In kabadan 2000 oo soomaali ah ayaa u guurtay wadanka Ingiriiska sanadadii ugu [caption id="attachment_2043" align="alignright" width="300" caption="Axmed Maxamud iyo reerkiisa oo 10 sano ka hor ka guuray Sweden"][/caption] dambeeyey, Ingiriiskuna wuxuu sii noqonayaa meel Soomaalidu aad u jeceshahay sida uu ku soo bandhay shalay wargeyska Dagens Nyheter war bixin dheer oo uu daabacay. Soomaalida Sweden ka guurtay ayaa badankoodu doorteen in ay dagaan magaalooyinka Birmingham iyo Leicester oo ah magaalooyin soomaalidu aad ugu sii badanayso. Wargayska ayaa sheegay in Soomaali badani ka daaleen shaqo la'aanta ba'an ee Sweden ka taagan, taas oo soomaalida ku dhalisa in ay qorsheeyaan sidii ay mar'un UK ugu guri lahaayeen iyo waliba in ay ku fakaan in ay samaystaan ganacsi u gaar ah. Wargayska oo Soomaali Sweden ka guurtay ku booqday magaalda Leicester ayaa la kulmay Mona Maxamed oo hada ku nool magaaladaas, laakiin 14 sano ku noolayd Sweden. Mona waxay sheegtay in hooyadeed ay shaqo la'aan ahaan jirtay markii ay Sweden ku noolaayeen, laakiin hada ay leedahay dukaan u gaar ah oo la yiraah Safari Shop. Mona oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay hada barato culuumta caafimaadka ayna mar dhow noqon doonto kalkaaliye caafimaad, taas oo u muuqata in ay ku gaartay guusha dhanka moralka ah oo ay gaartay. Soomaalida u hayaantay Leicester ma wada guulaysan oo wali shaqo la'aanta dhalinyarada Soomaalida haystaa aad bay u saraysaa waana si ku dhaw sida ay Sweden ku yihiin sida war bixinta lagu cadeeyey. Ma ahan Ingiriiska oo kali ah meelaha Soomaalidu doorbiday in ay u guuraan ee qaarkood waxay u guuraan meelo Yurub ka baxsan, sida USA iyo Kanada. Saciid Cabdi Cusmaan Uppsala

Soomaalida Sweden waxay higsanayaan UK

In kabadan 2000 oo soomaali ah ayaa u guurtay wadanka Ingiriiska sanadadii ugu

Axmed Maxamud iyo reerkiisa oo 10 sano ka hor ka guuray Sweden

dambeeyey, Ingiriiskuna wuxuu sii noqonayaa meel Soomaalidu aad u jeceshahay sida uu ku soo bandhay shalay wargeyska Dagens Nyheter war bixin dheer oo uu daabacay. Soomaalida Sweden ka guurtay ayaa badankoodu doorteen in ay dagaan magaalooyinka Birmingham iyo Leicester oo ah magaalooyin soomaalidu aad ugu sii badanayso.

Wargayska ayaa sheegay in Soomaali badani ka daaleen shaqo la’aanta ba’an ee Sweden ka taagan, taas oo soomaalida ku dhalisa in ay qorsheeyaan sidii ay mar’un UK ugu guri lahaayeen iyo waliba in ay ku fakaan in ay samaystaan ganacsi u gaar ah.

Wargayska oo Soomaali Sweden ka guurtay ku booqday magaalda Leicester ayaa la kulmay Mona Maxamed oo hada ku nool magaaladaas, laakiin 14 sano ku noolayd Sweden. Mona waxay sheegtay in hooyadeed ay shaqo la’aan ahaan jirtay markii ay Sweden ku noolaayeen, laakiin hada ay leedahay dukaan u gaar ah oo la yiraah Safari Shop.

Mona oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay hada barato culuumta caafimaadka ayna mar dhow noqon doonto kalkaaliye caafimaad, taas oo u muuqata in ay ku gaartay guusha dhanka moralka ah oo ay gaartay.

