Soomaalida Sweden ku dhaqan ayaa si diiran u soo dhaweysay heshiiska ay gaareen xulufada Dowlada Sweden iyo Xisbiga Miljöpartiet. Dadka aadka u soo dhaweeyay arintaas waxaa ka mid ah aqriyataasha Somaliska.com oo si weyn ugu hanqal taagayay in laga qaado shuruuda taasoo hada muuqata in ay guul ku dhowdahay. Gobolka Södermland magaalada Katrineholm ayaa laga dareemaayay damashaad socday shalay ilaa xalay kaasoo ay iskugu marxabeeynayeen dhagaxa laga wareejiyay iyo sida ay ugu faraxsan yihiin iney mar kale dib u helaan fimilladooda. Magaalada Falköping ayaa si weyn looga soo dhaweeyay heshiiskaan, Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiya jaaliyada Soomaalida ayaa idaacada Sweden u sheegay "Qofkasta waa ku faraxsanyahay arintaan, way fiicantahay in dowladu ay ka hadasho arimaha socdaalka, waa biloow wanaagsan". Anders Lindstrom oo ka tirsan waaxda Isdhexgalka ee Falköping ayaa intaas ku daray "Waqti ayay ku xirantahay, waa in isbedel yimaadaa. Sidaan waxay ahayd sanad diidmaduna waa socotaa". Anders ayaa doonaya in go'aan deg deg ah la raaciyo heshiiska la gaaray. Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida Sweden ayaa aad ugu faraxsan in ay furantay wadadii ay ku heli lahaayeen ilmahooda. Waloow heshiiskaan uusan ahayn go'aan la gaaray hadana waxa uu gogasha u xaaraya in go'aan la gaaro marka 30-ka bisha Maarso uu baarlamaanka Sweden ka doodo arimaha Socdaalka. Massago - Katrineholm, Jimcale, SR.se

Soomaalida Sweden oo soo dhaweysay heshiishka Dowlada

Soomaalida Sweden ku dhaqan ayaa si diiran u soo dhaweysay heshiiska ay gaareen xulufada Dowlada Sweden iyo Xisbiga Miljöpartiet. Dadka aadka u soo dhaweeyay arintaas waxaa ka mid ah aqriyataasha Somaliska.com oo si weyn ugu hanqal taagayay in laga qaado shuruuda taasoo hada muuqata in ay guul ku dhowdahay.

Gobolka Södermland magaalada Katrineholm ayaa laga dareemaayay damashaad socday shalay ilaa xalay kaasoo ay iskugu marxabeeynayeen dhagaxa laga wareejiyay iyo sida ay ugu faraxsan yihiin iney mar kale dib u helaan fimilladooda.

Magaalada Falköping ayaa si weyn looga soo dhaweeyay heshiiskaan, Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiya jaaliyada Soomaalida ayaa idaacada Sweden u sheegay “Qofkasta waa ku faraxsanyahay arintaan, way fiicantahay in dowladu ay ka hadasho arimaha socdaalka, waa biloow wanaagsan”.

Anders Lindstrom oo ka tirsan waaxda Isdhexgalka ee Falköping ayaa intaas ku daray “Waqti ayay ku xirantahay, waa in isbedel yimaadaa. Sidaan waxay ahayd sanad diidmaduna waa socotaa”. Anders ayaa doonaya in go’aan deg deg ah la raaciyo heshiiska la gaaray.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida Sweden ayaa aad ugu faraxsan in ay furantay wadadii ay ku heli lahaayeen ilmahooda. Waloow heshiiskaan uusan ahayn go’aan la gaaray hadana waxa uu gogasha u xaaraya in go’aan la gaaro marka 30-ka bisha Maarso uu baarlamaanka Sweden ka doodo arimaha Socdaalka.

