Soomaalida & Saxaafada Sweden

Marka aad akhrido mowduucyada ay ka qoraan saxaafada Sweden Soomaalida ayaa waxaa loo kala qeybin karaa labo qeybood. Kuwa dhinaca cunsuriyiinta ayaga warkoodu waa iska cadyahay oo Soomaalida waxaa loogu yeeraa “parasiter” ama ku dul noole. Saxaafada caadiga ah ayaa iyaguna waxay Soomaalidu inta badan ugu yeeraan “analfabeter” ama dad aan waxba qorin waxna akhrin.

Mowduuc lagu qoray wargeyska ETC ayaa qoraaga waxa uu ku baaqay in eeda la saaro bulshada Sweden ee aan si gooni ah loo saarin Soomaalida. Fashilka ayaa mowduuca lagu sheegay in uu ka yimid dhinaca bulshada Sweden oo ku guuleysan wayday in ay caawiso dadka cusub ee wadanka soo galay.

Mowduuc kale oo maalmo ka hor lagu qoray wargeyska Aftonbladet ayaa isagana mowduuc looga dhigay “Somalia visar hur fel SD har” oo ah “Somaliya ayaa muujinaysa in SD ay qaldantahay” markaan arkay ciwaanka mowduuca waxaan isdhahay sheeko macaan ayaa meesha ka socota balse markii aan hoos u akhriyay ayaa waxaaba laga hadlayaa burburka ku yimid Soomaaliya, iyagoo isbarbar dhigaya dooda SD ee ah in qowmiyadaha kala duwan ay abuuraan dhibaato, mowduuca ayaa lagu sheegay in Somalia aysan lahayn qowmiyado kala duwan balse ay 20 sano is xasuuqayeen.

Wargeysyada, idaacadaha iyo telefishinada Sweden ayaa markasta oo laga hadlayo Soomaalida waxaa la soo bandhigaa qeybaha xun ee bulshada oo keliya. Waxa laga hadlayo waa Soomaali luuqadii dhib ka haysto, kuwo la cunsuriyeeyay, kuwo shaqo raadis ah iwm. Waa yartahay inta la soo bandhigo Soomaali shaqaynaysa, kuwo ganacsiyo abuuray, kuwo waxbaranaya iyo kuwa la mid ka ah.

Sawirkaan qaabka daran ee Soomaalida laga muujinayo ayaa eediisa inta badan waxaa iska leh Somaalida. Dadkii wadanka hore u soo galay ayaa qaasatan abuuray sawir qaldan oo ku saabsan Soomalida. kuwa cusub ayaa waxaa hortaagan darbigii ay dhiseen kuwii hore, oo xitaa markii ay arkaan dad cusub oo dadaalaya ka xumaanaya sidii iyaga oo weerar lagu yahay ama horay wax wanaagsan u sameeyay.

Soomaalida ayaa kala abuuratay boqolaal jaaliyado isqilaafsan oo midba midka kale tartan kula jiro. Ma jiro urur firfircoon oo u dooda arimaha Soomaalida. Saxaafada Sweden ayaa sawirka qaldan ee Soomaalida waxay ka helaan shaqsiyaadka. Dabeecada saxaafada ayaa ah in dhinaca negativeka ay xooga saaraan balse xaqiiqada ayaa ah in Soomaalida ku nool Sweden aysan lahayn wax badan oo wanaag ah oo laga sheego. Taas in wax laga badalo waxay ku xirantahay in Soomaalidu ay isku duubnaan samayso, in dadku ay xooga saaraan isdhexgalka bulshada, ganacsiga , shaqada iyo waxbarashada.

Ugu dambeyntii waxaa jira cunsuriyad guud oo ka dhan ah Soomaalida. Mowduuca lagu qoray wargeyska ETC ayaa lagu yiri “Soomaalidu waa dad qaasatan dhibaato haysato, Soomaalida waxaa lagu sameeyaa cunsuriyad labo jibaar ah maadaama ay Madoow Yihiin, Afrikaan Yihiin isla markaana ay Muslimiin yihiin”.