Soomaalida u hayaantay Leicester ma wada guulaysan oo wali shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaalida haystaa aad bay u saraysaa waana si ku dhaw sida ay Sweden ku yihiin sida war bixinta lagu cadeeyey.

Ma ahan Ingiriiska oo kali ah meelaha Soomaalidu doorbiday in ay u guuraan ee qaarkood waxay u guuraan meelo Yurub ka baxsan, sida USA iyo Kanada.

Saciid Cabdi Cusmaan
Uppsala

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. Massago says:

    Nimaa ladhahay hebel xajkoow u socdaa sanadkaan asoow yiri waatan maaganahay. Waxaa ladhahay hebel jimcaha soo socdo aw guursa rabaa asoow yiri waataan maaganahay.Waxaa la yiri hebel Wasiir aw naqday asaw yiri waatan maaganahay. Muga geediga Uk ah waataan maaganahay ee mug minaan helo medborga goorba leyguma sii arki leheyn Sverige

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. israaaaaaaa says:

    asc wr wbr walal jamcale wan ku salamay walal waxan ku waydiina su.asha ah hadii an ku imaday dacwad xaga walidka ah mawaxan suga shaciga weyn 8 sano o waxan lawada noqonaya dadka kale mise 8 sano ka yar ban ku qadan kara ? walal su,ashaydan sida igu macquulsan iga soo jawab mahadsanid asc wr wbr

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal inta aan la socda, wada kasta oo aad ku soo gashay Sweden haddii aad Soomaali tahay oo aadan cadeyn karin aqoonsigaaga (Warqadaha iyo baasaboorka Soomaliya lama aqoonsana) macnaheeda waxay tahay in aad sugto 8 sano si aad baasaboor ku qaadato. Sidaas waxay ku qorantahay shuruuda qaadashada baasaboorka ee Migrationsverket.se

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Yasin says:

    A.sc dhaman somaliyey gabadha wadata israa hadi an talo ku darsado waxa jirto sharciyo kale o shegaya
    hadi walidkaga ka so horeyen mudo 4 sano ah waxa ku qadaneysa 4 sano ayaga aya la qadaneysa sharcigana wa mid jira janisnka u ah dadka walidintoada keynen wabilahi towfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Saciid says:

    Isla Su’aasha uu walaalka Israa Somaliska soo weydiiyey waxaan weydiine shala migrationsverket-ka,qaybtiisa Uppsala waxayna noo sheegeen in aysan ka jwaabi karin su’aashaas,lakin waxay noo soo jeedsheen in aan la xariir xarunta weyn ee laga maamulo irimaha dhalashada oo ku taala sida ay noo sheegeen magaalada norrköping hadii aanan qaldanayn.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. saciid says:

    Israa wiil baan u hayste, ee haday gabadh tahay ha iga raali ahaato, maadaama aan sidii wiil arinteeda oga faalooday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Ugaaska xaafada says:

    Asc,,
    Ninbaa hada ka hor arkay kuwo ay qaraabo yihin oo madaxa(basada) soo xiirtay,, markaas ayuu ku dhahay xaged u xiirantihin maanta ,, markaas ayey ku dhahen cid meel mahan dagan aan u soconaa oo kaso buneysaneyna,, Ninkii waxa uu ka xumaaday ragan hamigooda sida uu u hooseeyo,, Waxa uuna ku dhahay,,Baso aad bun usoo xiirateen bishaana biyo loo sitaa,,Oo micnaheedu yahay dadka qar ayaa Dayaxa u hayaamay idinkana maanta bun aad ku egtihiin camal,,
    Marka Sweden iyo UK saas ay kala yihin,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Calas yare says:

    Waryaa Sida noo dhaama , anaga hadda ayaan boorkii iska soo jafnay e!!