Massago – Katrineholm, Jimcale, SR.se

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. Qaasin says:

    Wa sax ila xalay ila manta xita cawa waxan daremaya farxad mar ayan isdhaha armey waxa aad argtay waxkale ahayen markas ayankulabta netka kk wa runtey walhh tas marka ilahow so dadaji arinkan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. C/raxman Mac. Dhere says:

    Asc. Dhamaan Shaqalaha Webka Somaliska. Waa arin farxad weyn u ah dhamaan somalida. Gaar ahaan kuwa kala go’doomay. Waxaan ka baryaynaa in inta kadhiman farxada ilaah nooga soo qaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. kahiye says:

    asc dhamaan waad salamatihin bahad somaliska walalayaal waan ku faraxanay si aad ah qofkasta oo somali ah aya ku faraxay waxan rajenaya i uu si dhab ah uu nogu hirgalo hishiskas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. awes adow says:

    asc,saaxibayal. waan idinsalamayaa dhaman bahda somliska.aadban ugufaraxsanahay heshiiskan ay wada gaareen xisbiyada ka arimiya dalkan sweden waana soo dhaweyneynaa.waxana rejeyneynaa baarlamankuna inuu qaato. isla markaasna uu aqbalo. in,shaalah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. jason says:

    asc
    wa näjs waxan rajenina insha Allahu inay khair ku dhanbeen.
    wanna ku mahadsantihin inta bulshada somalida warbixinada
    u gudbinisin
    tack.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. maryan says:

    waa ilaah mahadiis waana ku waraxsanahay gooaanka iswidhan aay gaartay waana ka fileeynay in iswiidhan aay noo diideeyn ilmo iyo waliid kala maqan swedan waa wadanka ugu wnagsan marka laga hadlayo xuquqda adanaha waana wax aan ugu mahad celineeyno soomalida waay xuntahay hadana lama waxa dhihii karo way xuun tahay oo waa bad marka swedan ha iska sabarto aya lee yahay waa iga fariin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. najma says:

    asc.jimcaale adiga iyo dhamaanta kula wada baarnamijka.waa mahadsan tihiin 100.100 dadaalka aad gasheyn.waxaa kale ilaahey ka barya ino run noga dhigo.ga,aankan ey soo dajisaay dowlada.waxaa kale uu hanbaal jeyna waaliidka.ilmahada.rajada fiicaan ka yeshaay.waxaa kale jiro dad is qabo oo caruurna weli isku lahey.kuwaasna.oo aniga ka midka ahaay.lakiin anagaba rajadeyna ma xumo.ile ga.aanka waa somali oo dhaan.wixii xaqoda uu dagalamayo.ona dacaadnimadoda ayaa run tahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Shiil says:

    Salaan ka dib, wey mahadsan tahay Dowladda Sweden, culeeyska ay naga qaaday, sidoo kale waxaan rajeyneynaa
    in Baarlamaankana uu ansixiyo inshaa Allaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. farax says:

    dhamaan dad waynaha somaliyeed waan salamayaa asc jimcalena aad ayaan usalamayaa anigu malintii waxaan shidaa kamtiyutarkailaa 8jir saan marba wax u eegayo waxaa magaladayada laga ogoladay labo qof markaa waaban farxay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Abukar Amin says:

    waxaan aad ugu farxay hashiiska la gaari doono isku socdaalka familka kala maqan oo ay dhib badan kala kulmeyn xagga immigration sweden,xilliyadan dambe oo sii adkaatay, waxaan jira kuwa ay ka maqanyihiin waalidkooda,xaaskooda,carruurtood oo aad iskku baahanyihiin in ay hal meel kuwada noolaadaan waxaanna jeclnhay in bishan maarso laga gaari doon guul aad u weyn taasi oo farxad balaaran gelin doonto shacabka somaaliyeed ku dhaqan gudaha dalka sweden iyo dibaddeeda waana ugu mahad celineynaa jaaliyadda somaliyeed iyaguna kaalin weyn ay ka qaateyn arritaas]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Mohemd Osman says:

      abukarow waaan kugu raacsanahay ilaahey ha u soo fududeeyo somaalida ku go’doomay oo ay kala maqanyihiin familkooda in laga qaato go’aan deg deg ah si ay isku helaan cidda kala maqan

