Soomaalida sharci la’aanta ah oo shaqada lagu adkeeyay [Video]

7

Dowlada Sweden ayaa balanqaaday sanadkii 2010 in dadka magangalyo doonka ah loo suurto galin doono in ay shaqeystaan inta ay sugayaan sharciga. Hada ayay cadaatay in Soomaalida qaasatan aysan shaqayn karin maadaama ay jiraan shuruudo aqoonsi oo aysan buuxin karin.

Balanqaadka dowlada oo aad loo shaaciyay loona buunbuuniyay sanadkii 2010 ayaa wasiirka Socdaalka waxa uu warbaahinta ku qoray in dadka magangalyo doonka ah ay maalinta koowaad ee ay Sweden iska dhiibaan ay shaqo raadsan karaan. Balse balanqaadkaas ayaan laga dhabayn qaasatan marka laga hadlayo Soomaalida oo aan midna loo ogolaan in uu shaqeeyo.

Qofka magangalyo doonka ah ayaa Laanta Socdaalka ka dalbanaya ogolaansho loo yaqaan AT-UND oo lagu qorayo kaarka aqoonsiga. Balse Soomaalida ayaa loo diiday ogolaanshahaas maadaama aysan cadeyn aqoonsigooda oo laga doonayo in ay soo bandhigaan Baasaboor. Dadka ka soo jeeda Afghanistan ayaa sidoo kale haysataa dhibaatadaan.

Wasiirka Socdaalka oo ah nin lagu yaqaano qaab daro ayaa markii wax laga waydiiyay arintaan iyo in uusan fulin balan qaadkii sanadkii 2010 ayuu ku jawaabay in “natiijada laga filayay barnaamijkaas uu yahay sidii la doonayay. ”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here