    Aniga hadda idinla hadlaa wadanka Idwishan ( Sverige ) waxaan joogaa 4 sano oo bilo la’ , sidaa ay tahayna uma liito waxaan ka shaqeeyaa dukaanka magaalada ugu caana ka ah guud ahaan Sverige waana Staydium , marka hala dadaalo akhyaarta . Alle ayaana uga mahad naqaa , dadaalka aw i garadsiiyay waana sii dadaalaa faan kama wado , ee waxaan rabaa in aan Sverige laga dhigin , berin laga kala guuray !!! Ila fahma cml.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. xamdi sweden says:

    Wixii la sheego wax lee ka jiro!
    aan ku fahmee xaaji, meel ee dadkii dhalanka ahaa arbetslöt yihiin goormee invåndra wax lehaayaan , aan ku fahmee
    waa macquul sida adiga oo kale masha Allh, Alle hakuu sii siyaadiyo shaqada aad ku faraxsantahy.
    lkin somalida waxa ee UK ku arkeen ayaaba ka yaabanahay runtii, inaa soo dhadhamiyo miyaa , mise kkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. siyaad says:

    asc walaal jimacale waxan ku waydinaya hadii aad war u haysao qofkii haysata sharciga la yirah GENAVA meeq sano aya lagu qadata dhalashada ma waxa u lamid yahay midka biniadinimada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Calas yare says:

    Waa hubaal in UK naga fiican oo iskama daa Soomaalideenee , dadka Eglandeska ah iyo Svenska iskuma dhigmaan , swedhishkaan waa kuwa iska jilicsan , anagana Soomaalideenii iyagii ayaan la mid noqonay ” hotaybaa loo yiri Deriskaa Diintiisoow ku baraa ,, oo loola jeedo deriskaaga dhaqankiisa wayaad yeelataa . Hada Eglandh maalin walba sanad walba bil walba dadka Diinta Islaamka ayay boqol boqol iyo kuamaan u soo gelayaan Svenskakana waa iska jiifaan , jiifgaarana maahan ee waa dad Xirxiran.

    Anagiina way nagu daarteen waxay qabeen .

    Iskaba daa anagee , Dadka Svenska ah ee Dhakhaatiirta ah , ama aqoontasare leh waxay u shaqo doontaan , Norway , Egland . USA iwm.

    Haddana saas ay tahay ku qabatay iyo tii Allaba waa la qaataa , meeshii mar haddii aan joogno , waa in aan ka muuqano soo midaa la igu raacsana ?

    Mise Cayr , iyo Barnbidrag ayaan sugnaa ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Cals Yare Abuxudayfah says:

    Ku Xamdi SweSom , Swedhish Somalia cml.

    Ukhti , waa sidaa sheegtay waxbaa ka jirta maahan e welibana waa arin waadixa , balse waxaa meesha taal , amaan saacadaan ama bishaan ama sanadkaan UK u soconaa , waa may dabcan , waxaan rabnaa waagaan Warqada , dhalashada qaadano , waagaas Allaha na gaarsiiyee , horta aan hadda bulshadena ka dhex muuqano , hadda ayaanba nahay bulshada dadka ugu liita e , dhanka suuqa shaqada , habdhaqanka , wabarashada iwm .

    Marka jaanta yaan la wada rogin e , hala dadaal cml .

    Mise awalba reer Guuraay ayaan aahyn oo meeshii naq lagu shego ayaan u guuraynaa .~!

    Wallee reer Guuraay waa nahay miyi iyo magaalo , Qurbo iyo Gayigeeniiba sidaas ayaan u guur guurnaa .

    Waa Adoonkii Alle Abuxudayfah .

