“Soomaalidu waa jiir ee nolosha ha lagu gubo”

17

Hadalkaasi dartiis waxaa lagu maxkamadaynayaa haweenay Swedish 67-sano jir ah oo bogga Facebook ku qortay hadalo naceyb badan xambaarsan oo ka dhan ah Soomaalida. Haweeneydaan oo ka tirsan meel lagu sheekaysto taasi oo looga hadlaayay sida dadku u arkaan Soomaalida.

Waxay sheegtay in ay xubin ka tahay xisbiga SD isla markaana ay aad u necebtahay Soomaalida. Iyadoo hadalkeeda ku dartay in Soomaalidu ay yihiin sida jiirka oo loo baahanyahay in nolosha lagu gubo. Gabar lagu magacaabo Charlotte Kitti Sjölin oo xubin ka ahayd goobta lagu sheegaysto ayaa hadalkaasi ka xumaatay iyadoo sawiro ka qaaday qoraalka haweeneyda, ka dibna booliska u gudbisay.

Hal-sano ka dib ayaa boolisku hadda maxkamad saarayaan haweeneydaan oo wali ku adkaysanaysa in ay aad u necebtahay Soomaalida. Labo qof oo kale ee ka qeyb qaatay qoraalka ayaa soo qoray in Soomaalidu ay yihiin kuwo aan caqli fiicnayn isla markaana aan shaqaysan.

Mubarik Abdirahman oo ka tirsan siyaasiyiinta magaalada Malmö ayaa wargeyska Sydsvenskan wax ka weydiiyay in uu jawaab ka bixiyo hadalka haweeneydaan, isagoo wargeyska u sheegay in  maanta Soomaalida iyo Romada la saaranyahay balse barito kooxaha xagjirka ah ay qowmiyado kale baacsan doonaan. Waxa uu ka digay in gumaadkii ka dhacay Rwanda uu ku bilowday erayo sida dad ha lagu gubo oo aysan fogeyn in Sweden 2016 ay ka dhici doonto in dadka la gubo.

67-sano-jir-Soomaalida-neceb

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here