“Soomaalidu cayrta Sweden waa rabaan balse dhaqankeeda ma rabaan”

Sidaa waxaa qoray nin Irani ah oo lagu magacaabo Mohamed Omar, isagoo si qoto dheer wax uga qoray dabeecadaha Soomaalida ay uga faa’idaystaan cayrta Sweden. Ninkaan oo ah nin diinta Islaamka ka baxay ayaa mowduuciisa waxa uu ku qoray wargeys ay leeyihiin xisbiga SD , halkaasi oo uu si faahfaahsan wax uga qoray in Muslimiinta Sweden, qaasatan Soomaalidu aysan dooneyn in ay qaataan dhaqanka wadanka balse ay jecelyihiin cayrteeda.

Ninkaan ayaa dhowr tusaale u soo qaatay Soomaalida oo ay ka midyihiin sida ay caruurtooda ugu diraan wadankii hooyo si quraanka loo baro iyo dhaqankooda, iyaga oo aan dooneyn in ay qaataan dhaqanka Sweden. Waxa uu intaasi ku daray in waalidiinta Soomaalidu marka ay sidaa sameeyaan ay cayrta Sweden ku qaataan iyaga oo Somalia jooga. Markii lacagtu dhamaato ayay dib u soo noqdaan, ayuu qoray.

Waxa uu sidoo kale tusaale u soo qaatay in qaar badan ay isku qoraan da’ weyn si ay u qaataan lacagta beeshinka, oo ay Somalia ugu laabtaan isla markaana ay Sweden biilka ka qaataan. Qaar kale ayuu sheegay in ay isku qoraan cuduro iyo in ay cuuryaan yihiin si lacag joogto ah loo siiyo, iyaga oo wadankooda jooga. Dadkaasi ayuu ku sheegay in ay markasta doonayaan in ay cayrta ka qiyaamaan dowlada Sweden, iyagoo ah Muslimiin diinta ku dhagan.

Waxa uu sidoo kale soo qaatay in Muslimiintu ay si joogto ah qaylo dhaan uga muujiyaan in caruurta Muslimiinta ay qaadato dowladu, oo ay si weyn uga soo horjeedaan in loo geeyo qoysaska Swedishka ah ee gaalada ah, kuwaaso uu sheegay in masaajida laga sheego in ay yihiin kuwo caruurta fara-xumeeya ama diinta ka saaraya.

Guud ahaan mowduuca ninkaan oo ku dhisan naceybkiisa ka dhanka ah Muslimiinta, ayaa haddana waxyaabaha qaar ee uu ka qoray Soomaalida ay xaqiiq yihiin, sida in dad caafimaad qaba ay cudur isku qoraan ama ay isweyneeyaan si ay u noqdaan beeshin. Si kastaba ha ahaatee, ninkaan ayaa ah cunsuri weyn oo si joogto ah u cambaareeya Muslimiinta iyo Islaamka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

28 Responses

  1. nuurtomacalin12 @hotmail. com says:

    Ninka waxa uu sheegay waa wax kama jiraa lakiin maxaa waxkasta Soomaalida tusaale logi soo qaraa?

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. saadaq says:

    Jimaacle waa ku mahadsanrahay warka aad noo soo gudbiso laakin qirashada naga reeb waayo adiga wax cadeyn ah uma heesid in dad caafimaad qabo ay cudur isku qoraan ilaa meeqo qof ayaaa tirikoobtay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 2

  3. Madaale says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 5 Thumb down 12

    • jidka says:

      Madaale maxa sax ah ninka qoray sheekada nin diinta ka baxay sidee ayuu wax ku sixi karaa waaba nin wareeersan balse bro dowladahan aduunka waxey baakadka sigaar ku qoreeen in caafimaadka u daran yahay balse warshadii ayaa shaqeyso sow kuma haboona in ceyr leysku caayo hadana la ogol yahay mida kale somalida 30 ama 25 ka hor ayey yrub soo gale ma is weydiisay ka hor ma waxey qaadan jireen ceyr somaliya dhexdeeda

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  4. wiil somaiyeet says:

    Asc waan idin salaamey in mid walba oo rada in uu sweden iska iibiyo uu somali tusaalo u soo qaato waa arin aan somalideda isku keeney. sababto ah ma nihi dad isku duuban war tuulo yar hadii aad tagto qabiil ayey u kala dagan yihiin wey is dacweyna wey is heestan kun jaaliyad ayey lee yihiin. marka xayawaan walba mid walba oo wareerey wax jaahil ah kan diinta ka baxey somali wasaq ah mid cunsuri ah in nagu hadal qabsadaan iyaga qalad kuma lahan ee anaga ayaa is dhigney lax walba mesha is dhigta lagu qalaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 1

