“Soomaalidu waa qowmiyad ka faqooqan Sweden”

6

Cilmi baaris ay sameeyeen quburo ka tirsan jaamacada Uppsala oo lagu qoray wargeyska caanka ah ee DN ayaa lagu soo bandhigay dhibaatada isdhexgalka ee ka taagan Sweden, taasoo qaasatan looga dhawaajiyay in soo galootiga ka yimid Somalia ay yihiin kuwo si muuqda uga faqooqan qowmiyadaha kale ku nool Sweden.

Cilmi baarista oo lagu eegay guud ahaan isdhexgalka iyo heer nololeedka dadka ku nool Stockholm, ayaa lagu muujiyay in  guud ahaan magaaladu ay tahay mid dadka ku nool ay kala faqooqanyihiin oo kuwo taajiriiyinta ah ay wada noolyihiin, halka kuwa faqiirka ah ay gooni u nool yihiin. Caruurta taajiriinta ah ayaa la ciyaara kuwa taajiriinta, iyaga oo aan wax xiriir ah lala hayn kuwa faqiirka ah.

Warbixinta ayaa qaasatan muujisay sida soo galootiga ku nool Stockholm ay uga faqooqanyihiin qeybaha kale, iyagoo si gooni ah u wada dega, qaasatan xaafadaha Rinkeby, Kista, Skärholmen. Qorayaasha ayaa qaasatan farta ku fiiqay Soomaalida oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo si gooni ah u faqooqan.

Qorayaasha ayaa ka digay in haddii xaalada isdhexgalka ee wadanka ay sidaan ku sii socota in ay keeni doonto waxbarasho liidata, faqiirnimo iyo shaqo la’aan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here