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. jamal says:

    asc bahda somaliska qorta waad salaaman tihiin,,hawshiinana waad ka soo baxdeen rajaduna si weyn ayey u soo noolaatay mataaneynta qosaska kala maqan ,halaga sii afeefto go,aanka yey san noqon hoo yoo ku dhimo in ay soo raaciyaan qodob aan la xamaari karin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. sihaam says:

    waad salaaman tihiin qorayaasha somaliska.com
    aad iyo aad ayaan ugu farxay heshiiska ey gaaren dowlada iyo xibiga Miljöpartietka waxana illaahay ka bayeynaa inaa dib ula midoowno familkena oo nagala
    qaado sharuudihi adkaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. issa din digfeer says:

    waxan salamayaa dhamna bahda webka somaliska sida ay ugu ololeyen ama aay ugu dadaleen arimaha la xiriira socdalka warbahinta iyo dhaq dhaqaaqyada xaga dowlada swdn iyo ka turjumida luqada iyo sida ay u qanciyan dadkena somaliyeed waxan oran lahaa ale ha idinka siyo ajar
    waxan ku way din lahaa mr jimcale malagayabaa in ay so celiyan bas borkii ay bixinayen 2009kii iyadoo lagu lifaqayo jinsiyadada / dhalashadada/cadeymahaga fadlan side kula tahay arinkas iyo sida ay kula muuqato fadalan jawab?? bye mr digfer

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Abdi abdullahi says:

    Asc dhamaan bahda somaliska salaan kadib dhamaan umada soomaaliyeey waxaa farxad u ah in maanta laga dulqaado culeyski ka heystay xaga socdalka qaxootinimada maadaama ey uma somaliyed ey ku dhibateysan yihiin qurbaha.shirkana waxaan dhikarnaa waa gogol xaarki ugu wanaagsana mudu sadanda oo arinta aheyd. islaanta waxna madiidano waxna ma ogola.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. sharmarke says:

    Masha Allah waye ilahey shartooda hanaga qabto familkenana allah noo ga soo qado waa dad wada warersan mahan swden kaliyah adunka oo dhan ayaa somalida la wada nacay ee waxii noo qer ah ilahey hana wafajiyo,amin amiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. jamal adan says:

    asc somaliska iyo somalida sweden
    aad iyo aad ayaa u salaamntihiin jimcale iyo asxaabtiisa somaliska waxaa n deeqsiiseen wararka aanu u baahanahay ee sweden
    arinkan iminkana waa guul ee inta hadhay ilaah haynooga soo qaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Aisha Abdirahman says:

    Asc dhamaan bahda Somaliska iyo walalaha somaliyed oo dhan. Walaalayaal waa hadal farxadleh somali oo dhana eey ku faraxday arka waxaan ALLAAH kabaryaa in uu intadhiman kheyr inooo dhameeyo famil maka noolaan karee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. mustafa says:

    waaaaaaaaaaaaaaaaaaaw waa farxad u soo hoyatay dadkasta oo ay kamaqanyihiin familkooda ilaahay ayey mahadaas u sugnaatay inshaa alaah ilaahay ayaan ka rajaynaynaa inta kaharsan in uu noo dhamaystiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. cabdirashiid says:

    waa war farxad badan ilahayna waxaan ka baryaynaa in inta dhimana ilaahay nooga soo qaado insha alaah somaliyeey saladaha markad tukataan duceeya oo ilaahay isu dhiiba wax waliba xagasay jirane hana lagu tashado in ubadka markay yimadan akhlaqdooda la ogaado oo loo duceeyo in ilaahay ubad kheyr qaba ka dhigo amiiiiiin amiiiiiiiiiiin alahayow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Abdikafi.... kaafiAto... says:

    Abdirashiid. Aamiin ilaahay wax qeer qaba hakadhigo. Jimcale iyo shaqaalaha Somaliska thanks for the Info.Waa arin aad u soo celisay rajada umada Somaliyeed 30sha qeer allaha ka dhigo… good luck everybody.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0