Hadaba yaa la saari karaa eeda sawirka qaldan ee Soomaalida laga muujiyo. Ma cunsuriyada mise fashilka Soomaalida?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. sharlaawe says:

    aniga waxay ila tahay in aan aniga qaladka leenahay waxaana horay loodhahay ishiisa laga arko ayaa ushiisa lagu dilaa!
    somalidii horana wax wanag ah masammaynin bal waxay lugooyaan dadka walalahoda ee dib ka yimiday ,
    Ilaah towfiiqada hana waafajiyo, wadankeynana nabad hanooga dhigo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. sufyaan says:

    asc waa idin wada salamay bahda somaliska iyo dhaman umada somaliyeed .
    waxyaabaha somalida la shegeayo somalida 100% waa xaqiiqo qof inkirikara malaha tusaale ahaan aniga waxa la kulmay nin wadankan joogay 23 sano waxyabihii iga yabiyay waxa ka mid ahay in uu iyiri baakad sigaar noo qabo oo ah noo gad anigana waa ku cusbaay markaas waxan weydiiyay in uu shaqeeyo iyo in kale wuxu igu jawaabay meshaan shaqeey ama ha shaqeyn waa isku mid waxba lagama faaidaayo.
    hadalkaas xaqiiqo ahaan waan qaatay aniga sababtna waxay tahay ninkii wadanka kaaga soo horeeyay haduu saas ku dhahay war majiro waaye marka.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  3. nima says:

    illah wadankeyna nabad ha nogaa dhigo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 3

  4. ruun sheeg says:

    Edda waxaa leh jaaliyadaha Somalida iyo quf kastoo luuqada si fiican u yaqaana iyo saxifiyanta somaliiyed wadan ku nool sida mr Jimcale camal. Hadii wax xuun somalida laga qora ha jireen mise yeeysan jirin maxaa diiday in aad ka wabaabtaan aqoon yahanoo iyo jaaliyadeey idinka wax noo bartay , oo aad u cadeesan beenti la qoray xaqiiqadeeda. Hadii been dadka lugu shubay waa in aad ka dhubtaaan oo cadeesaan mowqifka somaliada iyo dhibka jira waxuu yahay kaan leenahay iyo kaan dowlada leedahay iyo kaan aan la wadaagno ajaaniibka guud ahaan wadanka nool.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  5. cali says:

    sxb yaal eeda ma laha masakinta cusub iyo hoyooyinka iyo caruurta . waxaa iska leh jaaliyadaha magaceena ku tuugsada dowlada lacagta ka soo qaata . iyo xafiisyada sida arbetsfamiliyaanka waxba dadka u qaban markee 2 sano kaa dhamaata deey lugu dhahaa adoo wax lugu ziyaadin . waxaana ku sugeesa hadhooti 2 sano maxaa uuga faaidesan weysay bulshada u dhexgali weysay. bal ii shega halkee ka dhex gala bulshadaan xagee shaqa ka helaa . quf somali shaqa diiday miyuu jiraaa. mise meel shaqa laga helo oo aan aadi weynaay . waa system fashilan oo la raba eededa in nala saaro iyo ajaanibtoo idil.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. sxb yaal says:

    In isku ciil baxno faaida ma laha ha laga jawaaba warbixinada la soo qoro aqoon yahanoo iyo kuwa afka bartay ha loo qoraa joornaalada iyo tv yada quf ku diidaaya ma laha waxii lagaa qoraa waa ka jawaabi kartaa isla jornaalki . markaas waa la fahmaa bahasha meeshee iska qaban ladahay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. Cawil says:

    asc
    runtii way jiraan sawiro qaldan oo soomaalida laga fidiyay balse inta bada qaladka waxaa iska leh dadka negatifka gudbinya kuwaasna waxaa ka mid adiga oo bogaan ku qorayaa inta badan soomaali baa qaldan marka waliba ma arag adigooo soomaali wax fiican ku amaanyaa ay samaysay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  8. maria mahomud says:

