Stefan Löfven: Israel xaq ayay u leedahay in ay isdifaacdo

Gudoomiyaha xisbga Socialdemokraterna (S) oo ay sida weyn u taageeraan Soomaalida iyo Muslimiinta ku dhaqan Sweden ayaa eeda xasuuqa ka socda Gaza dusha ka saaray ururka Hamas. Fariin uu ku qoray boggiisa Facebook ayuu Stefan Löfven sheegay in Israel ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo.

Löfven ayaa Facebook ku qoray “Hada waxaa dhintay boqolaal falastiin ah, 700 madfac ayaa lagu tuuray Israel. Hamas ayay saarantahay masuuliyada in ay joojiyaan tuurida madaafiicda. Xaalada kacsan ka dib afduubkii dhalinyarada reer Israel waa in la joojiyaa. Israel waa in ay xushmaysaa sharciga caalamiga ah laakiin xaq ayay u leedahay in ay isdifaacdo. Waa arin laga xumaado in xaaladu ay sii kacayso. shacabka ayaa dhibaataysan. Dilka, kumaysiga iyo dagaalka waa in la joojiyaa. Qaybaha kala duwan ayaa masuuliyada iska leh” 

Arinta cajiibka ayaa ah in Löfven uu ku hadlayo sida afka Maraykanka isagoo halkii uu ka cambaareyn lahaa xasuuqa Falastiiniyiinta eeda dusha ka saaray iyaga, oo lagu garaacayo madaafiicda. In Hamas ay aduubatay 3-da dhalinyarada Israel ee maydkooda laga helay Daanta galbeed ayaan ahayn xitaa mid la cadeeyay.

Mubarak Abdirahman oo ka mid ah xildhibaanada Soomaalida ee xisbiga mubarikSocialdemokraterna ugu sharaxan doorashada baarlamaanka Sweden oo aan waydiiyay in uu jawaab ka bixiyo hadalka gudoomiyaha xisbigiisa ayaa hadalka ku soo koobay in ay “nacasnimo” tahay. Isagoo sheegay in Israel keliya ay leedahay masuuliyada. Isagoo intaas ku daray in siyaasada xisbiga Socialdemokraterna (S) ay tahay mid iska cad oo aan ku dhisnayn fariin lagu qoray Facebook.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Aden Mohamed says:

    Asc Jamcale. Waxa kaliiya ee aan Steven Löfen ooga aarsan karno waa codkeena. Hadii aan nahay bulsho isku duuban oo ismaqasho waxaan awood u yeelan lahayn in aan dowlada kula doodno sababta dadka Somalida ah ay dhalashada u sugaan 8 sano.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 0

  2. xussen says:

    asc jimcaale mida ah Steven Löfen hadalada oow ku hadlay dabcan waa fikirkiisa
    iyo ina oow diyaarsanayo baal cusub oo siyaayadeed oow ka helo isra el iyo mareykanka waalabada wadan ku halo hadalkas waa aragtideeyga Steven Löfen maadaama laga yaabo ina loodoorto reysal wasaro swedan marka kuleey waa kafikiryay markow dha haay hadalkaas dadka taageero kusiiyo iyo dadka kasoo huryeesto hadalkaas
    masa fiicno inlataageero dadka dhameeynayo caroorta iyo dadka rayadyaa . bilaa micno caroorta iyo dadka rayadkaa ayika hum baheestaan . laakin waxan umaleeynaya ina eey na iskaga mid aheen hadalkaas dhamaan masuuliyiinta xisbiga . tani waa aragtideeyda .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Yassin Abdullahi Göteborg says:

    S waxa ay wado waa iscaan bixin iyo kursi hel. Löven iyo Mubaarakba danahooda ayey fiirsanayaan, laakiin dadka loo qayilay waa inaga codka siineyna. Kuwa u codeeya waa kuwo qabiil iyo garasho ku siinaayo balse dadka aqoonta leh cod kama helaayaan. Waad mahadsan tahay Jimcaale maqaalka aad inoo soo gudbisay. Xayiraad saara qalabja iyo raashinka Israil aduunka maanta waa dhaqaale. mcDonald waxaa leh Israel hadaad caruurta ka ceshataan wey haboomaan lahayd.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  4. mahammed says:

    asx wsm marka hure illaaheey dhibka haka qaado caroorta iyo dadka rayadkaa oo lago haayo dhimaatada waxii dhintane allaha onaxariisto …. mida ah hadalka Stefan Löfven
    hadalkaasi waxa oow karabaa soo jiidasho mareykan iyo israil mida ubaahan inlafahmaahi waamaxay? swedan iyo mareykan xariir fiican oo siyaasadeed ayaaka dhaxeeyo waxana kadhaxeeyo arima badan marka Stefan Löfven waxa oow ku qasbanaay ayeey aheed maadaama swedhan eey laleedahay calaaqaad badan mareeykanka 1 mida kalabaad xisbigaan iyo ninkaani maadaama eey kusoobixirabaan hogaaminta swedhan waxa oow isla barbar dhigay hadalkaan faa idada iyo qasaaraha oow keeyni karo waxa mahada badnaatay faa idada .marka hadeey daa idada eey badato waa ina oow ku hadlaa aragtida mareykanka oo kalaa. marka kuleey sidaas ayeey iila muuqadaa kuleeyne waa laweeydiin doonaa ujeedaha oow kawatay hadalkaas ina oow soo dhaweeyo caroor iyo dad rayad ah oon hubheeysan ina ladoqeeyo taasi waa mid bili aadan nimada kabaxsan . laakin waa arima siyaasaded.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Ali Adam says:

    WARKU WAA ISKA CAD YAHAY STEFAN LÖVEN WAA MADAXA XISBIGA SOCIAL-KA MADAX MEEL KA SARREYSO OO LA SAXAANA MA JIRTO. SIDAAS DARTEED WIXII UU KU HADLAAHI WAA SIYAASADDA UU URURKIISA KU HOGGAAMINAYO. XISBIGANI WAA XISBI LA HARAY OO LUG GOOYEY DADKA AJNABIGA AH DHAMMAANTOOD, GAAR AHAAN DADKA MUSLIMIINTA AH, WAXA UU HADDA SHEEGAY KASOKOW SIYAASADDA URURKANI WAXAA KA MID AH IN QOF MUSLIM AH UUSAN MARNA KA MID NOQON HOGGAAMIYAASHA IYO XUBNAHA BAARLAAMAANKA EE URURKA SOCIALKA TAASINA WAA NID DUSTUURKIISA KU QORAN WAXAANA CADDEYN UGU FILAN QOFKII AAN HORE USII OGEYN IN AY HOR ISTAAGEEN DHAMMAAN XUBNAHA IYO MADAXDA URURKANI IN UU MAAMULKA MAGAALADA STOCKHOLM KUSOO BIIRO CUMAR MUSTAFA OO AHAA AQOON YAHAN DHALLINYARO AH MADAXNA KA AHAA URURKA ISUTAGGA ISLAAMKA SWDEDEN WAXAYNA KU QASBEEN IN UU ISCASILO SABABTOO AH INUU MUSLIM DHAB AH YAHAY.
    TUSAALE KALE SOOMAALIDA IYO MUSLIMIINTA KALEBA WAXAY KASOO XUSHAAN XUBNO AMA DAD AAN DIIN IYO DAMQASHO MIDNA LAHEYN OO LID KU AH UMMADDA ISLAAMKA IYO SHAREECADOODA.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. guessi says:

    waa STEFAN LÖVEN IYO araagtidisa waxa aan ku qoslay hadal kisa ah
    “Dilka, kumaysiga iyo dagaalka waa in la joojiyaa.”
    markaa mister Löven daad aad ogtahay oo lagu masanayo wakhtigaan 2014 oo dhamaan waxa xuquq insaanka kaa baxsaan lagu hayo waxa horyaal laba dorasho amba iin ay is dhibaan oo kumaysigu ku socdo iyo iin ay isdi facaan oo ay resistancia ay noqdaan – Resistancia walba waligeed waxa ay ahayn nuuc jabhad ah sidi kuwi so maray yurub iyo isticmalki nazismiga aha minoyiin iyo wax walba waa ay sameyn jireen waxan ay ahayen daad ixtiran mudaan ila hada marka aad eegto historiga yurub
    Hamas waa daad dorasho ku yimid xilka oo shaacabiga qaza ay u dorteen
    mida labaad qaladka oo lasaro hamas waa ay dhib yartay
    falestine waax diyaraad ah malaha -israel waa 300
    falestine gadid ka kashamaysan waa 0 -israel 3500
    falestine hubka culculus waa 0 – israel waa iin ka badaan 10 000
    falestine marakib waa 0 -israel waa iin kabadaan boqolaal
    waax ay falestine haysato ma jiro , laba wadaan oo is dagalaysana mahine eeh
    kumaysiga iyo xasuqa haa la jojiyo shacabkana haa laa badbadiyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. guessi says:

    700 boqoloo madfac aya israel lagu turay ayu idhi lkn waax ku dhimatay oo ila hada aan maqlay majirto eeh imisa aya lagu turay falestine 1900 oo duqaymo diyaradaha ah , 1000 guri oo burburay
    110 dhimasho ah oo carur uu badaan , duqaymo kaleh oo khuseya dhakhtara , gadidka gurmadka ah , kalimaha shidalka , kalimaha biyaha , dhul beredka , xayawanka , guedaha , xafisyasha tvga , kumanaan maxabis ah oo xadhig shinsiyaded ah lagu qabtay , meel weraradaan loga cararo malahaan , meel walba waa laga xidhay , no body is safe there waxaa dhici donaa iin ay dhulka kaa galaan hadi ay cidi kaa qabaan waydo , ciid waal waxa ay xaaq uu ledahay iin ay nolato

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. barre says:

    gaalo ayagaa iska kaa jecel waxeey ahaanayaan ha ahaadaan ee waxaan rajeeeynayaa inoow islaamku garab siiyo walaalahaas la gumaadayo waxaase wax lala yaabo ah kuwa jihaadka meelaha kale u aadaya sida somalia ineey jaahiliin yihiin aan alle aqoon eeyna mudan yihiin inlagu jihaado marka insha allaah islaamka caadiga ah guul baan u rajeeyay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. luul says:

    Asc walaala yaal siyaasada iyo bini aadam nimada ma isku xiran yihiin hase ahaate ninka warka qoray ma jeclaan lahaa dadkiisa oo dhibatadaas ku jira in saas loogu jees jeeso alxamdu lillaahi falastiin alley leedahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0