Soomaalida sharciga loo diiday oo ku jahwereersan Sweden

24

Ka dib markii ay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) wax ka badashay aragtideeda ku aadan xaalada amaanka ee Somalia sanadkii 2012 ayaa waxaa soo batay Soomaalida sharciga loo diiday. Qaar badan oo dadkaas ka mid ah ayaa ku sugan nolol adag maadaama aysan wadankii ku noqon karin mustastaqbalna uusan u oolin Sweden.

Warbixin ay idaacada Sweden ka qortay arintaan ayaa lagu soo bandhigay in sanadkii tagay ee 2013 ay tirada Soomaalida sharciga loo diiday afar jibaarantay. Balse booliska ayaa sheegay in ay 15 qof oo keliya qasab ugu celiyeen Somalia halka 300 ay iskood u noqdeen. Booliska ayaa sheegay in ay aad u adagtahay in dadka lagu celiyo Somalia maadaama wasaarada arimaha dibada Sweden ay wali Somalia ku tilmaamto wadanka ugu qatarta badan aduunka.

Sababta kale ee aan dadka loogu celin karo Soomaalia ayay ku tilmaameen in uusan cadayn aqoonsiga Soomaalida isla markaana ay aad u adagtahay in xiriir lala sameeyo hay’adaha dowlada Somalia. Arimahaas ayaa keenay in Soomaali badan ay ku noolyihiin nolol wareer ah maadaama aysan halkaan sharci ka helin, aysan wadan kale oo Yurub ah iska dhiibi karin isla markaana aan qasab loogu celin karo wadankoodii.

Si kastaba ha ahaatee, Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in wali Soomaalida inta badan la siiyo sharciga balse hada ay shaqsi kasta si qoto dheer u qiimeeyaan kiiskiisa halka horay qofka Soomaali ma tahay sharciga lagu siin jiray.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here