Soomaalida oo noqotay qowmiyada ugu badan ee dalbatay mawaadnimada Iswiidhan

0

Iyadoo ay sanad kasta dadka ajaanibta ah ee muddada dheer joogay dalka ay dalbadaan dhalashadda dalka, ayaa haddana waxaa aad kor ugu kacay  tirada dadka gudbiyey dalbada muwaadinnimadda.

Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Migrationsverket waxaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 64 000 (lixdan iyo afar kun) oo codsi ay soo gaareen, sidoo kale ay shantii bilood ee ugu horeeyey  sanadkii hore soo gaareen 29 000 oo dalab, wadarna ay tirada guud ee laanta socdaalka u gudbisay dowladda ku noqdeen 77 000 (toddobo iyo toddobaatan kun) oo dalab sanadkii.

Soomaalida sida laga warqabo waxaa weli ku adag in dhalashadda ay ku qaataan muddo shan sanno ah, taasina ay ugu wacan tahay dowladda oo sheegtay inaaneey aoqoonsaneyn dokumintiyo ka soo baxa Soomaaliya wixii ka dambeeyey dowladdii dhexe. Halka ajaanibta kale ay u fudud tahay in muddo shan ka dib ay helaan dhalashadda.

Muddada la sugo in jawaab lagu helo dalabka dhalashada Iswiidhan ayaa kor u kacda, sidoo kalena ay kiisaska caadiga ahi qaataan inta u dhexeeysa sannad illaa iyo sannad iyo bar. Qiyaastii 25% dalabyada la soo gudbiyo ayaa ah kuwo dhammeeys-tiran oo go’aan laga gaari karo,  go’aankooduna yahay kuwo ka dhakhsiyo badan  inta u dhexeeysa bil illaa iyo shan bilood ee jawaabta diidmadda ama  ogolaanshaha.

Qowmiyadaha dalbaday dhalashada  sanadkii 2016-da

1.Soomaaliya
2.Suuriya
3.Aan laheeyn cadeeyn ama waxa loo yaqaano (Statslösa)
4.Ciraaq
5.Afgaanistaan

Qowmiyadaha dalbaday dhalashada  sanadkii 2015-ka

1 Ciraaq

2 Soomaaliya
3 Aan waddan cadeeyn ama waxa loo yaqaano (Statslösa)
4 Taayland
5 Boolan

 

Xilliyadda kala duwan ee dalabka & guud ahaan

2012             39 007                               2 403

2013             37 163                               2 840

2014             41 601                               3 668

2015             48 311                               8 816

2016             63 966                               20 063

Xigasho: Raadiyo Iswiidhan laanta soomaaliga

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here