“Soomaalidu iyaga ayaa u baahan in ay isdhexgalaan”

“Somalia waa wadan aan isagu isdhexgalin. Waana sababta ay u dagaalamayaan. Waa sababta ay u jiraan fikradosoomaalida diimeed oo isqilaafsan. Waxaa loo baahanyahy in Soomaalidu ay isdhexgalaan ka dibna ay Swedishka dhexgalaan” sidaas waxaa yiri Ulf Boström oo ah xubin booliska Sweden u qaabilsan isdhexgalka bulshada.

Ulf ayaa hadalkiisa ka jeediyay bandhig lagu qabtay magaalada Borlänge oo looga hadlaayay xaalada Soomaalida ku nool Sweden iyo warbixin guud oo ku saabsan wadanka Somalia. Ninkaan lagu magacaabo Ulf Boström ayaa mudo 35 sano ah ka shaqeynayay Booliska isagoo si weyn wax uga bartay wadamada Muslimiinta iyo diinta Islaamka.

Hadalkiisa aan ku bilaabay mowduucaan ayaa ah mid xaqiiqo weyn ku fadhiya, iyadoo la ogyahay isqabqabsiga dhexyaala Soomaalida meelkasta oo ay joogaan. Iyadoo swedishku ay isku dayayaan in ay abuuraan fursado Soomaalida looga qeybgalin karo bulshada kale ayaysan jirin dadaalo nuucaas la mid ah oo Soomaalida dhexdooda ah.

Shaqsiyaadka Soomaalida ee ku nool Sweden ayaa markii ay  qof qof u wada kulmaan ay yihiin kuwo isku muujinaya jaceyl iyo walaaltinimo balse markii ay kala tagaan ayaa ninkasta qabiilkiisa intuu dabada la galo ayuu xan iyo fidno ku soo ridayaa kan kale. Waxay isku haystaan jaaliyadaha iyo xitaa Masaajida. Haddii la yiraahdo war waa maxay dhibaatada jirta? Ma qabiilbaad isku haysataan? Jawaabta waa laga gaabsanayaa.

Xaqiiqada ayaa ah in Swedishku xitaa na fahmeen. Waxaan noqonay dad wadanka laga nacay, oo loo arko cayayaan dulsaar ah. Oo aan shaqo haysan. Isla markaana aan dhaqan wanaagsan wadanka la imaan. Si aan isaga difaacno cunsuriyada nagula hayo iyo mida nagu soo fool leh waxaa loo baahanyahay in Soomaalidu ay si daacad ah u wada hadlaan, meel isugu yimaadaan ay wada dhistaan dalad ay ku mideysan yihiin.

Markii aan intaas ku guulaysano ayaan dadka kale wax la qeyb san karnaa. Oo aan ummada u bandhigi karnaa midnimadeena iyo sharafteena. Hada wax aan dad la hortagno ma haysano. Haddii kale waxay noqonaysaa in shaqsi kasta uu iskiis isku dabaro, in caruurteena ay ka xishoodaan in ay sheegtaan in ay Soomaali yihiin (taasoo hadaba dhacda).

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

27 Responses

  1. Soomaali says:

    ASC ANIGA OO SHAQSIYAN U HADLAYA MARKA HORE AAD BAAD U MAHADSAN TAHAY QOFKA WARBIXINTAN SOO DIYAARIYEY IYO SIDA AAD ISKUGU AADISAY ERAYADA WANAAGSAN .

    WAXAA II SOO HARAY SOOMAALIYADA : SOOMAALI MAX’EDEEY KAALAYA IDINKOO GUULEYSAN KARA MAXAAD GO’DOON ISKU GELINEYSAA.???????????????????????????????

