Soomaalida Sweden iska dhiibta sharciga waa la siinayaa

7

Maxkmada Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa go’aamisay in Soomaalida ku sugan Sweden ee ka yimaada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya la siinayo sharciga maadaama ay dagaalo ka jiraan qeybahaas.

Qaxootiga Soomaalida ayaa ahaa kuwii ugu badnaa ee sanadkii la soo dhaafay iska dhiibay Sweden ayadoo ay iska dhiibeen 6861 Soomali ah, 92% dadkii is dhiibayay ayaa ogolaansho la siiyay halka inta kale la diiday ama lagu celiyay wadamo ay faro ku lahaayeen.

Maxkamadda ayaa qamiistii go’aamisay in nin Soomaali ah la siiyo deganaanshaha dalka  ka dib markii ay sheegtay in aan lagu celin karin Soomaaliya uusana wax xiriira la lahayn Puntland iyo Somaliland.

Mikael Ribbenvik oo ah La taliyaha xaga sharciga ee Laanta Socdaalka ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in go’aankaan cusub uu wadada furayo Soomaali ku soo firxada Sweden maadaama qarashka iyo wadada ay dheertahay.

Abshir Macow, Uddevalla

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here