  5. hodan says:

    runtii waa wax lala yaabo arimaha halkanka dhacaaya maxay markasta soalida usaamaysaa ninkastoo diinta necebna muxuu uga soo horjeed sadaa muslimiinta runtii sheekadani caydh way ka wayn tahay waa nacaybsho ayku hayaan diinteena macaan subxaana laah kun iyo konton beer U

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. muse says:

    Amiga waxaa dhilahas ninkaan waa min waalan oo cunduri ah ilaah hanaga qabto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Cabdul jabber says:

    Waxaa igu yaab badan dadka dhahayo ninkaan sax waaye. Ninkaan qoraalkiisa anaa arkay. Hadalka wuxuuba ku bilabayaa waagii aan muslimska ahaa. Sidee hadalkiisa sax u noqon karaa nin Allah abuuray ku kufriyay. Sidoo kale ninkaan wuxuu sheegay in nin imaam ah uu dhahay sweden muslimska xor kuma ahan. Madama ilmaha la weydiiyo maxaa xijaabka kuugu qasbay! Ninka hadalkaas xumaan u arko ama in ilmaha diinta la baro. Yaan hadalkiisa la dhihin waa sax

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  8. Buhaisah says:

    Subxanllah kii xun oo diinta ka baxaba muxu somalida gadaal ugu soojeestaaa horta .sweden somalida kuligod sas maha .👎Somalida marku tusaale xun kuso qaadanayo Muu iranka kuso qaato

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. hooyo soomaliyeed says:

    War ninyahay ninkan wuxuu doona ha ku qoro lakin adiga soomaali naceybka ka buuxa allaha ka saaro

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  10. kowthar says:

    Asc walalaha waxan layabay waxa u ku hadlay jimcale o ninka u ku tageeray ninka wax yabaha u qoray wax badan o somalida eey ku amaanantahay ayaa ku jire sida diinta oy jacelyihiin marka aad waxa xun ku raaci maad waxa fiican ku racdiid

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  11. Hassan Kaafi says:

    wax muhiimad ah ma sameyneyso in ninka iyo dad badan oo naceybka somalida ama islamka qaba an cambareyno ama aan ka gubano wayo waxba masoo kordhineyso

    muhiimada waa inan awood ku yelano mesha an jogno ama aan ka dhex muuqano siyasada, shaqoyinka waweyn, iyo meelaha muhiimka bulshada u ah si aan u noqono dad la ixtiraamo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. baashi cade says:

    Nin diintii uu kudhashay badashay waa wax baqtiyay warkiisa miyaaba wax lawad wado dhan waa maya jawaabta somaliada waxa lagu heesto waa islaam toosan shiicokasto kufaarkasta somalida ayay afka kutaagaan taana waxaa ugu wacan sirtaada ayay dadka usheegtaan soomalida ajaanibka sirtakaqarsada waa iga waano

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. shaqaa sharafleh says:

    waa sax hadalkaas ninka iran been muusan sheegin maxaa yeelay soomaali ayaa caado u ah iney yiraahdaan maxaan ushaqeynaayaa waxaaba ujeeda tuugsi casriyeesan tusaale ahaan wadanka ayaan imid markeegyi hore waxaan ahaa ruux shaqo ubartay waligiisna aanan quudan lacag bilaash ah. mid ayaan ku iri ninyahoow meel hebal ayaan shaqo kadalbanaa markaas ayuu yiri dabaal war maxaad ushaqeynee fadhigaaga maad lacag kuqaadatidhhhhhhhh soomaaliyey hadaan kunool nahay sweden shaqadena waa islaqob weynin xan cudur joogta ah an sheegano iyo ilmo lagumar marsiyoodo iyo aaladaha netka lagu fadhi kudiriro waxaasoo dhana waxaa usabab ah dumarka soomaaliyeed ayaa tusaalo noo noqday hadaan nahay raga sweden kunool hhhh inta dhimana adiga kudarso nagukala wada by

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  14. osman says:

    asc sxb jimcaale aan kusaxo ninkaas anaga ayuu wax nagasheegayaa ma ahan adna in aad waxaw sheegaayo dhahdo waa runtiis macnaha waxaan kufahmay nin u rumeynaayo ninkaas warkiisa
    sxb qoraalka iskafiiri ma ahan mid bulshada sharafta badan ee shaqada jecel lagudifaacaayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Sheikh ahmed says:

    Asc ninkaani waxa u geystay soomali malaha ayagaa ayaa isku geysteen umaad hadeey meel yimadan sir ay leyiihin sirtaasi wax kamid ah sida dhacadadan oo kale oo arbkan loo sheeqay waxana usheeqen wana soomali kale

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. Yuusuf Somali says:

    ASC Dhamaan Asxaabta Ramadan kariim war dadkaan iranta ah ha noqoto Naag ama Nin waxay daba dhigteen somalida war shiica baqtisay oo hadana diinta ka baxday warkooda yaan noola buun buunin ilaa & hada swededhesh sax ah somali ma heeto Ajaanib sweden iska yeel ah warkiisa iga daa duliga jimcaale waxa xun ha soo qaadan ignor aar waxa xun kaliya wax waxtar u ah dadka soo qor mise iranta ayaa la shaqeesataa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. USMAN MUHIDIN says:

    saaxib waanku taageri jiray laakin waa run maxaad uleedahay dadka qaar markeey waxa aatahay shegaan waka xanaaqi jiray laakin somali waaka dhalatay hadal irani xun waa run in aa dhahdid waakugu qalad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. Sister says:

    Asalaamu Caleykum!

    Waa aduun iyo xaalkiisa kii hadlaba Somali toosale hau soo qaato.

    Soomali Waa Dad wax qabsada hormarna KU gaara mudo gaaban, meel walba oo ay dagaana Allah KU barakeeyo Hadaad fiiriso North American, UK, Africa iyo Khaleejka waxay u badan yihiin Dad wax bartay Business balaarana sameystay. Wadankaan “Sweden” asaga lagu curyaama oo xita looma ogola qofka inu wax qabsado wax barashadana niyada ayeey dadka ka dilaan oo waxayna dhahaan MA sameyn kartid wey kugu adkaane.. Waxaan oran laha Somalida Wadankena wuu noo hagaagin In Sha Allah one day.

    Ninkaan Baa iiso haray waxaan jaaliyadaha Somali ka codsanaya iney dacweeyaan ayago isku duuban oo isku af ah.
    Nin Diinta Islaamka ka baxay asagaaba Habaaran oo weliba KU jira ciriri Allah baase la Xisaab tamaaya.

    Umada Soomaaliyeedey iska ilaaliya lacag Xaram ah, qof xoog iyo caqli Allah siiyay uma baahna lacag la tuugsanaayo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. isaga waa iiraanees diinta ka baxay cunsuri islaamka neceb ama soomaalida waxba u kordhin mayso see diintiisi uu gatay, balse adiga ayaa calaama su,aal ku saaran tahay saaxiib.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. Hargeysaawi says:

    Niyahaw hotta waad ku mahadsantahay sida aad noogu soo gudbisay eed waaliba isku xilqaantay jimcaalaw lkn nacamlaynta aad nacabka u raxlaynaysid hadaad adigi inagu cadaysid saw danbigu inagu xadaan maayo mida kale kaligii na maaha waa kurdida iyo iiraniyiinta oo dhan badanjkoodu diinta way iskaga tagaan narkaa somalida way la coloob waayo diinteena ayaanu ku adagnahay halkaa kaga haya ku dheh viva Somali pple

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. Somali says:

    WAXAN RABAY INAAN AAMUSO LAKIIN WAXYAABAHA QAARKOOD LAGAMA AAMUSIKARO. NINKAAN IIRAANIGE AH EE SAAS UHADLAAYO WAXAA HABOON IN LAHELO DAD SOMALIYEED OO SAXAAFADA UGU JAWAABO ..WAXAA MUHIIM AH IN LACADEEYO IN IIRAANTA EEY BEEN SHEEGAAN SI SHARCIGE UQAATAAN OO EEY DIINTOODE EEY UGU BAXAN SI BEEN BEEN AH IYAGOO WAX KASTO EEY KABEEN SHEEGAAN. TAN LABAAD WAA IN LACADEEYAA IN SOMAALI DE IYO MUSLIMIINTE KALE EE SUNNADA AHI EEY NACAYB WEYN UQABAAN IYAGOO EEY XATTAA XAASASKII IYO ASXAABTII NABIGEENA EEY CAAYAAYAAN OO XATTAA EEY LACANADAAN ASXAABTII NABIGEENA. WAXAA MUHIIM AH IN LACADEEYO CUQDADA EEY UQABAAN SUNNADA. .. MARKE WAA WAX QURUN AH OO XAASIDIIN AH LAAKIIN SWEDESHKE WAA OGYIHIIN IN QOF DIINTIISE QAYAANAY INUU SAN SHARAFLAHAYN. .MARKE WAA IN LACADEEYAA. .QOFKA IN CARUURTIISA QURAANKA IYO DHAQAN KA BARO XSQBUU ULEEYAHAY. .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  22. Mohamed ahmed says:

    Somali mahaa umad duunida dushiisa uu joogta inaa qatana dhaqan iyo fikira ayaa umada kala leyahiina. Waa umad ku farsaxan waxaay xan barsanyahiin haddi adiga mohamed omer kalsoon waxaad muda dhanaa oo xanbarsanada sweden heeshi kula galina ina umada soomaaliyada ka tagana dhaqanko ee waxaan uu nahaa marti intaa xasiilona heelano haddii aad adigu joogto aduunka dushisa inaada dhaqaan umad kale qaato. Jawaabto koban thanks mudane jimcale xogta aad nala wadagtaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Nor says:

    Asc.

    Cid kasta oo wax ka qorta soomaalida jaceyl lagama taabo in ay oqrto ee nacayb ay u qabaan ayay u qoraan waana sax in soomaalida ay yihiin dad ku dhagan dhaqankooda iyo diintooda , tan kale looma baahna in somaliska uu soo qaato hadalada cadowtimada iyo nacaybka loo haayo soomaalida oo buunbuunis hadalka ninkaas iiraaniga ah marka waxaas oo kale waa la iska ignore gareeyaa ileen waad u jeedaan inuu nacaybkiisa iyo islaam nacaybka uu qabo iyo soomaali nacaybka marka qiima ma lahan in la soo guuriyo waxyaabahaas oo kale laakin waxii wanaagsan ee ummada faaiido ugu jirto inoo soo gudbiya waxii talooyin wanaagsan u soo gudbiya soomaalida ilah ha badbaadiyo islaamka iyo soomaalida meel kasta oo ay joogaan waxaan rajaynaynaa soomaalida in ay si wanaagsan ugu noolaadaan wadanka sweden dadka ay la nool yihiina la dhaqma sida ugu wanaagsan inshalaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  24. Miskiinka buruuj says:

    waxa aan ahay 20 jir somalieed waxa aan aad ugu baahnahay inaan helo warbixin nolosha wadankanka marka yaa igu caawin kara warbixin ku saabsan xagga waxabarashada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Dajiya says:

    Asc,dhamantiin! Walaha somaliyeedow waxa aad is waydii saan ,maxa sanadadan danbe dadka sogaleetiga ah ee kula mida ay inoodaba galayaan waa wax lays waydiiyo oo larabo in ay arintan soo nonogonaysa ay ka hadlan Somalida hadii kale walee waxa aynogon in taa inkabadan oo aflagaado ah in ay imandoonto marka, Aniga waxa ay ila tahay in dacwad kadhan ah lagudliyo waa yo sidan ni waa bahdilaad.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Dajiya says:

    Waxa aan ku waydiin lahaa, miskiinka, maxad doonaysaa in aad ogato ama aad barato

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. Mohamed says:

    Asc dhamaan inta ku hadasha afka somaliga. Horta waa iga su’aal ma is weydiseen muxuu qof walbo somalida ugu soo caan baxaa. Qof walbo waxa uu arkay somalida in ay eheen dad isku xeran oo ayaga cadow isku ah in ay yihiin mid aqligooda wax ka sheego mid dhaha dhaqankooda ayee ku dhegen yihiin hadii aan dhaqankeena ku dheganaani ma mid kale oo aan laheyn ayaa ku dhegnaa anagu waxaa jiro wax yaabo badan oo dhaqankeena naga rebayo waxan dhihi lahaa dad waa dadkana dalan waa dalkaga dhaqana waa dhaqankaga somalida waxan dhihi lahaa aan noqono dad isku duuban oo ka soo jeedo hal meel oo isku moo qaf anagoo is neceb xitaa ha ahaato yeena naga faa’iideysan dadka kale oo xumaantena raadiyaan pls illaahow somlida kasaar qabiilka nacebka iyo xumanta illaahow ka dhig dad is jecel oo isku naxriista oo isku sabra oo dulqaadleh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0