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  2. omar says:

    tan ugu fiican waa qof walbo inuu is dabaro maxaa yeelay sadax somali wax kuma hishiin karaan hadee ku hishiiyaane siima wadi karaan marka ilaah raxmadiisa aan ka sugeynaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  3. khalid says:

    Waa run

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. Sihaam says:

    MARKII AAN U FIIRSADAY SOOMALIDA USOO GUURTAY YURUB WAXA AY U BADAN YIHIIN DAD AAN A

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. khalid says:

    Soomaali waa cayayaan dunida in laga buufiyo u baahan, waa isugu mid odayasheena iyo habraha. Xanta ayey Qaxwada ku cabaan telefonkana kaba sii daran

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 7

  6. Sihaam says:

    MARKII AAN U FIIRSADAY SOOMAALIDA USOO GUURTAY WADAMAMADAAN GALBEEDKA WAXAY U BADAN YIHIIN DAD AAN AQOON LAHAYN AAN FAHAMSANANYN ADUUNYADA SIDA LOOGA NOOL YAHAY IXTIRAAMKA IYO IS QADARINTA DAD LA DHAQANKA MIDNABA AYSAN WAXBA UGA BILAAWNEEN . TUSAALE AHAAN HADDII DHOWR SOOMAALI AH OO ISKUUL ISLA DHIGATA AMA MEEL KALE ISUGU YIMID LA WAYDIIYO ARRIN SOOMAALIYA IYO SOOOMAALIDA KU SAABSAN QOFKII SUAASHA WAYDIIYAY OO DABCAN AAN SOOMAALI AHAYN OO TAAGAN AYAY ISKU QABSANAYAAN WAA SIDAA IYO MAAHA SIDAA MARKII AY QOF WALBA SIDII AY LA AHYD U SHEEGO WAXAA DHACAYSA INAAN LABA QADARIN WAXA AY SHEEGEEN MAADAAAMA AAN LA HUBIN MIDDA SAXDA AH

    SOOMAALIYEEY IS IXTIRAAMA OO BARTA INAAD IS DHAGEYSATAAN OO AAD IS QADARISAAN

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 0

  7. xuska says:

    ani xalka kaliya jira waxan u arkaa in sidan lo kala jogo swedish iyo somali dad isfahmi kara maba ahan dhanka dinta islanimada wa gaal iyo muslim wa laba arin an marna isquseyn is dhexgal xagu ka imaaan karaa only waxa ficneyd inuu somalida ku burarujiyo inee wax bartan muhim ma ahan swedish in dhaqankisa la qata ama dintisa la qataa only xalka wa in eey taclinta ku dadalan that is xalka i think

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  8. kashka says:

    asc soomaaliwayn salaan kadib aniga hadaan waxyar ku darsado dadka dhahaya somalidu isma fahanto aniga waxaan leeyahay way isfahmi kartaa lkin waa mid qofkaste ha ogaado diinta ianay tahay tan 1 marka xigta qabiil waa laysku gartaa uun maahanee layskuma dilo hadii heer lagu gaaraayana waanu soo dagaalanay hadaanahay somaliwayn ugu dan bayn qabiil kutirso lkin haku fakirin inaad qofkale kunacdo plz

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. NAJIB says:

    Waxey ila muqataa dadka isku sheegayo inay somalida yaqanan inay san waxba ka aqoon somlia iyo somalidaba. Hadii ad diib u racdo tariiqda dunida waxad ogan kartaa somalidu inta ay xuriyada qateen malaha kama badno 50 sano iyo wax la mid ah, hadane markii loo firiyo wadama ama dadka hada manta ka hadlayo somalidu wxaa hubaal ah halki ay jogeen ayaga markay xuriyadooda 50 jir aheed inay manta somalida ka sareyso.. waxa cadeyn u ah an egno tariqda yurub iyo marenkanka. Usa 50 sano kadiib markay xurnimada ka qateen wadanka ingiriska (UK) Waxan ka socday digalkii ugu xumaa oo soo marka wadankas qobol qobol ayay isu digalayeen. mesha europe na intooda badan digaalo talan taal ah oo dhaxdooda ah aya dhax yalay. Marka waxan oran karaa uma xumin dad ahaan iyo dal ahanba ,. Hadii an intaa ka gudbo, inyar waxan oran lahaa dadka noso gudbiyo qoraladan siiba Jimcale wariya nimadu ma ahan in hadal yar laso xigto inbadan oo adiga fikridada ah na lagu darsado. Suxufiga waxa laga rabaa inu bulshada uso gudbiyo warar sugan unaso gudbiyo sida loyiri oo an fah fahin iyo fikrado kale lagu darin ” free follow of facts” lakin inta badan waxan arkaa qoraagan inu fikradiisa ayba ka badan tahay warka uu gudinaayo wana qalad weyn. Hadii uu jimcale doonayo inu noso gudbiyo fikradiisa anigo og inuu xaaq u leyahay inu so gudbiyo lkn ha noqoto mid asaga laga so xigtay noca lo yaqaan .”editorial” sida jornaladaba ay sameyaan . waxa hubaal ah beryahan dambe in xisii somalida ay u heysay webkan ay sii liidato waxad ka daremi kartaa sida loga gabsaday muduc kan cml ah oo aad ay somalidu u daneyso.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  10. Ahmed Hassan says:

    Asc Dhamaan Asaxaabta sharafta leh.

    Horta waa ay Mahadsanyihiin Wariye Jamac , Sihaam iyo Najiib.
    Sister Sihaam Arinka ay ka hadashay waa mid si aad ah ugu badan Soomalida meel kasta oo ay joogaan in ay liidaan ama ay been ka sheegaan sharafta iyo qiimaha uu leeyahay ruuxa Somaaliga ah ama wadankooda ayaga oo ka door bidaya in ay ku murmaan oo ay ku xumeyaan qofba qofka kale ayagoo wax dan ah ka soo galeen. Tusaala ahaan Dalkaan sweden wan ku cusbahay .Masuul u dhashay dalka sweden ayaa noo sharaxaysay ruuxa ku nool swedish xaqa uu u leeyahay sharci ahaan xiliga uu qadanyo Baasaboorka weyn swedish ka mid ahanshaha rasmiga ah marka laga tago kan travel ducomentiga. Waxa uu yiri ruuxii heysta Baasaborka Soomaaliga waxa uu ku helayaa waqti ka yar baasaboorka swedish waqti ruuxa an heysan ee Soomalinimadiisu aysan cadeyn uu helayo Balse Baasaboorka Soomaaliga kama shaqeynayo sweden oo Maqoonsana balse waa ay tixgalinaysaa baasaboorka wixi document ah ee uu heysto. Soomaalidii sharaxdii oo socoto ayey la soo boodeen dood ah wax baasaboor soomaali ah kama shaqeynayo aduunka oo dhan qofka sita iyo kan an sidan waa isku mid. Masuulkii baa yiri waa maxay waxa ad ka hadlaysan Midbaa la soo booday qofka heysta iyo kan an heysan waa isku mid Baasaboorka Soomaalia xaga sharciga Sababtoo ah wax dowlad ah kama jirin Soomaalia ilaa sagaashankii. inta qososhay bay tiri. Ruuxii Baasaboor heysta waa ay cadahay soomalinimdiisa balse u fahan kama shaqeynayo gudaha sweden mana lagu soo gali karo oo ma aqoonsana qof ducomenti heysta iyo ruux an heysan isku mid ma ahan . Mar arimaha noocaas ah waa ay ku badanyihiin Soomalida sida ay sheegtey Sihaam. Soomaaliyey Muranka iyo bahdilka ad isku sameynasaan ma wanaagsan qof kasta aduunka inta uu joogo ayuu ka faa,iideysan karaa mar haduu mooda yimaado war waa dhamaaday laba mitir meeshaad doonto joog ba ka leedahay aduunka laga badin maa reer hebel iyo reer fulaan waqtiga ha iska dhumin. Naftaada , qoyskaga, tan waalidkaaga, Dariskaaga Qarabada ayaa wax laga waydiindoonaa is xisaabi inta an lagu xisaabin . Aduunku waa laba galin Magaranaysi mid aad safar tahay. ee Dariskaaga iyo dadka ad la nooshahay ha ka nabad galaan oo noqo mid wax isku fala dadkana wax u an faca kuwii noqoda Alle ha nagu hanuuniyo Waa ku mahadsantihiin aqristan qoraalkaan dheeer!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Wadani daalay says:

    Sida muuqato soomalida waxay ku fiicantahay in la gumaysto oo xukun gumaysi ah lagu maamulo ama si naxariisdarro ah loo xukumo waayo waxa wanaagga la yiraahdo soomalidu waxbo kuma laha mana xishooto soomalida, asal ahaanna soomaalidu waa dad aan la aqoon meesha ay ka soo jeeddo, sidaas marka aan leeyahay aniguba soomaali baan ahay waana jeclahay soomalinimadayda laakiin waxaan ka taaganahay quus iyo niyad jab markaan muddu baarayey habdhaqanka soomaalida waxaa ii soo baxay in ay habboontahay in gumaysigii dib loogu celiya, waxaad ogaataan soomaaliyeey markaan sidaas leeyahay bal dalkeenni dib u fiiriya waxa ka taagan waxaa uu u sii kala jajabayaa gobollo, madaxdii dalka isma rabto ismana arki karaan, qaar waxay sheegteen dawlada ama ay soomaliya ka go,een, kuwii qurbaha joogay waa kuwaan oo sidaad arkaysaan ayaa sanka looga qabsaday oo loo nacay iyagiina isma rabaan, hadaba si aan dib isugu jeclaanno sow ma habboona in uu naqabsado gumaysi madaxa naga garaaco oo xabsi iyo gunnimo na bado, markaas waxaa noo soo bixi doon wiilashii SYL oo kale oo dib ayaan xornimo u raadin doonna waana midoobi doonna markaa arano gunimada waxa ay tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  12. amin mahamed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wa run ceeeeeeeeeeeb weyna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. qawdhan says:

    qofku haduu is duleeyo duli ayuu noqdaa, aadbaan uga xumay dadkii warbixinaha laga sugayay inay so qoraan warbixintaan xataa anay ku hadleen cunsuriyiintu jimcaale hadad tahay adigu cayayaan dul saar ku ah dalkan somalidu mahan cayayaan hadaladaadana u fiirso, wax wanagsan sheeg ayaad isleeday lkin sorry adaaba somalida duleenaya,

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  14. hana says:

    asc
    waxad kaaah hadashay runta iyo xaqiqada iyo marxalada aaan ku suganahay
    waaa ruuun soomali markey iyadu wax noqoto ayeey dadku ciseeeyn waaa waxan darmeey sharaf laaanta nagah heysa wadamdaan aan ku nolnahay waaa laaaah ogyahay waxkasta aaan nahay ismaa amino waaa is necebnahay waxan kaah shekeynaa waxaan danteena aheyn waxan ku mashqulsanahay inaah ceeebteeena keena xuun waan ceyriin waan xamanaah maah oran jinsiyadena baah xuun lkn qooowm aad ulitah baaah nahay marka runta lagah hadlo ceeeeb waxa noogu filan intah dadku nagaah amisannyahiin waaa ruuun soomalidu waa cayaaayan duulsaar jecel qaxotigah iyo ceyrta kamah fakaraan meel dheer shilimadka ay heleyaan beey sisten sharaftoodi mahaa dad isku naxaa waa daad hooosta isagah wada xasidaah cudur aan dawo laheyn baah labta kaah wada hayaa dhamantood

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  15. Abdi says:

    Waad salaamantihin dhahaam asxaabta Soomaaliyeed. Runtii waxa looga bixi karaa arintan aadka noo saameysay aan isleeyahay labo sheey in Ilaah loo labto dhambi dhaaf la weydiisto, tan labaad in wax la barto. Labaatan sano ayuu wadanka burbursanyahay, aqoon bulshadeedka ayaan aad ugu liidana iyo aqoon xageet oo dhan. Marka tan ayaa asaas u noqotay inaan is fahmin, is xishmeen, isu naxriisin, kaliyo aan is dhulmino xal u aragnay. Fadlan Soomaaliyeey waxan naftey iyo idinkabo idiin sheegayaa inaad Ilaahey ka cabsano. Tan kalene dadkaan wadankood nagu marti galiyayne ka codsano in ay aqoonta nagu kaalmeyaan. Daawadeyno waa inaan wax baranaa. Waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. axmed naruuro says:

    waa idin salaamay bahda somaliska aad baan ugu xumahay dadka qaarkii ee wax ku qora bogaan sida midka dhahaayey waa cayayaan soomalida aad baan ugu xumahay nin dadkiisa caynaaya iyo dalkiisa aad baau ugu xumahay koley hadii aad cayayaan aad ku sheegtay soomaali adigan a1 ayaad ka tahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. abti risaq says:

    asc aqyaarta jecel somalinimada run ahanti ad waxaan u ku xumahay in somalida la aflagadeeyo waayo somalida wa dad wanagsan in kasto khaar xun eyjiraan hadana aduunka wan ka wada simanahay taas dad xun iyo dad fiican ba wey ka jiraan aduunka mida kale waxaan dheernahay wadamada muslimka ah boqkiba boqol in anu nahay dad muslim ah marka waxaan idiin sheeg dad aqoonta ama diinta yaqaan in ey dad u faideyaan asxaabta sababto ah anaga waxaan lenahay jahil iyo taclin noc walba leh marka yana mel logadhicin somalinimada mida kale ma wanagsana qof in u caayo jinsiyadisa iyo walalihisa qofka dadkisa iyo jinsiyadisa cayna maxad u ku yeri laheeden aqyaarta ishaaga ama laku tilmami gara qofkas nocas ah asxaabta ? ok waxaan idinka tagay inti alle taqaan in ey janada ksha inta kalana alle sohanuuniya amiin amiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. mubaarak says:

    soomaalida marka mediyaha wax laga weydiiyo qofkasta wanag ayey kahadashaa lkn waa run sida lashegayo markay kalatagaan ayey gadaal iska xantaan war hadaa toosantahay dadkaad utagto wanaaga usheeg oo qabiilkaada kabilaaw in aad wax ushegto aduunka koox koox ayaa wax leskugu sheegaa RASUULKA C S W wuxuu nadhahay 4 qof oo MUSLIMIIN ah hadad meel iskugu imadaan oo ALLE xusin umadeyda maka mid ahan walaalayaal hadaan soomali nahay waxaa nagamaqan dhaqanka wanaagsan oo lahan jirnay ee aan ALLE unoqono oo yaan is xamanin oo xumaan aan leheen yaan isku yeelin nin nin kafiican majiro lkn anagaa is fitneyneeno ee danteena aan ka fekerno waa mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Maandeeq says:

    H

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Maandeeq says:

    Horta waxaan Odin weeydioyaya aqayaareey markastaa S

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. ciilmoge says:

    ASC,NASIIBDARO WAATANOO KALE, ALLOW NOO GARGAAR!!!!

    (SOMALIDU WAXAY KU MAAH MAAHDAA GEEL NIN KIIILAHAA DHACAYO YAA SOO DHICIN)

    WAA SU’AL DAWEYNE HADAAN IS DULEYNO YAAA NADIFAACI HADAAN IS DULAYNO NADAR

    WALALKEY JIMCAALE WALOW WAANA YAR IGA HOO!!!!!!!!! WALOW AAD NIN WANAAGSAN TAHAY UMADA SOMALIYEEDNA WAX WAYN AAD UQABATO ADIGOO DHALIN YAR MARAGNA AAN KA AHAY IN AY SOMALINIMADU KUGU WEYN TAHAY OO AAD WANAAG LAJECESHAHAY

    BALSE LABO YAYNA ISKAGA KAA DHEX QALDAMIN

    1 TURJUMADA HADAL QOF YIRI AMA GURUUB
    2 ARAGTIDA ADIGU AAD LEEDAHAY

    WAA LABO KALA FOG XEERKA SOXUFIGANA SIWEYN AYAY UGU QEEXAN YIHIIN QODABKIISA………RAADI

    MARAR BADAN AYAAY DHACDAY IN AAD SOO TUR JUNTAY QORAALO LOO BADAN OO LOO BAHAN YAHAY BALSE MEESHII JAWAAB ADIGA IYO INTA KULA MIDKA AH AY KA JAWAABI LAHAAYEEN QORALADA NALAGU LIDAYO AYAAD ADIGU

    CADHODA SOMALIDA AAD UQABTO KALA DAADSANANTEEDA KULA SIIDHACDAA

    WAAN KU FAHMI KARAA KAAMA AHA SOMALI NACAYB OO SOMALIDA BARAARUJI AYAAD LEEDAHAY BALSE SIDAN MAAHA SIDA LAYSKU MARAARU JIYAA MA WAX LAYSUGU SHEEGAA,