    Xamdi in aan dhankaa nagu soo cidleeyday ileen halkaanaa baratay ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. israaaaaaaa says:

    wad ku mahadsantahay jawabtada walalkis jimcale .
    yasin adigana sidoo kale walalkis waxan idinka taga salanta islamka asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. xamdi sweden says:

    ku: adoonkii Alle( abuu xudeyfah)
    aad ayaa kuu salaamayaa, dhamaanteena adoomada Alle ayaa wada nahee, runtii arinta UK saameyn weyn ayee nagu yeelatay, iyo hami badan , aniga horta waxaa ku jeclaaday, in ee maalin walba masjid dhistaan, hadane sheekhyadii intooda badan halkaas joogaan kuna sii badanaayaan, aad ayaa u xiiseeyaa, inaa helo meel diinta ku muuqato, dugsi quraan jiro, alxamduLILAH in kastoo quraanka dhameeyay, hadane kama maarmo inaa dugsi quraan marlabaad dhigto, nolosha aya ku xern aqriska quranka intaas kadib
    dhankii weydii su,aalaha idinkuma cedleen runtii, waan soo booqdaa, lkin waxaan la kulmaa dad badan oo su,aalo aan faa,iido bulshada u laheyn keenaya, adigane runtii waan xiiseeyaa ,su,aalahaga iyo muuwduucyadada qiimiga badan walahi, masha Allh tahy
    marka hadii aad adigaba ka muuqan , anigane …… waan joogaa, lkin aniga ma jecli inaa dadka su,aalo u keeno, lkin waxaan jeclahay dadka su,aalaha muhiimka keenaya inaa isku dayo inaa ka jawaabo
    aad ayaa kuu salaamayaa
    dear brother

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. xamdi sweden says:

    runtii dhankaan uma badni waxaan ku ahy 10%
    lkin dhankii hore waxaa ku ahaa90%
    masha Allh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. Ab..Xuday.. Adoonkii Alle says:

    Ukhtikun jeer ayaad mahadsantahay , xaqiiqdii meesha UK sinaba ugama sabro markaan arko dhalinyaro Muslimiin ah oo Diintooda si aan , kahlilaad ahayn ugu dhaqmaa ( waxaan ula jeedaa , dadka Eglandeska ah , ayaan ahayn sida kuwaan Svensson-yaashaan aan la degana , waa dad lama galaana , balse xaga Diintaada wax kugula yaabaa malahan inkastoo dhul gaala yahay haddana waa dad qalbi furan , Xaqqana raadsha , kuwaanse waxay ku caqli yihiin Bataatiska khayr Allaha siiyo , waa dad aan la noolnahay e Allaha hadeeyo maalin walba ayaan u fekeraa u wada fekernaa , sideey Diinta ku gaari lahayd , waase in aan inagu ku dhaqanaa …… oo halkee uga dhaqanaa , waatan xaafadda aan degnaba ay ka qaxayaane ?

    Waa kuwa gabdhaha Xijaaban khayr Allaha siiyo e, Kaarka basaska gadaal isaga dhiibaaye !!!

    ………….
    ………
    ……
    …..
    Shib iska in aan iska dhao ayay ku wacanta , mar haddii aan albaabadaa furo kama soo laabto e.

    Soomaaliduse waa dad wanaagsan , waa dad fur furan , waa dad xoog furan , waana dad aad u maskax furan , una sahlantahay in ay luuqad walba bartaan , …….

    Haddii aan Xmd arintii dhankale kale , xaqiiqdii waan arkay , ayaantaan , waxaa meesha ku soo batay asxaab aan is dhahay meesha ma balameey ku lahaayeen , dabcan , waxaa haboon in wax haddii la sheegaa ay dadka faa iido u lahaadaan , hase yeeshee ukhti xoogaa , waan yara mashquulsana beryaha caadiga ah , fasaxa ayaanse soo gelaa , balse mawduucyo dhawro oo aan isleeya faa iido ayay noo leeyihiin ayaan soo wadaa dhankaagana waa laga sugooooooow …… Mahadsanid walaal Jizaakillaah khayr .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. afjano says:

    hanbalyo habbalyo somaliska waan idiin hambal yenaya waa sxb kin baashiyare oo barnamish yashina aaad u xiseyo mar ka waxaan idiin rajenayaa shaqo wacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. mahdi says:

    aqyaarta waan idin salamy waa mr mahdi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0