    as runtii waa arin laga xumaaado ama lagaba naxo in dadkaaga wax xun laga sheeego laakiin waxaa loo baahanyahay in ururadu ka hadlaaan iyo idi jimcaale ahaan oo wax wanaagsan tustaan saxaafada oo xumaantay wadaan wanaag laga horgeeyo arin cajiib igu noqotay ayaa ayaan dhaweyd igu dhacday taas oo aheyd in inan yar oo dhigata iskuulka ay iweydiisay oo tiri hooyo waxaa la yiri somalidu markay wax isku sheegayaan warqad ayey isku qoraan halkii ay arintooda intay wada fariistaan xalin lahaayeen raadina lahaayeen meesha wax ka khaldan yihiin—————————–

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. waberi says:

    asc jimcale waxan rabaa inaan laboo sualo waxa ka dhahoo.waxan iskuudayay inaan heloo bertiik oo lahaayn lacag.waxan dhiiktaa iskuulka klass D wan kuu haadlaa intii tamaartaydaha. waxa iguu danbaysay tuurjumaad2011. waxan kuuhadlaa 4 lonqadood 2wan qooraa 2wan kuuhadla uu kujiriin somaligaa.waxan tagaay tuukanka willys ka markaa way igaa dideen.waxan radiinayaa bartiik ee sideed looheliikara shaqoo,markaa maraban inaan shaqaayno(waxay ahaad mahmahdi arkaba arkaa hore iyuu soocod kiisaleyahay) lakiin waxan arkaay( ISKASHI OO NOSOO WADAA MASHACII FICAAN )ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. madiino says:

    asc aniga waxaan qabaa in ay soomalidii u horaysay ay gudbiyeen figrado xunxun aan ahay kuwii hore kuwa reer magaal ah oo kayimid baadiyaha mar waa inaan hada ku dadaalnaa in aan soo celino sumcada wanaag san ay soomalida leedahay. tankale walaala yaal waxaan idin way diiyaya nedka ayaan ka xaraystay ilmahayga safaaradana way tageen DNN waalaga qaaday waxba jawaab aniga mahelin qofkii arintaas kawar haayo ha iila soo socod sii isaga oo mahad san wcs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Gabadh Sool says:

    waa run somalida waxaa laga dhigtay tusaale wixii xun o dhan
    waxana lagu ogan karat iskuulada tusaale ahaan wadanka waxan joogaa 28 bilod intan sfi dhiganayay malin man ka maqnan macalin kasta aan ugudbo markuu kheemadayda arko waxay igu odhan jiren sida soomalida matihid intressent bad ku tahay iskuulka hadalkas waa i dhibay markan waydiiyay macalinka wuxuu dhahay soomalidu tos uma yimadan iskuulka wayjaraan niyadna uma hayan wax barshada intoda badan waa arin yab leh tasina

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. yuusuf says:

    scww jimcaale aad iyo aad ban kaaga mahad celinayaa warbixinaha is daba joga ee aad u soo gudbiso dadkaga runtiina waxaan oran karaa waxaad haysaa howl wayn oo u bahan in lagula garabgalo sxb runtii wan aqristaa webbkan hadan wax yar ka irahdo arintan aad soo qortay ama warka ay ka qoraan swedishku somalida wax way ka jiraan in kastoo aad oran karto wax si saxa loogu how galay ama loo soo hubiyay maha dhinica shaqada hadii la eego waxii ka daneeyay 2002 waxaad modaa in dadka somalidaa waliba kuwa danbe ee gadaal ka soo gaöay wadanka ay la soo galeen dardar cusub iyo xamaasad shaqo arinkaas may helin wax u kuurgala ama isku howla oo soo bandhiga kartida dadka somaliyeed u leyihiin wax soo sarka dhinaca shaqada hadaan tusaale ku siiyo aniga waxaan ka shaqeynaa lager waxan ahay trukforare halkaas waxaa igala shaqeeya ilaa 20 raga oo somaliya aad kuugu daro mesha an ku noolahay waa tuulo marka walaal hadii la eego magaloyinka wawayn sida stockholm,göteborg,mälmo iyo qaar kaloo badan waxaa laga helayaa tiro aad u badan oo somaliyeed lkn dhibka ayaa waxuu yahay cid isku howshay inay ogato ayaan jiri jaliyadihii waxaas ka shaqayn lahaa ayaa reero iyo dano gara u shaqaynaya marka sxb hadaa diyar u tahay wan kugu cawinaynaa inaad noo timado oo aan wax ka badalo sawirka somalida ay saxafadu ka muujiso waliba sxb waxan oran lahaa dee warka uu qoro wariye iswidhisha ee negtivka hadii somalida loo soo turjumo waxay ka sii qadayan cadawad lkn hadii loo soo bandhigo somali walalohoda oo wadanka wax ka qabsanaya waa hubaa in ay ku dhibcayso arinkaasu oo ay ku dadalayaan in ay iyana mesha iska qadaan scww