    AKHRISTAYAAL HAL AAN IDIN IRAAHDO SOMALIBAAN NAHAY DAD ISLAMA AYAAN NAHAY EHELU CILMI AYAAN UBADANAHAY DIINI IYO MADI MIDKAY DONTABA HANOQOTEE

    CISI IYO SHARAF ALLE WEYNE AYAY USUG NAATAY
    KUU DONO ASAGA AYAA CISEEYA KUU DOONANA ASAGA AYAA DULEEYA

    ADOOMADIISU SIDEY WAX UGA DALBADAAN AYUU UKALA SIIYAA QURAANKA KARIIM KA AHNA WUXUU NAGU YARI ALLE ARLADA ISKUGU NAXARIISTA SAMDA AAN IDIINKA NAXARIISTEE
    ALLE WAA NOO NAXARIISANAYAA EE AAN ISKU NASTEEXAYNO ISKA QABANO KEENA QALDAN

    SOMALINIMADUNA WAA NASABADEENA EE NASABADEENA AAN DIFAACANO OO AAN KU DIFAACANO SHARAF IYO WANAAG CIDNA NAGAMA SARAYSO ALLE MOOYEE DAD ISLAMA OO DHAQAN WANAGSAN AYAAN NAHAY WAXAYAREE NAGA QALDANA WAA ISKA JIRAAN EE AAN ISA SAXNO MAQALDAME WAA ALLE

    HALAAYGA RAALI NOQDO HADAAN GAFAY

    WABILAAHI TAWFIIQ

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. ciilmoge says:

    DHAALIN YAROOY TARIIKHDA DIB HALOO EEGO QOO MIYAD WALBAABA WAXAY LEEDAHAY TARIIKH SOOJIRAANE OO LAGU AQOONSADO

    SOMALILDU WAXAY KUJIRTAA QOOMIYADAHA ADUUNKA UGU TARIIKHDA WANAAGSAN OO KUDAYASHO MUDAN
    WAXAAN LEENAHAY DHAQAN WANAAGSAN OO BADI KU SALAYSAN DIINTEENA ISLAAMKA IYO AKHLAAQ FIICAN

    DUUL DUULKA NASOO GAARAYNA WAA 20YEARSKAN DAMBE

    WAANA DHAMAATAY QOLO IYO QABYALADII, NAGU FILIN WAXAAN KA BARANAY 21KIISANO

    BALANTEENU WAA
    WAA IN AAN SINJIYADEENA DIFAACANAA KUNA FANAA SOMALINABADA IYO ISLANIMADA

    WABILAHI TAWFIIQ

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. baaruud says:

    asc dhaman waan idin salaamay marka aan dib u eego sida uu u hadlay ninka swedhishka ah waa sida aan u fikirayey ciladaha dadka somali haysta anoo degen meel ka fog sweden anigoo oo og fikirkeygan dadka qaarkii in aysan igu ixtiraameyn oo si kale oo dani iyo camul shaydaan ay u fikirayaan taas oo ah dadka qaarkii ayaan wax fiican sameynin dadka kalena sidaas ayey u haystwaakuaan waxa ay la dhex joogaan dadka soomalida cibaado iyo qabyaalda oo ay wax xun ku sheegayaan isla markaana kuwa noocaa ah waa kuwa oogu daran kuwa aan is leeyaoahay way dhaamaan waa kuwa afka ka shega ee aan qarin ee shaaha wada caba waxayna aqoon dheeri ah u leeyihiin wixii dhacay waxase ka wanaagsan oo sidii la dooneyey aakhiro iyo aduunba ah in laga tago isku xumynteeda iyo ugu tashigeeda laguna daro hadii la doono hayb la isku garto si qofkaas hadii wax ku dhacaan aad cv u hayso ama aad meel uun iska soo gashaan oo khayer soo kordho waxa ka mida inaad isku arday ahaan jirteen waxa ka mida inaad abti u tahay oo aanad ogeyn waxa dhici karta in saaxiibkaa dhalay ,mida kale jimcaale ninka wax ka shegaya wax keen adigu oo dadka caawi ama afkaaga hayso ama somaliska ka tag nabadeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. fahmi says:

    asc mawduucan waa mid loo baahnaa in la soo ban dhigo imika waxaynu si sax ah u ogaanay waxa la ianagu nacay waa ianaynu isa saxnaa hadii aynu nahay soomaali dad wanaag san way inagu jiraan laakiin wixii inaga khaldana ilaahay iyaa inoo hagaajin doona waase in la kala gartaa munaafaqa iyo muslimka dhabta ah qofka cumaanta ku mashquula waa munaafaqa ilaahay ha ianaga fageeyee ilaahay baa mahad leh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Fartuun says:

    asc aniga fikrad ahaan wexey ila tahay in diinteena iyo in dhaqankeena wanagsanbo qabo dariska in la ixtiraamo, qofki kusoo dhaweeyana gaal iyo muslim la qadariyo.nabigena CSW markii ahlu( Daa if )soo bursaden muxuu sameeye? waa nabi dhan oo ducadisa soo naqasho lehen wuu uduceeye in ilmahooda ilahey kuwa diinta ugargaara ka dhigo. soomaalina iyagoo lasoo dhaweeyee san udhaqmayan. so soomaali dhaxdeeda maxa kala heysta dhaqan iyo diin midna maheystaan meelwalbana war ay lataaganyihiin iyo qabyaalad intasna waxa kenay aqoon la aan cuz mamoyinka inay wax lee dhalaan oo xataa ninkeda marku ugalmonaya ducada galmada aqoon waa wax qasaara ah ilmehe dhashana alif u aqrin karin waa wax laga xumaado sorry illaah hatoosiyo soomaali.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. CEYRTA AYAA ISKU DIRTAY DADKA says:

    waxay ila tahay ama ay tahayba waxaa lag hadlayo waa waxanan gaarin wali umana bislin tusaale yar dadka swedash ah ayagaa cusri ah markaad la raacdo buska xataa kula fariisan mayaan lkn fiiri wadamada gumaysiga soo maray sida ingiriiska iyo franca waxkasta waa lagaa yaqaan kuwaaas maa laga sheego waxa laga sheego kuwaan somalida maraykanka ku nool fiiri sow soomali maaha waa shaqaystaan waa abaabulan yihiin maalin walba waa la booqdaa madaxda dawlada iyo cidii danaynaysa waa dad isku xiaran qabiilkana maalin uun waa layska deynaa lkn hada uma bislin halkaan in sidaan lagu ahaado waxaaa kalifaya waa shaqa la,aanta iyo ceyrta la cuno oo xaaran aha kuligeed barakada daran ayaa isku kaaya dirtay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. will I am says:

    Salam aleykum , waxan ku taalin laha inay Somaalidu afka Dalka laka hadlayo ey baraato ,waxan maalin ku arkay chattka websitekaani u leeyahay arin an laayabay . Sweidish ayn u qooray o isku daayey ina kula shegeesto waxa iku jaawabeen Somali qoor ama naga aamus ,anigo runti yaaban ayan weydiyay suashan .Maa rabtiin miya ina Svenska språket baraatin miya ? waxa layku jawaabay anagu Somaali ayn nunuhay marka somaaliga ayn rabna ama anigo Soomaali qoraya maxan ku falaya swedishka. Runti wan isku daayey inan u caqli celiyo anigo xaadis u shegaya lee luqaadaha ummada la joogtin barta waayo sharkooda aya ka badhbadisin , Taasina waxay ku turjumisa inay soomaalidu luuqad ku filan aan heysan o isku difacdo ama waxyabaha lakushegaayo ee fosha xun iskaka difaacdo. waxan kaale aan ku argay anigo badhitaan ku samenaya heerka ay ka qaatan walidinta Somaalidu wax barashada ciyalkoda waxa i iftimtay inay aad u hooseeso .waayo waalidki ilmaha ma weydiyo maanta maxa lektion ama caashar so qaadatay waxan kaale o waayey guri soamaaliyeed o u yaalo miis iyo kursi ilmahu wax ku digto. Annars skulle jag säga haa la iska dhafo canaanta badhan ee aad isku qoorisin oo alaka faakiro sidhi xaal arintan looku heeli laha ….. Tack 🙂

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0