Soomaalida oo ugu badan dadka Sweden iska dhiibay sanadkaan

8

Soomaalida ayaa u muuqata in ay yihiin dadka ugu badan ee sanadkaan magangalyada ka dalbaday Sweden sida ku cad macluumaadka Laanta Socdaalka.

Ka soo biloow bishii Janaayo ee sanadkaan ilaa bisha May, ayaa waxaa isdhiibay 2151 qof oo Soomaali ah oo ay soo raacaan Afghanistan oo iyaguna gaaraya 1693. Tirada Soomaalida ayaa u muuqata mid aad kor ugu kacday marka loo barbar dhigo sanadkii hore oo isla xiligaas oo kale ay isdhiibeen 1316 qof.

Sababta ka dambeysa siyaadada soomaalida ayaan la qiyaasi karin. Dhinaca kale, markii aan isku dayay in aan ogaado tirada dadka sharciga ku helay dacwada ayaysan Laanta Socdaalku si fiican u cadeyn tiradooda balse macluumaadkooda waxaa ku qoran in sanadkii 2011 ay 137 qof oo Soomaali ah sharciga ku qaateen xiriir qaraabo. Halka sanadkaan tiradaas ay gaareyso 48 qof. Ma kala cada in dadkaas laga soo qaaday wadanka dibadiisa iyo in halkaan ay iska dhiibeen ka dibna qaraabadooda lala mideeyay. iyo xitaa in ay yihiin dadka xeryaha qaxootiga laga soo qaaday oo qaraabadooda lala mideeyay.

Sidoo kale Sweden ayaa sanadkaan socda waxay xeryaha qaxootiga ka soo qaaday Soomaali gaareysa 186 qof, halka tiradaas ay sanadkii 2011 ahayd 238 qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here