalida ku nool Forserum ayaysan ii suurto galin in aan helo cid telefoonka iga qabata.

Soomaalida ayaa laga doonayaa in aysan magaalada isaga cararin balse ay isku xirnaan sameeyaan, waxaa wanaagsan in ay wadajir la sameeyaan dadka magaalada iyo maamulka si arinta u soo shaacbaxdo. Haddii ay ku guuleystaan dhalinyaradaan in ay Soomaalida ka raraan Forserum ayay noqon kartaa wado u furantahay cunsuriyiinta meelkasta oo ay joogaan.

 

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. masayrbadan says:

    WAA RUNTIISA JIMCAALE WADA FURANTAY NOQONAYSAA HADAY KA CARARAAN MEESHA WAXAA LYNAGU URUURINAYAA HAL MEELA ANIGA JIMACALAN LA FIKIR AHAY YAY KA CARARIN SOMALIDU MEESHA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. said says:

    mar aad baan uga xumahay soomalidaa dhibku kala kulamay magalada ay daganaayen takale halkan waxaan aad uga salaamay ninka layidhaahdo cabdilaahi cabd dhinbiil oo mudo iskugu kaaya dan baysa waa ka xu mahay dhib kaa idin haysta ilahay waxaan idinka baryayaa in culaysa idin hayta idinka dulqaado

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. baashi. says:

    asc dhamaan umada somaliyed gaar ahaan aqristiyaash webka, salaan ka dib aniga waxaan oran lahaa somalida in ee daganaato farserum magalad la dhaho wayo maanta hadi aad ka cararto meesha barito neh meesha aad dagto waad ka cararesaa marka waxaa haboon in la istuso dadka dhibka wado iyo dowlad wayo dowlad ayaa ku sisay magan galyo iyada ayaa ka mas,uul ah waxaa haboon jaaliyada ka dhisan meesha in ee ababusho banaan bax lagu canbarenayo ficiladaas ama dhamaan somalida dagan meesha in ee hor fadhistaan stadshus ka magaladaas oo ee dhahaan ilaa balan qaad na laga sinayo in aan mar danbe lana cabsi galinenin oo maka dhaqaqeno meesha markaas hosha meel ayey u dhaci lahed waana mahad san tihin.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. xaawoyarey says:

    asc dhamaan bahda ku xiran somaliska iyo walaalkey jimcaale salaan kadib hadan ka dhiibto fikirkayga ku aadan arintaan anga waxay ila tahay oo aanku fakar ahey jimcaale waayo aniga waxan ku noolahay tuulo yar oo aney somalida gaareen 30 marka aan sodagey tuulada way igu bilaawatay cunsurnimada ilaa haa oolaga joogo 2sano way socota inkastay sidii hore aheyn waxajirtay in la iigu han jabay in naladili doono hadanan ka guurin magalada oo aan nahay musli meeshana an makaan ku laheyn ilaa waraaqo hanjabaad ah la isoo diro albaabka aan deganahay lagu qoro waxas iyo waxa ka badan saas ay tahay kommunka wuxu iogolaa inaan dego meesha aan rabo ama uguuro taas waxa ka dorbiday inaan ku noolado tuuladan waayo kan aanka guurayo waa sweden kan aan u guurayana wa sweden wax ay ku kala duwan yiin majirto waayo waa dadq ura waxan ii soo baxdey inay yaraatay hada cunsurnimadii badnayd ee la igu hayey iyo waxyabiilasoo qori jirey

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. SOMALI says:

    ASC WALAALLAYAAL HADAAN FIKRADAYDA KADHIIBTO ILLAA SOOMAALIYA WAA QAXAYNAY HADANA MEESHII LUGUNOOLAA HALAGASIIQAXO ARIN FIICAN MAAHA MEELKASTA OO AAD JOOGTAA ILLAAHAY KAASHADA WIXII IDIN SOOWEERARANA ISKA DIFAACA
    MEEL WALBANA SIDAAS OO KALE AYAA LAYDIINKA CAYR SANAYAA SOOMAALIDA AYAA WAXAY KU MAAHMAAHDAA HADAAD DHIMANAYSID DHAREERKAA LAYSKA DUWAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Mooryaan yaqaan says:

    oo maxay u guurayaan oo u cararayaan, mey is difaacaan!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. fatima says:

    MEESHA XABAD LAGUMA HEESTEE SIDEE NIN RAGA NIN LAMIDA AGA CARARAA AGA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. yaah says:

    isqixisaye hala qixiyo
    kkkkkkkkkkk
    imisa lasoodilay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • XOOGSADE says:

      ASW ANIGA SIDAY FIGARADAYDA ILA TAHAY ADUUNKA MEELNA SIJAYAD CAS LAYSUMA DHIGEE YAAN LAGA QAXIN EE HA LOO JILIB DHIGO OO HA LOO QUTURO NIMANKA HADII KALE MARBA TUULO AYEYNU KA QAXI DOONAAA

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. RUNSHEEG says:

    ibliis korkiisuu ka naxaa qofkii gardareesta ha iska celiyaano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Diirshe says:

    Soomalida degan tuulooyinka Gobolada ugu cunsuriyada badan Sverige Småland iyo Skåne waa iney mintidaan isku duubni dhexdooda iyo iska warqab iyo tirakoob sameeyaan jaaliyado saameyn ku leh swedish-kana sameestaan mudaaharaadyo nabadeed oo lagu diidan yahay fuquudidooda ay isla sameeyaan swedish-ka samaha jecel ee aan cunsuriga ahayn iyo ururada arimahaha bulshada ka shaqeeya madaxdooda swedishka ah ay u kaalmeestaan swedish-ka isaga la iska horgeeya si loo arko inta badan iney ogolyihiin wada noolashaanha dhaqamada kala duwan iyo bani aadanimada si loo yareyo awooda cunsuriyiinta laakiin hadaad adoo soomaali ah guri isku soo xirto cid ku og maleh qaabka ugu wanaagsan looga adkaan karo kooxaha tirada yar ee rasistiga waa isku duubni iyo jaaliyad saamewyn ku yelata meesha ay degan tahay xiriirna la leh boliiska iyo degmada, ururada bulshada si ay kaaga wacyi geliyaan dadkooda ku cunsuriyeenaya iyagoo kala hadlaya tv-ga radiyaha iyo joornaalada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. hanna says:

    Asc all soomaalia kunool Svrige.Wxaan oranlahaa hacararinna ee iskuduubnaada siaad wax uqabsataan lanaidiinka qabo walaalayaal waayo waxaad tihiin dad kaldadsan sababta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. cabdi says:

    asc all waxan halkan ka dhiinanaya fikirkeeg catada ah aniga waxaa halkas iig soo baxday somalida inay iyada xoog isu leeyahiin hadii mantay ay meshaa labo somali isku dagaali laheed waxay noqon laheed qabiil iyo inay midiyo isu qatan oo somaliga waa uu yaqaan sida loo dilo somaliga ee ma yaqan sida uu isag dhiciyo qofkale marka waxaa ilahay idan ka goonayaa dhibkii aa isu geesateen ilahay waa cadil ogada ilahay waxuu yiri (kamaa du diin tu daan ) arka dhibka iyo qabiilka iyo wadan laanta waa wax aa mutesateen ????

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. XOOGSADE says:

    maxad ugu darsamai wayday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. xoogsade says:

    waan u codeeyey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Adan Nuur says:

    Aniga Horta waxaan rabaa fikir inaan ka dhiibto arrintaan, Ma is weydiinay sababta sanadihii ugu dambeeyay soomaalida kaliya looga hadlo umadaha kalena aan looga hadlin, horta waa inaan ogaano aduunkii inuusan sidii hore eheen oo hada caalamkii ay ka jirto dhibaato dhaqaale, Markaan swedish badan aan kala sheekaystay soomaalida siday u arkaan waxay ii sheegeen inay yihiin dad aan shaqaysan oo wax dadaal ah aan muujin inay yihiin, sidoo kale waxay leeyihiin soomaalida dhaqan guud iyo wada noolaashaha sweden ayay qatar ku yihiin, Tusaale, waxaad arkaysaa Bas ay saaranyihiin 50 qofood oo laba qof oo soomaali ah oo kaliya ka buuqaayaan oo umadii dhan ay buuq iyo jaha wareer ku abuurayaan, sidoo kale xaga nadaafada aad ayaan ugu liidanaa runta hadii laga hadlo, marka runtii walaalayaal aan dib dhaqankeena u egeeno, waxa naga qaldan bal aan aragno,aana ku dadaalno sidii aan wadankaan ula qabsanleheen.

    Mahadsanid.
    C.raxmaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0