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. sakariye says:

    runti waxay somalidu hore ugu mahmah day ayo is cunaya warabe iskama celiyaan taa waxan ka bada ma aragteen laba qof oo somali ah oo meel ku wada nool oo isku niyad san waa maya wadankina sida saynu isku necbayn halkana way nu is neceb nahay afkana waxay nu ka lenahay illahow wadan keeni
    nabad ka dhig illahay dad aan is hagajin ma hagaajiyo duco
    bilashana wax ma tarto ee halkan iyo wadankiiba somalida waxan kula talinaya waar qulub tiina isku fura oo is jecelada wax ba idinka xuman mayaan iskashada asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. deqa says:

    SOOMALIDU AYAGAB IS CUNSURIYEEYE CIDKALE MAXAY CUNSIRIYAYSAA. QABIIL AYAY ISKU CUNSURIYEYAN NASAB WAX AY KUSHEGAN . KOLAY SWEDAN SOMALIDA KUNOOL MAGACA LOOGUYERAYABA AYAGA LEH HADAN DHALINYARADA HAD WAXBARTAY XITA EEGNO WAX AYKAQABANAYAN MAJIRTO BULSHADODA SONOLAYNTII URU ADA SAMAYN AMA MIDNIMADII UMADAN UMADAN MIDNIMO SOMALIYANA KUMAY HAYSAN HADANA QURBEKUHELIMAYAN MELKASTA 1000 JALIYADODO BAY SAMAYNAYAN IYO GUDOOMIYE AYAGOODHANA QILAAF AH WIXII NALAKUCAYO OOO DHAN WA RUN JARERTII AFRICANKA KALAAHAYD AYANAGA FIICAN WAA DADJIRA URUR ADAG LEH XAQOODA DACSANKARA ANAGA MALINKASTA CARURUBA NALAKAQADA ILMA LAXIRA QOFBA WAL CUNSURIYEYA RUNTII MAGACA SD AY SOMALIDA UGU YERAYSO WAA MAGAC AY YIHIN WAA KUDULNOOLE WAA ISKA NOOLNAHAY HADA IDINKA SOMALISKA BAHDA QORTA KOLAY WAXBA IDINBILABAN AQON WAXBADAN AYAD BADALIKARTAN WAXAD RADINKATAN 1 UMDAN CAQLIGEDA MICNAHA CAQLIGA MARKAN LEYAHAY WA DADKA AQONTA USAAXIBKA WAD SBAHAYSANKARTAN KADIB WAXAD SOOS ARIKARTA N URUR MIDAYSAN OO AWODLEH OO GOBALADA KAJIRA WACYIGALIN BULSHO , RUNTII I AAYAHA INLAGA TASHADO AAD BAY UFIICANTAHAY EE SOOMMAALAAY ISDABAQABO ILAAHOOW SOOMALI BAD BADI

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. Caaqil says:

    Sc Dhamaan umada soomaaliyeed!
    Sufyaan ayaa waxyar usheegayaa.
    Walaal waa nin weliba siduu iska dhigo. Haduu qofkii ugu horeeyey ee aad lakulantay uu kugu yiri “Qofka haduu shaqeysto iyo hadii kale waa isku mid” Taasi xaqiiqo ma’aha waayo isaga wuxuu kafiiriyey dhinac yar oo uu faa’iido mooday tasoo ah: Lacagta uu shaqeysto iyo lacagta uu ceyr ahaan uhelaayo ayaa isku mid ah ama isku dhow, sidaa daraadeed maxaan udaalayaa waaye ninkaa sheekadiisa. Laakiin micnaha ma’ahan wadanka inuu shaqo kawaayey mudo 23 sano ee isgaan rabin shaqo, wuxuuna door biday gacan hoorsi.
    Tusaale hadaan kusiiyo: Aniga markaan wadanka imid oo aan joogay isbuuc ayaa shaqo raadis noqday. waxaa xujo leyga dhigey iney itijaabinayaan mudo 3 bilood, waan ka ogolaaday meeshana waxay aheyd Jasiirada Gotland ee Visby.
    Qoladii waxay laxiriieen Migration-ka. Nasiib daro migration-ka ayaa diiday waxaana laysoo tuurey waraaq ah mashaqeyn kartid. waxaan xooga saarey dhankii waxbarashada, kadib sharci markaan helay ayaan bilaabay inaan diyaariyo 6 araaji oo shaqo doon oo meelo kaladuwan ah. Nasiib wanaag 4 kamid ah ayaa helay. waan fikirey, 2 ayaan kadoortay oo aan isleeyahay way kugu haboon yihiin, welina waan shaqeeyaa ilaa mudo 4 sano ah anigoo soo qabtay shaqooyin kala duwan.
    Sikastaba Sufyaanoo haraacin ninka aad lakulantay hadalkiisa ee dadaalka adiguu kuugu xeran yahay balse ogoow hadii mar shaqo bilowdid waxay kuu noqoneysaa tixraac oo kuwa danbe wey fududaanayaan.

    Iskuday inaad cunto waxaad shaqeysatay!!!!!!
    Wabilaahi towfiiq!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  16. maxamed bashiir says:

    waan idin salaamay dhamaan umada soomaaliyeed walaal aniga waxaan dhihilahaa eeda oodhan waxaa leh umada soomaaliyeed ee wadan dadoow tagay hadana aan waxbo qabsaneynin waxaa se kasiidaran kuwa hada kusii socda ee hurdada iyo waxqabsi la aanta kubartay magaalooyinka nairobi adis ababa iyo kampala marka waxaan leeyahay umadyahay waxqabsada ama wadankiina kusoo noqda asagaa ceebtiina idiin qarinayee mahadsanidiin dhamaantiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. Abshir says:

    Marka hore waan idin wada salaamay dhamaan akhristayaasha somaliska.com. Run ahaantii Rayigeyda waxaan u arkaa in aan Anaga qaldan nahay, sababta oo ah Anaga ayaa ah Cunsuruyiin, ama dad isla weyn oo aan danahooda xitaa iskala weyn. Dhexdeenana iskaba daa waa ay kasii daran tahay. Runtii waa in aan la qabsanaa Nolosha wadanka, Caruurteenana aan ku barbaarinaa sidii haddii ay weynaadaan oola qabsan lahaayeen wadankaan Ayagoon diintooda ku xadgudbeynin. Laakiin qof waliba wuxuu leeyahay wadankeena alaha inoo hagaajiyo waa duco fiican oo ilaaheey ha hagaajiyo, Laakiin halkee lagu iloobay wadankaaga inta uu hagaagaayo meeshii aad ku sii sugi laheyd mise isku dhexyaac ayaad ku noolaaneysaa ilaa uu ka hagaagaayo wadanka. waa waxa dib inoo dhigay ee hurdada ama riyada beenta ah ha leyska dhaafo oo dalkaan inta aan joogno waa lagu qasban yahay in aan la jaanqaadno oo aan tusinaa kartideena Soomaalinimo oo aan ka ahayn Qabill iyo fadhi ku dirir.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. Fekere!!! says:

    * Dantu waxay kujirtaa in ilmo ladhalo.
    * Misaajidka laysaga jiro.
    * Swedishka ladhoho waa gaalo iyo kufaar.
    * Cayrta marka lootagayo layska dhigo miskiin.
    * ——-nacayb la abuuro.
    * Kadibna laQaato caruurta.
    Somaliana aysan dhicin nabad gelyo.
    Anigu waxaan oran lahaa sida aad ufekertaan wax halaga bedelo.
    Sidani si maahan ee xal ayaa loobaahanyahay.
    Marakan sheekadu Qabiil mataagna,,,,Qofwalba oo somali ah waa masuul inuu bad baadiyo sharafta dadka -somaliyed.
    * Är du muslim?. Behåll det för dig själv. Gå inte omkring med det.
    * smitta inte andra människor med din religion.
    * Vill du ha respekt?, kämpa med allt. Så får du respekt.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. Max MIO says:

    Waaad salaamantihiin.
    Waxaan joogaa Sweden Laba sano, Lix bilood oo ah intaan training ku jiray maahee inta kale waan shaqaynayay, faan igama aha laakiin waxaan dhibsady Soomaali badan oo ku leh shaqo lama helo, waa been haddaad dadaasho oo lagu arko inay daacad kaa tahay waad helaysaa.
    waxaa kaloo soomaalida ula yaabay iyagoo 20 jaaliyadood oo wax kale sheeganaya haddana wada hoos imanayaa magaca SOOMAALI, maxaa idiin diiday inaad meel ka soo wada jeedsataan ood hal Guddi samaysataan intaad isu timaadaan.
    AAD IYO AAD AYAAN U AYAAN DARANNAHAY HADDAN NAHAY SOOMALI DIBADDA IYO GUDAHABA.
    Allaha idin waafajiyo waddada wanaagsan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. siman says:

    aniga waxan is leyahay somalida aya eeda iskale sa baabto ah somali kalii kuma noola sweden e dadkala aya nagula nool waxan somalida waxan ku waninaya in ey sawirka qaldan naga badalan maxa yelay marka hoora waa in an anaga is afgarano marka ka dhib ayay ubada kale naa afgaran karta walalyal in iska deyno qabil qabilka an jaliyadaha u furanayno wayo qabiil wa kii somali naga keenay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. NASRA says:

    asc dhamaan walaahi illaahay ayaa quraankiisa inoogu sheegay wactasimu bixamdillaahi jamiicaan walaa tafaraquu. ma yeelin ayad dhan iyo kalaamkii allaa ayaan beeninay waxa uurkeena wada jiifta xasid iyo isnaceeb maka walaalo is nacay qayrkay lahaayeen walaalo is jecelbaa qaata matay waxaanu kaliidanaa falastiin oo dhulkoodii yuhuudi qadatay allaahu akabar oo an muslin wada ahayanee ka midaysan oo kalaiya maga falastiin bal anagoo somaali ah isku diin isku luqad hal qowmiyad dhulqaniya leh ma aragtaan dhibaatada burburka nagu dhacay ee an isbadal lahayn 21sano allaahna qoom ma halaago ilaa waxay ayagu gacantooda ku keensadaan mahee burbur iyo dhimasho aan anagu keensanay iyo caro allaa nagu dhacday illaahay kuwiinabaday dhibkaan cadaabta ha ku waariyo aduunkana ha ku dhac dhaco hilibkoodu ayagoo nool amiiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  22. abdullahi says:

    asc aniga fikir ahaanteeyda waxa qaladka ikaleh waa somalida waayo ayiduna isma rabto dadkalane marabaan wayo inaas oo qoomiyadood oo kala duwan aya sweden kunool lamana cusuriyeeyo hadii ceeyr laqaato weeyqaataan lkn weey asturanyihiin oo banaanada mafariistaan sida soomaalida oo kale meelo ay isugu tagaan ayeey leeyihiin ileen waa dad isku xiran anagu lkn iskumaxirnin cudurki aan wadankeena kuheeynay yaan halkaana kuheeynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0